Home“Waxa la joogaa Wakhtigii la Aqoonsan lahaa Guulaha Somaliland” – Golaha Jaangoynta...

“Waxa la joogaa Wakhtigii la Aqoonsan lahaa Guulaha Somaliland” – Golaha Jaangoynta Siyaasadda Khaarajiga Maraykanka ee CFR

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

New York (SLpost)- Golaha Jaan-goynta Xidhiidhada Caalamiga ah iyo Arrimaha dibadda ee Maraykanka, Council on Foreign Relations (CFR), ayaa warbixin ka diyaariyay hannaanka dimquraadiyadda Somaliland iyo doorashooyinkii dhawaan ka qabsoontay dalka, waxaanu soo jeediyey in la joogo wakhtigii la aqoonsan lahaa Guulaha Somaliland.

CFR oo ah Gole ay ku midaysan yihiin Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka iyo Barayaasha Jaamacadaha Maraykanka, isla markaana la aasaasay sannadkii 1921-kii, ayaa dalkaas u qaabilsan jaangoynta Majaraha Siyaasadda Arrimaha Dibadda Maraykanka, waxaanu inta badan qabtaa kulamo lagu gorfeeyo xidhiidhada Caalamiga ah iyo Siyaasadda arrimaha dibadda ee khuseeya dhinacyada, ammaanka dhaqaalaha iyo maalgeshiga.

blankGolaha CFR waxa uu warbixintiisa oo uu ciwaan uga dhigay “Aqbalaadda Dimuquraadiyadda Guulaysatay ee Somaliland”, waxa lagu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland oo u muuqata in ay tahay horyaalka dimuqraadiyada mandaqada Geeska Afrika ay dhisatay taariikh cajiib ah oo ku salaysan hirgelinta doorashooyinka la isku halleyn karo iyo isku wareejinta xukunka awoodda dalka si nabad ah, balse ay haddana jiraan caqabado badan oo ka hor imanaya guusha Somaliland.

Warbxintaasi oo dhamaystiranna waxa lagu bilaabay sidan: “31-kii May, dadka reer Somaliland waxay u dareereen goobaha codbixinta si ay uga qayb galaan doorashooyinka baarlamaanka iyo dawladaha hoose. Gobolkan oo ah mid muddo badan iskii u taagan ayaa lahaa taariikh gumeysi oo ka duwan inta badan dalalka kale ee mandaqada, isla markaana ku dhawaaqay madaxbanaanidiisa 1991.

Somaliland ayaa dhistay taariikh cajiib ah oo ku saabsan doorashooyin la isku halleyn karo iyo isku wareejinta xukunka awoodda dalka si nabad ah. Waa in la aqbalaa rabintaanka shacabka reer Somaliland oo si nabad ah rabitaankooda ugu muujiyay codbixinta doorashadas, taasoo siinaysay xisbiyada mucaaradka hoggaaminta baarlamaanka Somaliland. Halka ay muwaaddiniinta reer Soomaaliya inteeda kale ay la-tacaalayaan ammaan darro iyo dawlad aan waxbka qaban nabadgelyada iyo adeegyada bulshada, taas oo ku tiirsan ciidamada nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika iyo kuwa caalamiga ah iyo gargaarka shisheeyaha, iyada oo xitaa aan u muuqan inay isku raacsan yihiin xuduudaha aasaasiga u ah nidaamkeeda siyaasadeed.

Jamhuuriyadda Somaliland oo ah horyaalka dimuqraadiyada mandaqada Geeska Afrika, haddana waxaa jira caqabado badan oo ka hor imanaya guusha Somaliland, balse iyadu waxay sameysay xoogaa guul ah oo horumarineed.

Somaliland waxay leedahay awood yar oo ay kula macaamili karto dowladaha kale ama hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah, marka loo eego kuwa deriska ah, sababta oo ah dunidu ma aqoonsan madax-bannaanideeda, haddana waxay sii wadaa qorshayaal lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha, shaqooyin la siinayo dhallinyaradeeda, ilsa markaana hoggaamiyeyaasheeda lagula xisaabtamo sanduuqa codeynta.

Somaliland waxay xanbaarsan tahay waxyeello naxdin leh oo ka soo gaadhay arxan-darradii taliskii Siyaad Barre, haddana cabashada taariikhiga ahi salka kuma hayso himiladeeda qaran. Firfircooni ahaan bulshada reer Somalialnd uma eeka sida kuwa Soomaaliya (Koonfurta).

Guulaha ay gaadhay Somaliland iyo sida ay uga go’an tahay mabaadi’deeda dimuquraadiga ah ayaa mudan in fiiro gaar ah loo yeesho, xili lagu guda jiro xiisad ka taagan gobolka iyo dib u gurashada dimuqraadiyadda adduunka. Guusha Somaliland waxay canaan ku tahay kuwa ku dooda in kali-talisnimadu ay tahay qiimaha looga baahan yahay xasiloonida gobolka, ama aaminsan mabaadi’da dimoqraadiyadeed in ay tahay mid qariib ah,” Sidaas ayaa lagu sheegay warbixinta CFR.

Golaha CFR ayaa dawladda Maraykanka kala shaqeeya xidhiidhada caalamiga ah iyo siyaasadda arrimaha dibada ayaa shirar u qabta mas’uuliyiinta dowladda Maraykanka, hoggaamiyeyaasha ganacsiyada adduunka iyo xubnaha caanka ah ee sirdoonka dalkaasi, kaas oo lagu gorfeeyo istaraatiijida siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka, waxaana xubno ka ah in ka badan shankun, oo qof oo isugu jira siyaasiyiin waaweyn iyo agaasimayaasha hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee CIA-da.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories