HomeWax ka baro Taariikhda soo jireenka ee Tartanka Koobka Qaramada Yurub -...

Wax ka baro Taariikhda soo jireenka ee Tartanka Koobka Qaramada Yurub – Qormada 2AAD

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Qormadii hore waxa aynu ku soo qaadanay qayb ka mid ah taariikhda koobka qaramada Yurub oo soo bilaabmay sannadkii 1960-kii, dalalkii marti-geliyey iyo ciddii ku guulaysatay, iyadoo aynu ku joojinay sannadkii 1980 oo dalka Jarmalku ku guulaystay.

[S]annadkii 1984-kii waxa koobkan marti-geliyey dalka Faransiiska oo markii ugu horreysay ku guulaystay koobkan. Xulka Qaranka Faransiiska ee sannadkaas ku guulaystay waxa u ciyaarayey madaxweynaha haatan ee UEFA Michel Platini oo tartankaas shan ciyaarood ku dhaliyey sagaal gool. Kulanka Final-ka oo ay isugu yimaaddeen dalka Spain, waxa ay koobka ka qaadeen guul 2-0 ah oo goolka koowaad uu u dhaliyey Michel Platini.

blankTartankani waxa uu sababay in isbeddel lagu sameeyo nidaamka kooxaha iyada oo la sameeyo isku aadyo farabadan oo dalal cusub ku soo biireen, laguna daray heerka Semi-final marka kooxuhu ka soo baxaan Groups-ka.

[T]artankii xigay oo qabsoomay 1988 waxa martigeliyey West Germanay. Dalka Holland oo toban sanno horteed sannadihii 1974 iyo 1978 ku guulaystay koobka adduunka, waxa ay sannadkan ku guulaysteen koobkoodii ugu horreysay ee Yurub iyada oo ay guushaa u horseedeen xiddigihii ka ahaa Marco van Basten, Ruud Gullit, Frank Rijkaard iyo Ronal Koeman. Kulankii Final-ka waxa ay isugu yimaadeeen Germany oo ay kaga badiyeen 2-1 oo labada gool ay u kala dhaliyeen Gullit iyo Van Basten.

blank[S]annadkii 1992-kii waxa koobka marti-geliyey dalka Sweden, waxaana ku guulaystay dalka ay jaarka yihiin ee Denmark. Xiddigihii wakhtigaas ee Denmark oo wakhtigooda soo qaaday ayaa loolankii groups-ka waxa ay meesha ka saareen dalalka England iyo France ka hor intii aanay garaacin xulka koobka haysta ee Netherlands.

blankFinalkii Tartanka, waxa ay isugu yimaaddeen Germany oo ay kaga badiyeen 2-0, waxaana wakhtigaas xiddigaha ugu cadcad ee xulka qaranka Denmark ay u ciyaarayeen kooxaha Ingriiska ee Manchester United iyo Arsenal.

[T]artankii la qabtay sannadkii 1996kii waxa marti-geliyey dalka Ingiriiska oo u oomanaa inuu hantiyo koobkan, balse waxa markii saddexaad ku guulaystay Jarmalka.

blankXulka Ingiriiska oo ku guul-daraystay koobkii adduunka ee 1994 lagu qabtay dalka Maraykanka, ayaa xiddigihii wakhtigaas u ciyaarayey ee Alan Shearer, Tony Adams iyo Paul Ince waxay isku dayeen inay Qarankooda tusaan sida guusha loo hanto, iyada oo kulamadii ay la yeesheen dalal waaweyn oo ay Scotland iyo Holland ku jirto kuwaas oo labadooda ka badiyeen. Kulankii Final-ka oo ay isugu yimaaddeen dalka martida loo ahaa oo garoonkooda Wembley lagu dheelayey iyo Jarmalka, waxa ay guushu ku raacday Jarmalka oo ku guulaystay koobka.

[S]annadkii 2000 waxa si wada-jir ah u marti-galiyey Holland iyo Belgium balse waxa ka dhex qaaday dalka Faransiiska oo laba sanno ka hor wakhtigaas ahaa horyaalka Yurub iyaga oo gurigooda ku qaaday koobka. Xiddigii Faransiiska ee wakhtigani waxa ay muujiyeen inay koobka ku qaadi karaan meel aan gurigooda ahayn. Zinedine Zidane ayaa u suurtogaliyey in xulka Faransiisku ay kulamadii horeba meesha ka saaraan xulalka Spain iyo Portugal taas oo u suurto-galisay inay u gudbaan Finalka tartanka. Waxa ay Finalka isugu yimaaddeen dalka Talyaaniga oo ay koobka kaga qaadeen gool dahab ah oo uu u dhaliyey David Trezeguet.

blank[S]annadkii 2004 waxa nasiib u yeeshay inuu Martigeliyo koobka dalka Portugal balse waxa markii ugu horreysay ku guulaystay dalka Greece. Waa markii labaad tartankan ee dalka Martigeliyey iyo dalka ku guulaystay ay Final-ka isugu yimaaddaan. Portugal iyo Greece oo final-ka isugu yimaaddeen, waxa uu Greece koobka ku qaaday 1-0 gool xusuus mudan oo madaxa lagu dhaliyey.

blank[T]artankii ugu dambeeyey oo qabsoomay 2008 waxa si wada jir ah u martigeliyey Austria iyo Switzerland, balse wax aka dhex qaaday dalka Spain oo xiddigahoodu muujiyey inay yihiin horyaalka Yurub. Spain oo kulamadii Quarter final-ka soo karbaashay dalalka Italy, Swede,Russia iyo Greece, waxa ay final-kii isugu yimaaddeen dalka Germany oo ay koobka kaga guulaysteen.

blank

Gebo-gabo

Tan iyo intii uu tartanka koobkani bilaabmay sannadkii 1960kii, waxa qabsoomay 13 tartan, waana sidan sida ay dalalku ugu kala guulaysteen:

Germany =3 jeer

France =2 jeer

Spain =2 jeer

Czechoslovakia =1 jeer

Netherlands =1 jeer

Italy =1 jeer

Soviet Union =1 jeer

Denmark =1 jeer

Greece = 1 jeer

SOMALILANDPOST.NET

sports@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories