Home“Waxa aannu ka codsannay in lagu horreeyo Biriijyada oo dhibaato badan inagu...

“Waxa aannu ka codsannay in lagu horreeyo Biriijyada oo dhibaato badan inagu haya Gu’gii oo horta Toddobada Biriij..” Nuxurka Qudbad Madaxweyne Biixi u jeediyey Jaaliyadda Somaliland ee UAE

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Abu Dhabi (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta oo uu maanta ka soo laabtay. Madaxweynuhu waxa uu kulan ballaadhan la qaatay jaaliyadda Somaliland oo uu kala hadlay arrimo badan.

Madaxweyne Biixi Jaaliyada UAE (1)

Madaxweynuhu waxa uu jaaliyadda uga warramay xaaladda guud ee dalka, caqabadaha jira iyo dedaalka ay xukuumaddu ugu jirto ka midho-dhalinta heshiisyadii qaranku la galay dalka Imaaraadka oo waqtigan meel wanaagsan maraya iyo ololaha loogu jiro sidii bulshadu u gaadhi lahayd isku-filnaansho dhinaca wax soo saarka ah.

 

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay meel wanaagsan marayaan dhammaan waxyaabihii ay hore ugu heshiiyeen dalalka Somaliland iyo Imaaraadka Carabtu, gaar ahaan qodobbada ku saabsan sidii xoolaha Somaliland ay saylad uga heli lahaayeen dalka Imaaraadka iyo sidii Baasaboorka qaranka Somaliland ay Imaaraadku u aqbali lahaayeen, islamarkaana loo furi lahaa suuqa dhallinyarada labada dal kasoo kala jeedda oo baahi u qabta inay si xor ah shaqo uga helaan labada waddanba.

Madaxweyne Biixi Jaaliyada UAE (5)

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu sharraxay fursado loo oggolaaday aqoonyahanka reer Somaliland ee wax bartay, kuwaas oo loo oggolaaday inay ka shaqaysan karaan dalka Imaaraadka Carabta, islamarkaana horraantooda dhawaan la qaadi doono, waxana uu yidhi, “Waxannu ka codsannay dadka jaamacadaha gudaha kasoo baxay ee Somaliland jooga, gaar ahaan kuwa cilmiga Baatroolka iyo hawlaha kale ee halkan ka bannaan kusoo takhasusay in tixgelin gaar ah naloo siiyo inay halkan yimaaddaan oo Document-ga ay sitaanba lagu siiyo sharci, Odaygiina wuu naga abqalabay, kuwii la joogayna wuu Faray, Jaamac (wasiirka macdanta) oo Macdanta qaabilsanina 40 (Afartan) buu sheegtay, halla soo qaado buu yidhi.”

Madaxweyne Biixi Jaaliyada UAE (4)

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay inay hore ka bilaabmeen mashaariicdii waaweyn ee dalka Imaaraadka lagula heshiiyey inuu Somaliland ka hirgeliyo, isaga oo tusaale usoo qaatay dhismaha dekedda Berbera iyo waddada isku xidha Wajaale iyo Berbera,

 

“Waxa Ilaahay mahaddii ah in ballantii iyo lacagteedii fushay oo la bilaabay dekeddii Berbera, maanta dekeddii waa la bilaabay hawsheediina way socotaa 400M (Afartii boqol ee mitir-na) ee dekeddana waa la dhammayn doonaa insha Allah laba sano gudahood. Qoddobka kale ee aynnu berigaas ku heshiinnayna waxa uu ahaa waddada u dhaxaysa Berbera iyo Wajaale, waddadaasina way bilaabantay lacagteediina way soo diyaariyeen, waxana aannu ka codsannay in lagu horreeyo Biriijyada oo dhibaato badan inagu haya gu’gii oo horto Toddobada Biriij, gaar ahaan kuwa biyahoodu xawliga ku socdaan laga bilaabo,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Biixi Jaaliyada UAE (3)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu ku dheeraaday dedaallada kala duwan ee xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay ugu jirto isku soo jiidka iyo isku wadka bulshada, islamarkaana ay xukuumaddu waqti badan gelisay sidii shacabka looga shaafiyi lahaa xanaftii ka dhalatay doorashadii madaxtooyada ee sannadkii 2017-kii dalka ka dhacday.

Madaxweyne Biixi Jaaliyada UAE (2)

Ugu dambayntii madaxweynuhu waxa uu bulshada xasuusiyey inay Soomaaliya weli ku hawllan tahay gardarro iyo hagardaamooyin ay la daba socoto dalka Jamhuuriyadda Somaliland, islamarkaana ay maamulka Muqdisho weli diidan yahay soo jeedimaha bulshada caalamku ku doonayso in wada-hadal furan oo madal loo dhan yahay ka dhaca lagu garnaqsado.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories