HomeWaxa Inoo Baryey Waa Cusub

Waxa Inoo Baryey Waa Cusub

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Wuu dhamaaday shirqoolkii ka aamusidda ee waddamada Adduunku ku hayeen dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waanu dhamaaday wakhtigii wadda-hadal wax lagu hubin lahaa, waxa inoo baryey xilli u baahan in tallaabooyin firfircoon iyo wax-qabad dhab ah lagaga gudbi lahaa xaaladdan cusub ee fooda innagu soo haysa, maaha in baahida dadka la habeeyo oo wax walba laga qufullo, garasho ahaan si loogu hoggaansanaado, (Waxa anniga ii daran, ayaa adigana kuu danna) balse waxa waajib ku ah xukuumaddu in ay dhiig cusub ku shubto dib u habeynta Ganacsiga, Caafimaadka, Wax-barashada, Beeraha, Xoolaha, Kor u kaca qiimaha sayladda suuqyadda iyo Dhaqaalaha Dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

blankDhinaca kale, Wadaniyaddu kama tagana marka ay Askartu dalkooda ka difaacayaan weerarrada caddowga, waxa ay muujiyaan Waddaniyad ku dayasho mudan, laakiinse, warfidyeennada Jamhuuriyadda Somaliland way ku fashilmeen in ay boodhka jafaan, Difaacaan oo ay dhidibbada u taagaan qiimaha Wadaniyadda u leedahay Dalkooda, “ Lama Huraan Waa Caws Jiilaal”, ayay tidhaahdaa murti Soomaaliyeed.

Waxa haboon in ay xukumaddu ku darto manhajka wax-barashada Dugsiyada Qiimaha ay wadaniyaddu u leedahay Dalka iyo Sooyaalkii Taariikheed ee uu soo maray Dalka Jamhuuriyadda Somaliland, sida aynu wada ogsoonahay maaha mid si fudud lagu hantiyey ka midho-dhalintii lagu gaadhay guusha Xornimada iyo Madax-bannaanida Dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa ay ka soo unkantay hannashadaasi, oo uu abqaalkaasi ku soo baxay waddaniyiintii dhiiggagii halyeyadii naftood hurayaasha ahaa, sida biqilkuba ugu baahan yahay waraabka, xannaaneynta, toosinta iyo illaalinta, ayey xoriyaddii la hantiyeyna ugu baahan tahay Toosin, Sinnaan, Caddaalad iyo Waddaniyad.

Haddaba, marka aynu eegno Dalka Jermalka guddihiisa waxa mabnuuc ka ah in qofka lagu arko isagoo sita ama xidhan calankii naasiga ee Hidlar in lagu xukumo xabsi daa’in, halka waddanka Iiraana guddihiisa ay ka mabnuuc tahay labada Calan ee Israa’iil iyo Calanka Mareynkanka.

Sidoo kalena, Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu sharcigoodu dhigayaa in qofka lagu arko isagoo sita ama xidhan Calanka Soomaaliya in uu yahay qof galay Dambi ku xadguddub Liddi ku ah Wadaniyadda oo ay ciqaabtiisu tahay saddex-sannadood, taasoo ay sabab u tahay xasuuqii naasigii Siyaad Barre u geystay dadka reer Somaliland.

 

Qoraa:- Maxamed Faarax Qot

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories