Home“Waxa hubaal ah in markaynu doorashadaas si nabadgelyo ah ku dhammayno in...

“Waxa hubaal ah in markaynu doorashadaas si nabadgelyo ah ku dhammayno in qof kasta oo adduunka ka mid ahi…” – Madaxweynaha Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa farriin ku aaddan hab-sami u qabsoomidda doorashada la wadaagay shacabka Somaliland, waxaanu ugu baaqay inay si nabad ah u codeeyaan doorashada Isku-sidkan ee Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada oo uu ku tilmaamay guul taariikhi ah oo Somaliland leedahay.

Madaxweynuhu waxa uu Shacabka Somaliland iyo hay’adaha kala duwan ee qaranka oo ay saddexda xisbi ka mid yihiin ugaga mahadnaqay sida xilkasnimada leh ee ay qaybta uga ahaayeen hirgelinta doorashada, isaga oo xildhibaannada golaha wakiillada ee xilku kasii dhammaanayona ku ammaanay kaalinta ay ku lahaayeen doorashada iyo shaqada ay qaranka u qabteen muddadii ay kuraasida ku fadhiyeen.

“Doorashada waxaynu ka doonaynaa in Somaliland taladeedu mid noqoto oo gobol kasta iyo cid kasta oo deggen iyo qof kasta oo Somaliland ah, ka u bariyeeya iyo ka u galbeedeeya, inay talo midaysan iyo ujeeddo midaysan oo qaran iyo wax wada qabsi yeeshaan, waxana ay ku yeelanayaan in Dawlaha Hoose ee magaalo maamulaya dadku wada doorto oo haddii ay wax qalloociyaan la wada qaban karo,” sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi, waxaanu intaas ku daray hadalkiisa oo yidhi, “Waxa kale oo soo kordhaya talo-wadaag, waayo golihii wakiilladu markuu hadlayo wuxuu ka hadlayaa baahida taalla halka ugu Bariyeysa, halka ugu Galbeedaysa, halka ugu koonfuraysa iyo halka ugu waqooyigyeysa.”

Md Muuse Biixi waxa uu farriin u diray Dhallinyarada dalka, “Dhallinyarada Somaliland waxan leeyahay sidii quruxda badnayd ee aad Ololaha u gasheen, uga hawlgala doorashada, waayeelkiinna caawiya, ka buka caawiya, askarta la shaqeeya oo muujiya qarannimadii aad muujiseen,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse oo ka hadlayey midho-dhalka laga dhaxli doono doorashadan oo habsami ku qabsoonta, waxa uu yidhi, “Waxa hubaal ah in markaynu doorashadaas si nabadgelyo ah ku dhammayno ee aynaan eegin qalad yar oo dhacay, in qof kasta oo adduunka kamid ahi uu halkeenna inoogu iman doono, qof kastaana marka uu is sharfo ee uu qiimo isu yeello ayaa la ina qiimaynayaa, la inagu qiimayn maayo baryo, la inagu qiimayn maayo waannu is haynaaye kaalaya na kala qabta’e waxa la inagu qiimaynaa shaqsinimadeenna.”

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories