HomeWax ka baro Taariikhda soo jireenka ee Tartanka Koobka Qaramada Yurub

Wax ka baro Taariikhda soo jireenka ee Tartanka Koobka Qaramada Yurub

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

SLpost Sports – Tartanka Yurub ee sannadkan oo bisha June 8-deeda ka bilaabmaya magaalada Warsaw, waxa kulanka ugu horreeya lagu furayaa xulka martida loo yahay ee Poland iyo Greece.

Kulanka ugu dambeeya ee finalka tartankan ayaa isagana lagu qaban donaa magaalada Kiev ee dalka Ukrain oo isaguna wada jir tartanka ula marti-galinaya Poland, kaas oo la 1-da Bisha July lagu qaban doono Garoonka magaalada Kiev oo qaada 70,000 oo qof halkaas oo lagu caleemo saari doono xulka ku guulaysata tartanka.

Haddaba, akhristayaal waxa aanu idiin soo gudbin doonaa taariikh kooban oo ku saabsan tartankan ilaa wakhtigii la bilaabay.

[S]annadkii 1960 oo ahaa wakhtigii tartanka la bilaabay, waxa marti-galiyey dalka Faransiiska oo haatan lagu sunto inuu bilaabay tartan baaxad ku leh kubadda cagta.

Wareegyadii hore ee tartankan waxa lagu ciyaarayey nidaamka loo ciyaaro tartanka Champions League ee koox waliba marna gurigeeda ku ciyaarto, marna guriga kooxda kale. Ugu dambeyntii waxa Faransiiska iskugu yimi afartii Xul ee ugu dambeeyey.

Dalka Faransiiska oo ku jiray Afartan kooxood, waxa 5-4 kaga badiyey Yugoslavia halka USSR (Midowgii Soofiyeeti) uu 3-0 kaga badiyey Czechoslavakia ka hor intii aanu ku guulaysan 2-1 kulankii Final-ka wakhtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray. Halkaasna waxa koobka ku guulaysaty dalkii laysku odhan jiray Midowga Soofiyeeti.

[T]artankii xigay oo lagu qabtay dalka Spain oo loo yaqaanay waddan ka hooseeyey guul uu ka gaadho tartantan, balse sannadkii 2008 oo ay guulaysteen muu noqon kii ugu horeeyey. Sannadkii 1964kii, waxa ay Semi-finalka ku reebeen xulka Hungry ka hor intii aanay kulankii final-ka oo lagu qabtay garoonka Real Madrid ee Santiago Bernebeu, ay 1-0 kaga badiyeen xulkii koobka difaacanayey ee USSR, waxaanu ahaa sannadkii ugu horeeyey ee dalka koobkan lagu qabtaa ku guulaysto.

[S]annadkii 1968kii, waxa lagu marti-geliyey dalka Talyaaniga oo sii waday guusha in dalka marti-galiyey uu koobka hanto, waxa ay Final-ka isugu yimaaddeen Yugoslavia oo kulankoodaasi ku dhammaaday 1-0.

blank[S]annadkii 1972-kii waxa tartanka martigeliyey dalka Belgium. Dalkii hore loo odhan jiray West Germany waxa uu Semi-final tartanka ku reebay dalka Ingiriiska oo laba sanno wakhtigaas ku guulaystay koobka Adduunka.

blankFinalka tartankan oo ay isugu yimaaddeen West Germany iyo USSR waxay guushu ku raacday West Germany oo 3-0 kaga badiyey dalka hore koobka ugu guulaystay ee USSR.

[T]aratankii xigay oo la qabtay sannadkii 1976-dii waxa marti-geliyey Yugoslavia. Waxa Finalka isugu yimi Czechoslovakia iyo West Germany halkaas oo dalka Czechoslovakia qaybtii hore ku hoggaaminayey 2-0 balse qaybtii dambe ay ciyaarto ku dhammaatay barbaro, waxaanu noqday tartankii ugu horreeyey koobka Yurub ee lagu kala qaado Rikoodhayaal. Halkaasna waxay guushu ku raacday dalka Czechoslovakia.

blank[S]annadkii 1980kii waxa mar labaad tartanka martigeliyey dalka Talyaaniga balse umay dhicin inay mar labaad ku guulaystaan.

blankMarkii ugu horreysay, tartanka qaramada Yurub waxa uu noqday mid ku salaysan laba Group oo ka kooban Afar dal, halkaas oo kooxaha ugu sarreeya Groups-ku ay isugu imaaddaan Final-ka, halka kooxaha kaalmada labaad gala ay ku tartamayaan booska saddexaad, taas oo meesha ka saartay kulankii Sem-finalka.

Waxa Final-ka tartanka isugu yimi dalalka Belgium iyo West Germany halkaas oo ay guushu ku raacday West Germanay oo 2-1 guushu ku raacday, waxaana kaalinta saddexaad galay dalka Ingiriiska.

LA SOCO…….

sports@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories