HomeWax ka Ogow Taariirkhda Loolanka Crimea (Al-Qirim) Iyo Colaadda Ku Gedaaman

Wax ka Ogow Taariirkhda Loolanka Crimea (Al-Qirim) Iyo Colaadda Ku Gedaaman

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Crimea ama (Al-qirim)waxay ahayd markasta goob muhimad weyn ugu fadhida, boqortooyadii Ruushka, Midawgii Soofiyeet ee burburay, iyo dawladda Ruushka ee hadda joogta intaba, waayo gacan ku haynteedu waxay u ahayd Ruushka markasta saldhig muhiim ah oo ay ku leeyihiin badda madow, oo istiraatiijiyad u ahayd Ruushka iyo ciidamdiisa badda , Ruushkuna ma uu noqon dawlad xoog badan ilaa uu gacanta ku dhigay Jasiirad u eegta Crimea iyo badda madow dhulka ku hareeraysan badankiisa badhtamihii qarnigii 18aad xilligii boqoradii la odhan jiray Kathrin.

Sanadkii 1856-1857 ayaa Ingiriiska iyo Faransiiska oo garab siinay ciidamdii dawladii Cusmaaniyiinta waxay ciidan aad u tiro badan dul dhoobeen deegaanka Crimea , si looga saaro ciidamadii Ruushka, waxaana Ruushkii laga saaray dhamaanba jaziirad u eegta Cremia, iyaga oo iska hortaagay in Ruushku ku yeesha ciidanka badda Cremia ,gaar ahaan badda madow.

Crimea (1)Guul darooyinkii Ruushka xilligaasi ku dhacay waxa uu keenay in ay waydo awoodii ay ku lahay Yurub iyo badda madow muddo gaadhaysa 20 sanno, hasa yeeshee Ruushu wuxuu awoodiisii soo ceshaday markii ay ka adkaadeen ciidamadii Turkiga ee dawladdii Cusmaaniyada oo gacanta ku haysay Crimea sanadnadihii 1877-1878 dagaalo socday .

Boqortooyooyinkii Ruushkuna waligoodba waxay aad awooda saari jireen sidii ay waddo ugu heli lahaayeen Badda Dhexe taas oo ay aad u danayn jireen in ay gacanta ku dhigaan Kenalka Fosfor ee ku yaala dalka Turkiga ama ay awood ugu yeelan lahaayeen, waxaa la sheegaa Ruushku in uu aad u danaynayey in uu gacanta ku dhigo dhulkaas oo dhan hasa yeeshee kacaankii ka dhashay dalka Ruushka 1917kii wuxuu Ruushka ka dhigay Shuuci, taas oo ay garab ka waayeen Gaashaanbuurtii Ingiriiska, Faransiiska Iyo Maraykanka ee ay xidhiidhka dhaw lahayeen Ruushka intii uu socday dagaalkii koowaad ee aduunku sanadihii 1914-1918.

Dagaalkii labaad ee aduunka Hitler ´wuxuu aad culayska u saaray in uu gacanta ku dhigo Crimea, wuxuuna haystay muddo kooban, wuxuuna Jarmalku u arkayey in ay tahay Crimea wado looga gudbi karo aasiyada dhexe iyo koonfurta Ruushka,Muslimiintii xilligaas ku noolayd oo loo yaqaanay Tataar waxay garabsiiyeen Hitler, markii dagaalkii labaad ee aduunku dhamaadayna Hogaamiyihii Midawga Soofiyati ee la odhan jiray Joseph Stalin Muslimiintii Tataar wuxuu u raray aasiyada dhexe, markuu arkay awooda ay ku leeyihiin , wuxuuna ku beeray dad Ruush ah oo iyagu hadda u badan.

Dagaalkii labaad ee aduunka ka dib Crimea waxay noqotay saldhig milatari oo weyn oo Midawga Soofiyati ka arrimiyo oo uu awoodiisa ku soo bandhigo gaar ahaan badda madow, waxayn ka mid ahayd dhulka Ruushka ilaa hadana Ruushka waxay u tahay saldhig milatari oo muhiimad weyn ugu fadhiya, hasa yeeshee markii uu Turkigu ku biiray gaashaanbuurta Nato sanadkii 1952kii , muhiimadi iyo istiraatiijiyaddii ay lahayd Crimea iyo saldhiigii ciidanka badda ee Midawga Soofiyati hoos ayuu u dhacay, waxayna Ruushku garwaaqsadeen in Turkigu xidhi karo xilligay ka codsadaan Nato Kenalka Fosfor ee dhex mara Magaalad Istanbul , kaas oo ahaa wadada kaliya ee Ruushku u mari karayo Badda Dhexe.

Crimea (2)Arrintaasi waxay ku dhiiri galisay Khrushchev hogaamiyihii Midawga Soofiyati ee xilligaas in u Hadyad u siiyo Ukraine oo markaas ka mid ahayd jamhuuriyadihii Midawga Soofiyati wuxuuna ku daray dhulka Ukraine sanadkii 1954, hasa yeeshee ilaa maanta waxa ay yihiin dadka ugu badani Ruushku ka dib markii deegaankaas laga daad gureeyey oo laga raray sanadkii 1944kii dadkii asal ahaan u deganaa ee Muslinka ahaa ee loo yaqaanay Tatar, oo hadda ka ah 1% , Ruushka ku nool Crimea ayaa ah 75%, halka Ukraine ay ka yihiin 21% qowmiyadaha kalena inta soo hadhay.

Burburkii Midawga Soofiyati sanadkii 1991kii waxa ay la goday Jaziirad u eegta Crimea dalka Ukraine, maadama lagu daray 1954kii , Ruushka ayaa muddo 20 sanno ah ku sugnaa Cremia heshiis la’aan isaga oo markasta ka cagataaglanayey in uu heshiis la galo Ukraine ku saabsan Cremia iyo joogitaankiisa iyo mustaqbalka saldhiga ciidanka badda ee Ruushku ku leeyihiin, wuxuuna heshiisyo ku meel gaadh ah marba la gali jiray xukuumadihii dalka u talin jiray oo marba si deg deg ah isu badeli jiray,.

Hasa yeeshee sanadkiii 2010 ayaa waxa ay labad dal kala saxeexdeen in Ruushku ka gurto qalabkiisa Crimea sanadka 2042, intaa uu joogana sanadkii bixiyo 100milyan oo dollar, Gaska Ruushkana Ukraine looga gado sicir ka hooseeya kan sayladaha aduunka 30%.

Reer Galbeedka iyo Nato ayaa waxay aad uga walaacsanayeen Ciidanka Badda Ruushka ee ku sugan badda madow , oo awoodiisu aad uga hoosayso kan ciidamadda badda ee dalka Turkiga oo Nato taageero ka hela, hasa yeeshee wali awooda Ruushka ee Badda Badow mid la dhaylsan karo maaha maadaama ay aad ugu sugan yihiin dhinaca waqooyi ee Badda Madow.

Reer galbeedka ayaa waxa ay aad u aamisan yahiin in ciidamada badda ee Ruushka ee ku sugan Badda Madow qayb libaax ka qaateen dagaalkii wadanka Georgia lagu qaaday, iyo taageerada Ruushku u fidiyo Dalka Suuriya oo ah ciidan markiiba gaadhiga kara Suuriya Hub iyo saanadna ugu gudbin kara.

Hasa yeeshee isbadelkii ka dhacay wadanka Ukraine waxa uu Ruushka ku abuuray baqdin weyn in heshiiskii ay la galeen wadankaasi looga baxo, taasina ay Ruushka ku keento in saldhigii uu halkaas ku lahaa lagala wareego, wuxuuna Ruushku taageero u fidiyey oo kiciyey dadka u badan Crimea ee Ruushka ah ,si aanu u waayin joogitaankiisa Crimea iyo saldhiga uu ku lee yahay.

Crimea waxay ahayd dhul muslimiintu lee yihiin hasa yeeshee isbadeladii ka dhacayey aduunka ayaa ka dhigay dhul maanta ay ku loolamaan dawlado kale.

 

Waxaa diyaariyey.

Asad Caddaani Ibrahim

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories