Home“Waxa meel diriinayj ah oo Hindiya line-ka ah, Laga Qarxiyay bahal...

“Waxa meel diriinayj ah oo Hindiya line-ka ah, Laga Qarxiyay bahal la yidhaahdo Shaani, wax dhibaato ah iyo wax khasaare ah oo ay geysatay midna ma jirto” – Taliyaha Booliska

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa daboolka ka qaaday in ciidanka Boolisku ay tallaabo adag ka qaadi doonaan cid kasta oo wax u dhimaysa nabad-gelyadda qaranka iyo ta bulshadda Somaliland.

Taliyaha Iyo Taliye Ku xigeenka Booliska SomalilandTaliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo uu weheliyo taliye ku-xigeenka 1aad ee Ciidanka Booliska Sarreeye Guuto C/Raxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) oo maanta si wada-jir ah warbaahinta ugula hadlay xarunta taliska, waxaanu tafaasiil ka bixiyay dayaanka qarax xalay laga maqlay meelo badan oo ka mid ah caasimadda Hargeysa.

Taliyaha Booliska oo ka hadlayay bam xalay lagu tuuray meel diriinayj ah oo ku taalla agagaarka Hindiya Line-ka Hargeysa waxa uu yidhi, “Waxaan halkan kaga hadlayaa farriin yar oo kooban xalay abbaarro 12 iyo waxoogaa, ayaa meel diriinayj ah oo Hindiya line-ka ah, ayaa bahal la yidhaahdo shaani laga qarxiyay wax dhibaato ah iyo wax khasaare ah oo ay geysatay midna ma jirto. Arrintaasna dad baanu u soo xidhnay baadhistiina waa lagu jiraa wax kale oo dhibaato ahina ma jiraan.”

Taliyuhu waxa uu sheegay inay gacan bir ah ku qabanayaan cid kasta oo nabad-gelyadda dalka wax u dhimaysa, “Waxa kale oo aan halkan ka caddaynayaa cid kasta oo nabad-gelyadda qaranka iyo ta bulshadda Somaliland wax u dhimaysa Ciidanka Boolisku waxay ku qabanayaan gacan bir ah,”ayuu yidhi Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan.

“Intaas markaan ka gudbo waxaan halkan shacbiga reer Somaliland uga soo jeedinayaa sidii sharafta lahayd ee aanu uga barranay inay ciidanka Booliska gacan siiyaan oo cid kasta oo ay ka dareen qaataan inay nabad-gelyadda khal-khal gelinaysa iyo cidii dhibaato wada Booliska u soo sheegeen. Ciidanka Booliskuna waxay diyaar u yihiin gudashada waajibkooda qaran iyo u addeegida bulshadda Somaliland,”ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan.

 

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories