HomeWax ka ogow Haldoorkii kaalinta Fiican Ku Lahaa Ee Aan Ka Soo...

Wax ka ogow Haldoorkii kaalinta Fiican Ku Lahaa Ee Aan Ka Soo Muuqan Fagaarayaasha Kasbashada Shacabka Ololahii Xisbiga Kulmiye

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargaysa (Slpost) Sida Laga War Qabo Ololaha Doorashada Madaxtinimada Somaliland Waxaa Uu Socday Mudo 21 Maalmood Ah Taas Oo Xisbi Walba Lahaa 7maalmood Oo Uu Barnaamijkiisa Siyaasadeed U Soo Bandhigo Bulshada, Aynu Wax Ka Barano Xubno Isugu Jira Dhalinyaro  Wiilal Iyo Gabdho, Kuwaas Oo Isu Xilqaamay In Bulshadooda Fahamsiiyaan Kuna Qanciyaan Barnaamijka Wax Qabad Ee Ay Ku Dooranayaan Musharaxiinta Xisbiga Kulmiye, Marka Laga Yimaado Dedaalkii Guud Ee Ay Wadeen Xubnihii Iyo Siyaasiyiinta Aan La Soo Koobi Karin Ee Muuqaaladooday Fagaarayaasha Isusoo Baxyadii Maalmaha Xisbiga Kulmiye

Waxaa Jiray Madaalayaal  Isu Bahaystay Wacyigalinta Bulshada Danyarta Ah Iyo Waayeelka Jilicda San Si Ay U Fahan Siiyaan Habka Ay Ugu Codaynayaan Musharaxiinta Xisbiga Kulmiye

Dhalinyaradan Iskood Isu Xilqaamay Ayaa Ka Koobnaa Laba Wiil Iyo Laba Gabdhood  Oo Kala Ah, Nimco Cabdi Cumar,Asma Siciid Cabdiraxmaan, Cabdirisaaq Cabdilaahi Jaamac, Maxamed Aadan Buuni

Bilawgii Hawshan Wacyi Galinta Ah Waxay Ka Bilaabeen In Ay Guri Guri U Soo Maraan Xaafadaha Magaalada Hargaysa Ee Ay Ku Dhaqan Yihiin Dadka Danyarta Ah Iyo Dadka Waayeelka Ah Ee Taageersan Xisbiga Kulmiye, Si Ay U Fahansiiyaan Qaabka Ay Maalinta Doorashada Codkooda U Dhiibayaan, U Dooranayaan Musharixiinta Xisbiga Kulmiye Xaafadaha Ay Soo Mareen Waxay Kala Ahaayeen Sheikh Cumar,Faluuja,Daarfuur,Maxamed Mooge,State Houska,Sheikh Nuur,Magaalo Jikcaale,Istanbuul1,Istanbuul2,Qoobka,Lug Iyo Lagac,Cami,Sheedaha,Ina Aamin,Sanyare Xafadahan Danyarta Ah Oo Ka Mida Dagmooyinka Caasimada Hargaysa Oo Badi Isu Diwaan Galiyay Qaadashada Kaadhka Codbixinta,Ayaa Xubnahan Dhalinyarada Ahi Ku Wacyigaliyeen In Maalinta Codbixinta Codkooda Dhiibtaan Kana Foojignaadaan In Kaadhadhkooda Codbixinta Si Kale Looga Faaiidaysto Si Codkoodu U Lumo,

Waxaa Ay Bogaadiyeen Sidii Dadka Xaafadahan Ku Dhaqani Ugu Heelanaayeen In Ay Codkooda Siiyaan Xisbiga Kulmiye,Dhalinyaradan Ayaa Sidoo Kale Dadka Jilicda San Iyo Waayeelka Ku Dhaqan Xaafadahan Ee Aan Fahansanayn Nidaamka Loo Codaynayo U Qaybiyay Astaant  Xisbiga Kulmiye Iyo Sawirada Musharaxiinta Xisbiga Kulmiye

Dhalinyarada Ayaa U Mahadnaqay Dhamaan Xaafadihii Ay Soo Mareen Iyo U Heelanaantii Ay Kala Kulmulmeen Dadkaa Danyarta Ah Iyo Sida Ay Ugu Qanacsanyihiin Barnaamijka Wax Qabad Ee Xisbiga Kulmiye, Waxaa Kale Oo Ay U Mahadnaqeen Dadkii Taageerada Dhaqaale Ka Qaysatay In Ay Suurto Gasho Hawshani Hadii Ay Tahay Shidaal Iyo Daabacaada Astaamaha Xisbiga Kulmiye

Waxaa Kale Oo Ay Sheegeen In Ay Aad Ugu Faraxsan Yihiin In Dad Gaadhaya Ilaa 15000 (Shan Iyo Toban Kun Oo Qof) Kuwaas Oo Dhamaantood Haysta Kaadhadh Koodii Codbixin Maalinta Doorashadana Codkoodasiinaya Xisbiga Kulmiye.

Waxa Kale Dhalinyaradani U Mahad Naqeen Xubnihii Gacanta Ka Gaystay Suurta Galka Hawshan Gaar Ahaan Subeer Cabdiraxmaan Cumar

Waxaa gabagabadii ay bogaadiyeen dhalinyarada Gudida  hoodaale oo iyaguna door laxaadle ka qaatay wacyigalinta iyo abaabulka bulshada caasimada hargaysa si ay codkooda u dhiibtaan maalinta codbixinta una codeeyaan musharixiinta xisbiga kulmiye

Allah Mahadleh

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories