Home"Waxa inoo suurto gashay in aynu u debbaal-degno soddonkaa sanno ka dib...

“Waxa inoo suurto gashay in aynu u debbaal-degno soddonkaa sanno ka dib midhihii aynu beeranay” – Madaxweynaha Somaliland oo Shacabka Farriin u diray

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu shacbiga Somaliland, dal iyo dibedba ku hambalyeynayaa 30 guurada ka soo wareegtay 18 May 1991 oo ahayd maalintii dib-u-curashada madax-bannaanida Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland oo maanta ku beegan.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee madaxtooyada oo xambaarsan farriin hambalyo ah oo madaxweynaha Somaliland u diray Shacabka, kagana hadlay qiimaha ay maalintani qaranka ugu fadhido, ayaa u dhignaa sidan:-

Madaxweyne Muuse Biixi 18 May 2021“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo la dareen ah shacbigiisa Somaliland waxa uu hambalyo u dirayaa ciidammada qalabka sida ee Alle ka sakow suurageliyey in qarankani soddon jirsado kuna tallaabsado nabadgelyo taam ah oo ay majeertaan Dunida inteeda kale, sidoo kale madaxweynuhu waxa uu hambalyo taa la mida u dirayaa shacbiga qiimaha badan ee barbar-taagan qaranka Somaliland isla markaana marwalba heeganka u ah ilaalinta iyo jiritaanka dalkooda.

Sannad-guuradii 30-aad ee ka soo wareegtay 18-ka May 1991kii oo ah maalintii shirweynihii kowaad ee waxgaradka JSL, isugu yimaadeen magaalada Burco ee ay u dhammaayeen madaxda dhaqan ee beelaha ku dhaqan Somaliland, kuna go’aamiyeen in lagu dhawaaqo inay Jamhuuriyadda Somaliland gaar isu taagto, isla markaana noqoto qaran ka madax-bannaan dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyaddii Soomaalida.

Iyadoo Qarankan loo soo maray halgan dheer oo naf iyo maal badani ku baaba’een, ka dibna aynu ku guulaysanay in aynu la soo noqonno xorriyaddeennii, Horraantii 1991 kii, maantana aynu joogno 30 Sanno oo aynu ku tallaabsanay guullo kala duwan oo la gaadhay horumar weyn, nabadgelyo cago-adag ku taagan, barwaaqo iyo badhaadhe qaranku ku naalloonayo.

Waxa inoo suurto gashay in aynu u debbaal-degno soddonkaa sanno ka dib midhihii aynu beeranay, iyadoo ay inoo hirgaleen wax badan oo aan ka dhicin Geeska Afrika iyo caalamka intiisa badan, maragna ay inooga yihiin cid kasta oo samaha jecel.

Mar labaad Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu hambalyo u dirayaa shacbiga Somaliland iyo noocyada kala duwan ee ciidamada sooma-jeestayaasha ee ku kala sugan xuduudaha dalka heegankana ugu jira inay cadowga ka hiraan soohdimaha Jamhuuriyadda Somaliland.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories