HomeWaxa aad hurtaa 30 daqiiqo si aad...

Waxa aad hurtaa 30 daqiiqo si aad…

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

 

Earl Nightingale waxa uu baadhayay iskuna taxallujiyay ‘guusha’ muddo tobanaan sanno ah, si dhab ahna waa uu u gudanayay shaqadiisa. Waxqabadkiisii inta u badan haddeer waa la iska ilaaway, balse haddii aad in uun meel ku aragtid, waa kuwo u qalma in waqti la gesho ee ha sii dayn. Aniga aad ayaa ay ii caawiyeen.

Mid ka mid ah casharradii ugu waxtarka badnaa ee Earlwaxa uu ahaa:

Haddii aad maalin kasta gelisid waqti dhan 30 (soddon) daqiiqo barashada hal wax oo qeexan, waxa aad ku noqonaysaa khabiir aan lagaga daba-dhufan muddo 6 bilood ah.

Waa run. Anigaygan ayaaba ogsoon in ay run tahay, sababta oo ah waxa aan qaatay taladiisaa waxa aanan soo baxay khabiir isnacay!

Waa suure in ay qaadato ammin ka badan lix bilood marka la dersayo cilmiyada kakan, balse soddon daqiiqo oo maalinle ah – waa haddii aad si niyad ah aad maalin kasta u baratid e – waa waqti BADAN oo diiraddu meel keliya haysato.

Sidee loo samayn karaa?

Sida aad u malaynayso inta ay doonto ayaa ay ka fududdahay, marba haddii aad qaadan kartid go’aanno masiiri ah oo aad maamulan kartid noloshaada … diidi kartidna in aad ku noolaatid filashada dadka kale!

Tan micnaheedu waa in aad awood u leedahay in aad dhahdid “maya”. Tan micnaheedu waa in aad oggolaan kartid xaqiiqada ah in dadka kale u diran yihiin niyadjebintaada. Waa in aad samayn kartid waxa aad isleedahay waa sax, adiga oo aan sidaa u eegayn diidmada dadka ee taxanaha ah.

Markii u horreysay ee aan sameeyay waxa aan ka bilaabay in AANAN cunno la cunin dadka aanu shaqo-wadaagta nahay. Gooni ayaa aan ula baxay, wax-akhrisna waa aan dhex waday cunistii. Kuwo ka mid ah asxaabtaydii hawsha ayaa u qaatay in aan ahay istus edeblaawe ah, balse dheg jalaq uma aan siin.

Ka dibna marka ay jaallayaashayda shaqadu suuqa aadaan anigu guriga ayaa aan tegayay. Waa aan dhoola-caddaynayay, waxa aanan u sharxay in aanan cabbitaan (khamri) ujeedin, hawlo badan oo ay tahay in aan qabtaana ay i sugayaan. Xilliyadii hore madaxa ayaa ay ka ruxi jireen, (walaac muujin darteed), balse aakhirkii waa ay iskala qabsadeen oo waa ay iga joojiyeen wayddiimihii.

Haddaba, marka akhyaarta kale qado-doontaan, adigu adiga la fadhiiso, adigu isla fadhiiso, waxna akhri! Marka ay kala tagaan rawaxaadda, adigu gurigaagii toos u tag waxna baro. Haddii jaallayaashaa ama xigtadaa uu cajabin waayo dhaqankani, ha u joojin. Noqo mid dadka ka duwan. U xaqiiji in aanad cidna ku xumaynayn, balse is-shiidaali oo qabo waxa kuu wanaagsan.

Wax asxaab ah kuma waayi doontid inta aad ku jirto habdhaqankan, haddii ay dhacdo se, iska dhaaf ha dhacdee. Saaxiibka aan kuu oggolaanayn, kaagana raallida ahayn, in aad isbeddesho oo aad kortaayi ma aha saaxiib u qalma in aad sii wada joogtaan!

Sidee wax loo akhrin karaa?

Xeeladahan raac:

Tayada eego, tirade dan iyo deero toona ha ka gelin. Isla ilow akhrinta bogag cayiman maalintii. Taasi waa gef. Hubi in waxa aad akhriyaysid aad fahmaysid – tan oo keli ah ayaa raandhiis leh.

Ha qulqulin. Hako oo dib ugu noqo meelaha aad u baahato. Haddii aad wax hore u liqi waydo, calaamadso ka dibna baadho marka aad haleesho. Waxba ha ka tegin; haddii aad sidaa fashid, waxa aad ka takhallusaysaa mustaqbalka waxbarashadaada. Buuxi meelaha bannaan marka aad dul maraysid, ha u dhigan hadhaw!

Waa in aad fahantid SABABTA ay walxuhu ugu dhaqmaan sida ay u dhaqmaan. Waa wax la qawado in aad iswayddiisid SIDA ay u dhaqmaan oo keli ah! Waa in aad oggaato sababta … waa in aad ka jibbo-keentid waxa inta ay soo doontaan ka dhigaya sida ay u shaqeeyaan waxan aad dersaysid. Maalinka aad waxaas fahantid, waxa aad soo noqnoqaynaysaa khabiir dhab ah!

Badiyaa xaashi iyo qalin yaan lahaa agwaayin. Ku qor walxaha aad u baahato in aad hubisid. Ku dhig aragtiyaha kale ee kugu soo dhaca marka aad wax-akhriyaysid. Qor fekradaha loo adeegsan karo waxan aad akhriyaysid.

Marka aad sidaa uga fara-xalato buug (warside ama wax kale), dib u jaleec qabyo-qoraalladii aad ka samaysay, ka dibna kaydso wixii waxtar kuu yeesha, (in aad kambayuutarkaaga ku kaydsato ayaa aan weliba kugula talinayaa, haddii aad leedahay).

Haddii aad intaa samaysid…

… waxa aad khabiir run ah ku noqonaysaa wax kasta oo aad baratid. Hibooyin gaar ah halkan loogama baahna. Maskaxbadnaan loogama baahna. Keliyaata waa in aad ugu horraynta go’aan gaadhaa, ka dibna aad ku hawlgeshid kuna dhawaaqdid, adiga oo cadaadis ku soconaya.

Gaadh go’aamo wanwaangsan, carqalahada ha u istaagin, kuna soco.

***

Qormada la haltebiyay: Legitimate expert: If you spend 30 minutes a day just doing this…

***

W/Q: Paul Rosenberg
W/T: Cabdicasiis Guudcadde

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories