Home“Waxa Uu Ahaa Sikhi Gacan Furan Oo Faxal Ah Iyo Geesi Dulmiga...

“Waxa Uu Ahaa Sikhi Gacan Furan Oo Faxal Ah Iyo Geesi Dulmiga Ka Badheedha”

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

 

SULDAAN GALAAL:   Milicsiga Shakhsiyaddii [AHUN] Suld. Galaal & Geesinimadiisii Ay Faxalnimadu Ku Ladhnayd

Qalinkii: Ambassador Keysar Cabdillaahi Maxamed- Safiirka Wareega ee Jamhuuriyadda Somaliland

Marka hore waxaan Tacsi u dirayaa Qoysaskii, Qaraabadii, Ehelada, Salaadiinta iyo Guud ahaan Qaranka Somaliland ee uu ka baxay Allah Naxariistii Janno haka Waraabiyee Suldaan Maxamed Cabdilaahi Galaal oo   ku Geeriyooday Xaramka Barakaysan isaga oo ku hawlanaa inuu guto Waajibaadka Xajka. Waxaan Suldaanka Allah uga baryayaa inuu Naxariistii Janno ka Waraabiyo, Eheleadii iyo Qaranka uu ka baxayna uu Samir iyo Iimaan ka siiyo. Aamiin. Waxay ahayd 5tii bishii September ee Sanadkii 1993kii, waxaan galabtaas soo gaadhay magaalada Jabuuti oo uu igu marti qaaday ganacsade Cabdiraxmaan Xaaji Xasan Guuleed oo aanu saaxiibo ahayn oo imika degan magaalada California ee Dalka Maraykanka, Cabdiraxmaman waxaanu is naqaanay in muddo ah, waxaana iskaaya baray dhalinayro aanu saaxiibo ahayn oo kala ahaa Guuleed Cumar Axmed iyo Zakariye Maxamed Axmed oo imika ku nool dalka Maraykanka oo uu Abti u ahaa Geesigii Cali Maarshaal Allah ha u naxariistee, waxaanay xiligaas u joogeen arrimo la xidhiidha socdaalkooda maraykan, mudada ay halkaas Jabuuti joogeen waxay degenayaan guriga reer Xaaji Xasan Guuleed oo Allah ha u naxariistee ahaa ganacsade weyn oo Jabuuti deggan Hargaha Xoolaha Debada u dhoofiya, waxaana Guuleed iyo Zakariye iyo Cabdiraxmaan ay diyaarada ii soo saari jireen Jaraaidka dunida kuwa Somaliland wax ku saabsan qora, waxaan aniguna mararka qaarkood hadyad ahaan ugu diri jiray Khudaar kala duwan oo aan sii saaray jiray Diyaarad Puntavia la odhan jiray oo aan markaas u shaqayn jiray oo xafiiskeeda Hargeysa aan ka hawl geli jiray.  Xilligaas oo ahayd mar aan go’aansaday inaan Waxbarasho raadsado oo aan shaqadaydii ka tago, Dalka keliya ee aan awwoodi karayay inaan waxbarasho bilaash ah ka helyana uu ahaa wadanka Suudaan, ayaa waxaan ku war geliyay Maamulihii Shirkada lahaa ee aan u shaqaynayay oo ahaa Axmed Digaale Mire oo imika ah Ganacsade ku nool magaalada Hargeysa.

Waxaana uu ka xumaaday inaan shaqada ka tagayo. Waxaana uu isku deyayay inuu igu qanciyo inaan joogo oo aan shaqadaydii wato iyada oo waliba xiligaas Dalkeena shaqo la’aan baahsani ay ka jirtay oo Saddex Sanadood oo kaliyi ay ka soo wareegtay markii Dawladii Siyaad Barre la riday ee aynu dalka dib ugu soo noqonay. Waxaan Markaas ku adkaystay inaan waxbarasho raadsanayo oo aanan joogayn. Waxa markaas sidoo kale aan Cabdiraxmaan Xaaji Xasan Guuleed oo Jabuuti joogay aan ku war geliyay inaan Sudan waxbarasho u tagayo.  Waxa uu Cabdiraxmaan Iga codsaday inaan Jabuuti soo maro oo aan dhawr maalmood la sii joogo, waxaanan 5tii bishii September 1993 aan diyaarada Puntavia u raacay Jabuuti iyada oo Cabdiraxmaan uu Madaarka Iga kaxeeyay oo gurigooda aanu tagnay. Casuumad qado iyo isbarasho reer Xaaji Xasan iyo Nasasho ka dib waxaanu fiidkii isu soo raacnay meel maqaaxiyo yarar ay ku yaalaan oo sameeya cashooyinka fudud reer Jabuutina ay u yaqaanaan Casho Sakhraanka. Waxay ahay goob laba waddo dhinac ka maraan oo ku taallay dariiqa Avenue 13 ee u dhaxaysa xaafada labaad iyo ta saddex aad ee Jabuuti. Waxayna ahayd markii iigu horreysay iiguna danbaysay Jabuuti.  Marqudha waxaan isha qac ku siiyay Suldaan Galaal oo xiligaas ahaa Madaxa Hay’adaha Caalamiga ahayd ee la odhan jiray Hay’adaha Gargaarka Islaamka oo Hargeisa Xarun weyn ku lahayd. Waan salaamay waxaanan uga warramay socdaalkayga waxbarasho. Intuu Jeebka gacanta geliyay ayuu Boqol Doollar iyo kaadh uu Taleefankiisu ku qoran yahay ii dhiibay oo uu igu yidhi Adeer dedaal markaad wax u baahatana ila soo hadal.  Run ahaan ma ilaawin deeqda iyo Dardaaranka uu isiiyay Halyeey Galaal isaga oo aan aqoon ii lahayn oo xafiiska Diyaarada ee aan ka shaqayn jiray igu arki jiray. Kulankii kaas ii xigay ee aan Suldaanka isku aragnay waxay ahayd dabayaaqadii sanadkii 1997 oo uu noogu soo galay guriga Xaaji Cumar X. Daahir (Cumar-Taraydh) ee ku yaalla xaafada Xidigta ee Degmada Maxamuud Haybe ee magaalada Hargeysa,  Salaan diirran ka dib ayaan xasuusiyay in uu Jabuuti aan ku kulanay oo uu waliba Lacag i siiyay aniga daalibul-cilmi ahaa. Aniga uun muu ahayn ee waxa uu ahaa Sikhi gacan furan oo faxal ahaa. Waxa uu ahaa Geesi aan dulmiga qaadan oo ka badheedha Colaad iyo Nabadba. Waxa uu ahaa Ehlu cibaado dhawrsan oo afkiisa iyo gacantiisaba laga Nabad galo. Waana taas Allah uu ka dhigay nasiibkana u siiyay inuu geeriyoodo isaga oo Cibaado ku dhex jira, goob Barakaysan oo Xaramkii Allahna dhex jooga.  Waxaan Allaha Awoodda badan uga baryayaa inuu Naxariistii Janno ka Waraabiyo inagana uu Samir iyo Iimaan inaga siiyo. Aamiin

Qalinkii: Ambassador Keysar Cabdillaahi Maxamed- Safiirka Wareega ee Jamhuuriyadda Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories