Home“Waxaa wax aad loola yaabo ah Madaxweynaha oo aan wali tanaasulin inay...

“Waxaa wax aad loola yaabo ah Madaxweynaha oo aan wali tanaasulin inay is barbar yaacaan Wasiirro iyo Rag kale” Muj. Xasan Guure

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

 

Hargeysa(SLPost)-Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Somaliland Xasan Guure Jaamac, ayaa ka hadlay loolanka musharaxnimo ee loogu jiro Xisbiga Kulmiye, waxa uu tilmaamay inay khalad tahay in Madaxweynaha oo ilaa hadda caddeyn inuu tanaasulay in haddana Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga ay ku dhawaaqaan Musharaxnimadooda.

 

Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Somaliland Xasan Guure Jaamac, oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale ka hadlay weerarkii ka dhacay Boorama gaar ahaan Guriga Badhasaabka Gobolkaas, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Jahaweerar ayaa ku jira in Madaxweynuhu Musharax yahay iyo in aanu ahayn, hore wuu u sheegay inuu musharax yahay, ilaa haddana lagama hayo inuu tanaasulay, wax aad loola yaabana wey ahayd in Madaxweynaha oo wali tanaasulin inay is barbar yaacaan Wasiiro iyo Rag kale, sheegaana  inay Musharax Madaxweyne oo Xisbiga Kulmiye ah yihiin, sida aniga ila tahay Madaxweynaha ayaa Musharax ah, maxa yeelay Musharixiintani kuma heshiinayaan, aadna wey u adag tahay inay isku tanaasulan, balse dhammaantood waa ka wada raali inuu Madaxweynuhu Musharax noqdo”.

 

Xasan Guure Jaamac ayaa mar uu ka hadlaayey weerarkii Boorama ka dhacay ayaa yidhi “Waxa aan tacsi u dirayaa Askarti geeriyootay, waxaana ILLAAHAY uga baryayaa inuu janadii ka waraabiyo, waxa nasiib daro ah Guriga Badhasaabka Gobolka Awdal oo ku yaala badhtamaha Boorama ayaa la weeraray, iyada oo Ciidankii joogo, waxa nasiib daro ah in dad maamus mudan iyo dad masaakiin ah la xidho, markii la qaban kari waayey dadkii dhibka geystay, waxa run ah in dadka reer Awdal yihiin dad daacad ah, dad dalkooda jecel, dad nabada jecel, dad wanaaga jecel, dad dhibta neceb, in la xidho qof aan dambi geysana khalad ayaan u arkaa, waxa run ah  in SNM, haddii aanu la dagaalamin Siyaad Barre, isla markaana caadaadin dadkii masaakinta ahaa ee gudaha joogay, oo uu iska dayn lahaa in aynaan ka adkaanayn, balse markii uu cadaadiskaa iyo jidh dilka aynu aragnay baynu xoogaysanay, isla markaana aynu la dagaalanay, kana adkaanay, marka dadka masaakinta ah ee l xidhay ee aan wax galafsan in la soo daayo weeye.

 

Maalin ayey Xukuumadda inay hawshan wax ka qabato, maalintaasina waxa ay ahayd maalintii ay Madaxweynaha Odayaasha reer Awdal tabashada u soo gudbiyeen, waxa la yidhi tabashada wax baa laga qabanayaa, balse wax alaale wax laga qabtay may jirin, aniguna maalintaas waan ka hadlay, waxa kale oo aan leeyahay masuuliyiinta xilalka ka haya Xukuumadda ee Beeshaas ka soo jeeda ha dayaan dhibka, oo dadkooda dacaayada ha ka dayaan”

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories