Home“Waxa aan Macalin u ahaa Muuse Biixi, Cabdi Aw Daahir, Ismaaciil Muumin,...

“Waxa aan Macalin u ahaa Muuse Biixi, Cabdi Aw Daahir, Ismaaciil Muumin, Samsam Cabdi iyo C/casiis Samaale”

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Prof Saleebaan A. Guuleed

saleebaan axmedHargeysa (SLpost)-  “Sannadkii 1964kii ayaa waxa aan tegay Mareykanka, Jaamacadda Empolio State University ayaan ka soo qaatay degree-gii koowaad waanan soo noqday oo toddoba sanno ayaan shaqeeyay. Iskuulkii Sare ee Camuud ayaan ka noqday maamule, maamule ku xigeen  iyo macallin dugsi sare. Intaas dabadeed Wasaaraddii Waxbarashada ee Dawladdii Soomaaliya ayaan ka noqday Agaasmisaha dugsiyada sare iyo farsamadaba. Kaddibna waxa la ii beddelay Jaamacaddii Lafoole oo aan anigu codsaday,” sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof Saleebaan Axmed Guuleed oo u warramay qoraaga da’da yar ee Siciid Maxamuud Gahayr oo qormooyin taxane ah ka diyaariyey aqoonyahan Guddoomiyaha Guddiga Tacliinta Sare ee Somaliland Prof Saleebaan Guuleed.

Qaybta Waraysigan oo ka mid ah qaybta labaad ee taxanaha uu qoraagu la yeeshay Prof Saleebaan, waxa uu ku yidhi isaga oo hadalkiisa sii watay, “Waxa aan Lafoole ka noqday bare, kaddibna waxa aan Agaasime madax ka noqday waaxda waxbarashada iyo cilmi-nafsi (department of education and pyshcology), haddana waxa aan ka noqday hormood-ku-xigeen, markii dambena hormood (Dean) ayaan ka noqday. Jaamacadda Lafoole waxa aan ka tegay sannadkii 1975kii, kaddibna waxa aan ku soo sameeyay takhasuskaygii Jaamacadeed, waxaanan dib ugu soo laabtay Jaamacaddii Lafoole oo aan ka hawl-galay”. Aqoonta uu Saleebaan Axmed Guuleed soo bartay ee uu kaga hawl-gelayay Jaamacadaha muddada ka badan afartanka sanno waa cilmiga “educational pyshcology

Professor Saleebaan oo ka warcelinaya su’aal ku saabsanayd inuu ka warramo qaar ka mid ah ardaydii ay wax isku fasalka ahaayeen xilligii uu ardayga ahaa iyo ardaydii uu macallinka ama maamulka u noqday waxa uu yidhi, “way badan yihiin. Kuwii aanu isku fasalka ahayn iyo ardayda aan wax u dhigay waxa hadda Hargeysa ishu ay qaban kartaa ardaydii aan wax u dhigay. Ardaydii aan isku fasalka ahayn waxa ka mid ah Ambassador Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye, Ibraahin Shuuriye oo geology-ga jooga iyo kuwo badan oo kale. Intooda badani waxa ay noqdeen qurbe-joog, waxa aan arkayay Cabdi Xuseen Ciise oo isna dhawaan dalka ku soo laabtay. Waxa ka mid ahaa Cabdi Ismaaciil Yoonis (Cabdi Ismaaciil Duse) oo isna jooga laba fasal ayaan u horreeyay.

Raggii iyo ardaydii aan macallinka u ahaa way fara-badan yihiin waanay joogaan oo intaa “ustaad” ayaa la yidhaahdaa waxaana ka mid ah wasiirro iyo masuuliyiin kale. Waxa ka mid ah Muuse Biixi Cabdi Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Dr Cabdi Aw Daahir Cali Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Professor Ismaaciil Muumin Aar Wasiirkii hore Hawlaha Guud, Samsam Cabdi Aadan oo hadda aniga wasiir ii ah (Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare),  Markaa dadku way badan yihiin kuwo hore iyo kuwo dambeba. Raggii aan hormoodka ugu ahaa Lafoole waxa ka mid ah Cabdicasiis Maxamed Samaale Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda.”

Professor Saleebaan Axmed Guuleed oo la weydiinnay xilliga uu ka tegay Jaamacadda Lafoole iyo shaqooyinkii kale ee uu qabtay intii uu joogay magaalada Muqdisho waxa uu yidhi, “Xilliyadii dambe waxa aan Jaamacadda Lafoole ka noqday la-taliye, waxa aan sidoo kale la-taliye u ahaa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan Qaxoontiga ee UNCHR. Jaamacadda Lafoole waxa aan ka tegay xilligii ay burburtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya, walaw aanan xilliyada dambe qaar joogin,” ayuu yidhi Prof Saleebaan Axmed Guuleed.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories