HomeWaxaad Adiguba Diiday, Ha u Loogin Qayrkaa: Ma Siyaasad Xumo Xisbi-baa, Mise...

Waxaad Adiguba Diiday, Ha u Loogin Qayrkaa: Ma Siyaasad Xumo Xisbi-baa, Mise Waa La Kala Reer Wanaagsan Yahay?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

maqaalWaxay ahayd horraantii sannadkii hore markii Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ay Golahooda u soo gudbiyeen Mooshin la doonayay in wax lagaga bedelo Xeer hoosaadka golaha Wakiilada Somaliland, gaar qodobka sheegaya in tirada codadka lagu riddi ama xilka lagaga qaadi karo guddoomiyaha Golaha Wakiilada ama Shirguddoonka Golaha Wakiilada, taas oo buuq iyo sawaxan farabadani ka dhashay.

Qodobkan Xeer-hoosaadka golaha Wakiilada Somaliland ku jira ee Mooshinka Xildhibaanadu ku soo dhigeen ayaa dhigaya in xilka lagaga ridi karo shirgudoonka ama guddoomiyaha golaha Wakiilada keliya marka ay u coddeeyaan saddex daloolow laba dalool (2/3) Xildhibaanada Golaha Wakiilada, waxaanay Xildhibaanadu Mooshinka ku soo jeediyeen in laga dhigo qodobkaas in lagu riddi karo hal dheeri (simple majority) ama kala badh codadka tirade guud ee Mudaneyaasha golaha iyo hal (absolute majority), iyadoo ay aqlabiyada xildhibaanada golaha wakiiladu mooshinkaas taageerayeen, hase yeeshee Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu miciinsaday inuu qaylo afka tolo, isla markaana qabyaaladeeyo Mooshinkii isagoo soo kiciyey dhammaan beesha uu ka soo jeedo, isagoo ku andacoonaya in kursiga reernimo lagaga qaadayo, taas oo keentay in Golaha Guurtidu inay soo dhexgasho, kadibna ay Mudaneyaashii Mooshinka keenay oo u badnaa aqlabiyada xisbiga talada haya ee KULMIYE ay tudhaale sameeyeen ogolaadeena in la hakiyo mooshinkaas.

Wakhtigan xaadirkan waxaa Golaha Wakiilada Somaliland dhowaan loo soo gudbiyey Mooshin la doonayo in wax lagaga bedelo qodob la mid ah qodobkaas uu Cirro reerkiisa ku soo kiciyay iyo weliba qodobo kale oo dalka u horseedi doona muran iyo khilaafaad badan oo wiiqi doona danta guud ee ummadda.

Mooshinkan oo ay soo gudbiyeen Xildhibaano u badan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ee uu guddoomiyaha ka yahay isla guddoomiyaha Wakiiladda Cabdiraxmaan Cirro, ayaa waxay ku dalbanayaan in wax lagaga bedelo xeerka Goleyaasha Deegaanka degmooyinka dalka, kaas oo ah Goleyaasha keliya ee wakhti xaadirkan ku jooga wakhtigii sharciga ee la soo doortay, iyadoo mooshinkan ay xildhibaanada wataa ku soo bandhigeen in qodobka dhigaya in Maayarada goleyaasha deegaanada lagu riddi karo kala badh xubnaha golaha deegaanka iyo hal dheeri, halka qoddobkani hadda ka yahay in lagu riddi karo maayarada saddex daloolow laba dalool (2/3), taas oo la mid ah tii uu Cabdiraxmaan Cirro ka dagaalamay isaga laftiisu, isla markaana dalka ku gelin gaadhay xaalad qabyaaladeed oo horseedi gaadhay xiisad aan la saadaalin karin.  Waxaa taas sii dheer in xildhibaanada mooshinkan soo gudbiyay ay dalbadeen in sidoo kale wax laga bedelo faqrad isla qodobkaas ah oo sheegaysa in fadhiyada codka loogu qaadayo Maayarada uu guddoomiyo Badhasaabka gobolka degmadaasi ka mid tahay ama wasiirka Daakhiliga, iyagoo dalbaday in guddoominta Badhasaabka iyo Wasiirka Daakhiligaba laga saaro, isla markaana ay fadhiisan karaan, dooran karaana kala badh iyo hal dheeri, iyadoo aanu goob-joog ka ahayn Maayarka la ridayo, Badhasaabka iyo wasiiir Daakhiliye toona, taas oo iyaduna halisteeda leh, keeni doontana in buuq iyo ishaysad ka dhex abuurmo goleyaasha deegaanka oo ay kolba kooxi intay meel fadhiisato odhan doonta waanu ridnay Maayarkii, mid kalena waanu dooranay.

Haddaba isweydiintu waxay tahay Guddoomiyaha iyo xildhibaanada Golaha Wakiilada ee ka soo jeeda xisbiga Waddani ayaa ka siyaasisan xildhibaanada kale ee ka soo jeeda xisbiga talada haya ee KULMIYE oo leh aqlabiyada xildhibaanada goleyaasha deegaanka ee dalka? Ma Qabiilka Cabdiraxmaan Cirro ka soo jeedo ayaa ka wanaagsan qabiilada kale ee ay ka soo jeedaan Maayarada iyo Ku-xigeenada degmooyinka dalka oo waxay waayeen reero difaaca? Mise Xisbiga KULMIYE ayaa dhinac kale u shaqaynaya oo waddada u xaadhaya sidii uu Xisbiga Waddani talada dalka ugu guulaysan lahaa marka ay timaado doorashada Madaxtooyadu? Mise Guddoomiyaha KULMIYE ayaan isaga aanay u muuqan khatarta loo maleegayo mustaqbalka uu ka maagan yahay xisbiga uu hadda guddoonkiisa hayo oo la rajaynayo inuu Musharax Madaxweyne ka noqon doono marka Madaxweyne Siillaanyo dhamaysto labada sanndood ee ay dhawaan Guurtidu u kordhisay?

Guntii iyo gebagabadii waxaan kaga baxayaa tani waa bar-bilowgii Fawdo lagu jahawareerinayo goleyaasha deegaanada dalka, iyo bar-bilowgii guulaha Cabdiraxmaan Cirro uu kursiga dalka ugu sareeya ku gaadhi lahaa.

Baashe Axmed Yaasiin (Bashka)

Boorama, Somaliland

Email: baashebashka@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories