Home"Waxa Muuqata in Dalkaasi ay ku Hirdamayaa Quwado Shisheeye" - Siyaasi Warancadde...

“Waxa Muuqata in Dalkaasi ay ku Hirdamayaa Quwado Shisheeye” – Siyaasi Warancadde Oo ka dayriyey Doorashada Soomaaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- La-taliyaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL, Cali Maxamed Warancade ayaa ka deriyey xaalad cakiran oo ka taagan diyaar-garowga doorashada loo qorsheeyey inay sannadka dambe ka qabsoonto dalkaasi Soomaaliya.

Siyaasi Wara-cadde oo ka shidaal-qaadanaya xaaladda cakiran iyo murannada siyaasadeed ee ka taagan doorashada dalkaas, waxa uu xusay inay muuqato inay waddamo shisheeye faraha kula jiraan doorashada dalkaas oo kala taageerayaan murashaxiinta ku loolamaysa.

blankCali Maxamed Waran-cadde oo maanta soo saaray qoraal uu arrintan kaga hadlayo oo uu Ciwaan uga dhigay, ‘Doorasho ku sheega Xamar ka socda iyo halista uu u horseedi karro bulshada reer Somalia’, uu dhaliilo u jeediyey nidaamka maamul ee xilligan ka taliya dalkaas, kaas oo uu ku eedeeyey inuu majare siyaasadeed ee khalkhal gelin kara ku jiheeyey dalkaas.

“Somalia oo muddo dheer la daalaa dhacaysay dagaalo aad u naafeeyey shacabka ku dhaqan Somalia, waxaa maantana muuqda in maamulka Somalia in uu bulshadaa ku jiheeyey muran doorasho oo horseedi kara halis Cusub oo Naafeysa Dadka Reer Somalia.

Waxaana muuqata in dalkaasi ay ku hirdamayaan Quwado shisheeye oo doonaya in ay qasab ku soo saaraan cida ay u arkaan in ay fulinayaan danaha ay ka leeyihiin Somalia. Arrintaasi oo keentay in la isu badheedho oo daaqada laga tuuro heshiisyadii hore loo gaadhay, Taasi oo keeni karta in xoog la isku muquuniyo , arritaasi oo halis nabad-galyo daro dhalin karta,” sidaas ayuu Cali Waran-cadde ku yidhi qoraalkiisa.

Cali Waran-cadde waxa uu talooyin u jeediyey shaqsiyaad u dhashay Somaliland oo ka qayb-galaya doorashada baarlamaanka Soomaaliya, waxa uu yidhi, “Tan labaad waxaa muuqata in kuwii sheeganaayey in ay ka soo jeedaan Somaliland ee uu ku adeeganayey maamulka Xamar, Si loo Dibindaabyeeyo geedi socodka Somaliland, in qiimahoodi noqday in la soo taago Saylad lagu kala iibsado sidii adoomaha, si looga helo cod, maadaama ay yihiin dad aan u dhalan dalkaasi, oo wax lexo-jeclo ah ama waddaniyad ahi aanay ka hayn. Hase ahaatee codkoodu Iib yahay, waana arrimaha dabka ku sii shiday khataraha iyo xasiloonida darada ka soo fool leh maamulka Somalia.

Sidaa awgeed waxaan u soo jeedin lahaa kuwa sheegta in ay ka soo jeedaan Somaliland ee tuban saylada doorashada Xamar, in ay ka fakaraan sidii ay ku badbaadi lahaayeen intaan waqtigu ka dhicin ama aanay halis mudan”. Sidaas ayuu Siyaasi Waran-cadde ku yidhi Qoraalkiisa.

Cali Maxamed Warancade ayaa ka mid ah Siyaasiyiinta waayo-aragga ah ee Somaliland, isagoo 25-kii sanno ee u danbeeyey xilal wasiirnimo ka soo qabtay Xukuumadihii u kala dambeeyey dalka, isagoo la soo shaqeeyey 5-tii madaxweyne ee isaga kala dambeeyey talada dalka ilaa xilligan, waxaanu ugu yaraan xilal Wasiirnimo ka soo qabtay ilaa 10 wasaaradood oo uu 4-tii madaxweyne ee hore kala soo shaqeeyey.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories