Home"Waxaa La Isku Xidhayaa Gobolkii Gabiley Waad Mudaharaadi Gaadheen" - Waalidka Dhalinyaro...

“Waxaa La Isku Xidhayaa Gobolkii Gabiley Waad Mudaharaadi Gaadheen” – Waalidka Dhalinyaro laga soo xidhxidhay Kalabaydh

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost) – 12 Dhallinyaro ah oo loo haysto cabasho iyo mudaharaad ayaa loo soo dhaadhiciyay Jeelka Hargeysa ka dib markii laga soo qaaday Khamiistii Gabiley.

 

Dhalinyaraddan ayaa laba ka mid ah waxaa la xidhay 22 kii bishii dhamaatay ka dib markii ay dareenkooda ka dhiibteen su’aalo laga weydiiyay cisbitaalka magaallada Kalabaydh. Halka toban oo dhallinyaro ah, islamarkaana u badan ehelka labada hore ee la xidhay na laga daba- geeyay iyadoo lagu eedeeyay inay waqti habeennimo ah mudaharaadeen.

 

“In cid la xidhaa dhib maaha, laakiin, Dhowr arrimoodba waan la yaabnay, kow innamada hore ee la xidhxidhay haddaad eegto hadalkooda wax qof lagu xidho ma ay odhan. Waanad daawan kartaan Youtube-ka ayay ku jiraan waxay yidhaahdeen Wasaaradda caafimaadka waxqabadkeedu ma badna, Cisbitaalka Kalabaydhna wuxuu u baahan yahay shaqaale oo xataa dawooyin yar oo ay dhawaan keentay wasaaraddu cid bukaanka noo siisaa ma joogto. Markaa sababta marka koowaad ba loo xidhxidhay waanu la yaabay.

 

Waxaa kale oo aanu la yaabnay in dadkii cabashada la weydiiyay ee shacabka ahaa Macalin Khadar Siciid Muxumed iyo Mustafe Axmed Sheekh Maxamed oo kali ah loo bartilmaameedsaday ee Mandheera loogu diray, kii duubay hadii ay danbi tahay cabashadu iyo kuwii weheliyayna loo sii daayay. Ta kale, ee aan la yaabnay waxaa weeye nooca xukunka oo la yidhi waxaad wadeen kicin dadweyne ee lama odhan hadalkiinu been buu ahaa.

 

Ta kale, waxaan la yaabnay toban kale oo dhallinyaro ah oo laba ka mid ah ay walaalo yihiin labadda hore ee xidhanaa ayaa laga daba geeyay oo la yidhi waa dadkii aad kiciseen oo habeennimo ayay mudaharaadeen iyaddoo aan la cadayn oo xaafadahooda uun laga soo ururiyay inta magacyadooda la qorqoray markaa waxaanu is nidhi ma waxay u jeedaan, waxaa la isku xidhayaa Gobolkii Gabiley waad mudaharaadi gaadheen. Ta kale, waxaa la yidhi bil ayaa la idinku xukumay Haddana Gabilay waa laga soo dhaadhiciyay oo bishii kala badh baabay xidhan yihiine waxaa lagala doonayo Mandheera ee Jeelka Hargeysana loogu sii dhixiyay iyana waan ka yaabnay, waxaan u aragnaa in Maayarka Gabiley, Taliyaha booliska iyo Badhasaabku ay kicinayaan dadka.

 

Waxaanan ku soo koobayaa Tix uu lahaa Abwaan Gaarriye Alla ha u naxariistee waxaa uu yidhi Maantiyo berriba, Malafsade ha dhaco; Xalaal-maal hajiro; Dadku waa masee Ha mudh-baxo cadligu” Sidaas waxaa yidhi mid ka mid ah waalidka dhallinyaradan xidhxidhan oo warbaahinta la hadlay.

 

MUUQAALKA HADALLADA LAGU XIDHAY DHALINYARADA

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories