Home"Waxa loo Tartamayaa Suuqa Itoobiya, Xasan Sheekh waa kii yidhi ha Qaadato...

“Waxa loo Tartamayaa Suuqa Itoobiya, Xasan Sheekh waa kii yidhi ha Qaadato Saldhig iyo Deked bilaasha oo ha ka Timaaddo Somaliland” – Wasiirka Warfaafinta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost) – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigelinta ahna Afhayeenka Xukuumadda Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa sheegay in dalalka Geeska Afrika tartan ugu jiraan suuqa dalka aan badda lahayn ee Itoobiya oo tirada dadkiisa lagu qiyaaso 120 Milyan oo Qof.

Wasiir Cali Mareexaan oo hadal ka jeediyey Kulan Afur iyo casho-wadareed oo uu la qaatay Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, waxa uu ka hadlay hirdanka dalalka Geeska Afrika ee ku wajahan sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen suuqa xaamiga ah ee Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn (land locked country).

“Dunidu tartan ayey ku jirtaa, oo ganacsiga ayaa tartan ku jira. Qof waliba inuu dadkiisa  shaqooyin u abuuro ayuu doonayaa. Innagu (Somaliland) waxaynu is afgarad la soo saxeexanay Itoobiya oo juquraafi ahaan aynu aad iskaga dhow nahay Soomaalida kale. Waxa aynu magaalo madaxda gobolka Soomaalida ay xadka Somaliland u jirtaa 50km, markaa waxa iskaga keen xidhan soohdimihii nolosha,” ayuu yidhi Wasiir Cali Mareexaan.

Isagoo ka hadlayey tartanka dekaduhu ugi jiraan Itoobiya wuxuu yidhi; “Itoobiya waa 120 milyan oo qof oo aan bad lahayn. Geeska Afrika oo dhammi waxay u ordayaan inay helaan suuqaas ballaadhan ee Itoobiya. Dekedda Boosaaso iyo Garacadway ku jiraan tartankaas. Xasan Sheekh Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu lahaa maalmihii u dambeeyay wuxuu lahaa ‘Itoobiya ha qaadato saldhig iyo deked bilaasha ee ka kaalaya Somaliland’ Farmaajo isna hore wuxuu u yidhi waxaannu Itoobiya siinay afar dekedood”.

“Suuqaas ayaa la isku haystaa ee waxa dalkaaga u soo kordhaya yaan lagaaga dhigin in baddii la iibinayo. Cid waliba iyadoo u dhukusaysa Itoobiya yaan laguu afmiishaareyn,” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliland.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories