Home“Waxa aan Ku Dhaaranaynaa In aannu Weerari Doonno Ameerika Xarunteeda Washington” DAACISH

“Waxa aan Ku Dhaaranaynaa In aannu Weerari Doonno Ameerika Xarunteeda Washington” DAACISH

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

SLpost-Kooxda Daacish ayaa ku hanjabtay inay weeraro ku qaadi doonto wadamada ka qeyb qaadanaya duqeymaha Suuriya, waxaana ay cadeeyeen in weerarkii Paris midka ku xiga uu yahay Caasimada Mareykanka ee Washington DC.

 

 

Muuqaal cusub oo ay kooxda soo dhigtay baraha Internet oo ay ka soo muuqdeen dagaalyahano ku hadlayay afka Carabiga ayaa waxay ku hanjabeen in si la mid ah weerarkii Paris ay ka fulin doonaan dalalka reer galbeedka.

Mid ka mid ah dagaalyahanada ka soo muuqday oo lagu magacaabo Al Ghareeb oo u dhashay Algeria ayaa ugu hanjabay wadamada reer Yurub inay weeraro ku soo wajahan yihiin.

“Waxaan idin sheegayaa dalalka ka qeyb qaadanaya ololaha saliibiga ah, waxaa idin ku qaadi doonaa weerar la mid ah kii France, waxaa ku dhaaranayaa inaan weerari doono America, xarunteeda Washington”ayuu yidhi dagaalyahankan.

Sidoo kale waxaa uu u sheegay wadamada reer Yurub inay u soo socdaan, iyagoo xidhan suumanka qarxa, isla markaana wata hub, waxaana uu tilmaamay in sidii hore ay maanta ka xoog badan yihiin.

Ururka IS ama Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkii habeenkii jimcaha lagu qaaday magaalada Paris, halkaasoo ay ku dhinteen 129 ruux, halka 350 ku dhaawacmeen, waxaana uu ahaa weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee Yurub ka dhaca, kadib weerarkii sanadkii 2004 lagu qaaday magaalada Madrid ee dalka Spain.

Dalalka reer galbeedka ayaa sare u qaaday amniga dalkooda, kadib weerarkii Faransiiska, waxaana Ra’iisul Wasaaraha Faransiiska uu sheegay inay suura gal tahay weeraro abaabulan oo ku wajahan dalalka Yurub.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories