HomeWax ka Baro Taariikh nololeedka Maayarka Cusub ee Maanta loo doortay Golaha...

Wax ka Baro Taariikh nololeedka Maayarka Cusub ee Maanta loo doortay Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa (DAAWO SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa (SLpost)- Golaha Deegaanka ee caasimadda Hargeysa ayaa Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Cabdiraxmaan Soltelco). Doortay inuu noqdo maayarka cusub ee caasimadda Hargeysa ka dib markii uu todobaadkii hore ku geeriyooday magaalada Dubia Maayarkii Hore Marxuum-Yuusuf Warsame Siciid.

DSCF6208Golaha Deegaanka Hargeysa Fadhi ay ku yeesheen hoolka shirarka ee D/Hoose ee Hargeysa waxa ka soo qeyb galay 24 xildhibaan, oo uu ka mid yahay Xildhibaan Xassan Shaah oo ah xildhibaan cusub oo soo buuxiyey xubinnimadii uu Baneeyey Maayarkii geeriyoodey ee Caasimadda Hargeysa.

DSCF6206Fadhigan oo uu Guddoominayay Maayar Ku xigeenka ahna Ku simaha Maayarka Caasimadda Cabdicasiis Maxamed (Cagaweyne), waxa cod aqlabiyad ah loogu Doortay Maayarka cusub oo aanay jirin cid kula tartantay, waxaana u codeeyay 23 Xildhibaan, cid diiday iyo cid ka aamustayna may jirin, Guddoomiyuhuna muu codayn. Waxa madasha ka maqnaa hal xildhibaan.

DSCF6204Maayarka cusub Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid ayaa mudaneyaasha Golaha deegaanka uga mahad celiyay kalsoonida ay siiyeen waxaanu balan qaaday in xilka ay saareen uu uga soo dhalaali doono si karti iyo wadaniyad leh.

soltelco

Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Nuur Caraalle (Duur) iyo Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex Mudane Maxamed Maxamuud (Jeeniyare) ayaa bogaadiyay hanaanka degan ee golaha deegaanka Hargeysa ay ugu midoobeen inay doortaan maayarkii bedeli lahaa Maayarkii geeriyooday ALLE ha u naxariistee Marxuum- Yuusuf Warsame Siciid.

Maayarka cusubi waxa uu ka soo jeedaa xisbiga tallada haya ee KULMIYE, waxaanu ka mid ahaa Xildhibaanadii ugu horeeyay dhinaca codadkii doorashada ay ugu soo baxeen xisbiga KULMIYE.

 Waa Kuma Maayarka Cusub ee la Doortay

 Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid oo loo yaqaanno “SOLTELCO” waa duqa cusub ee maanta loo doortay caasimadda Hargeysa… Cidi kulama tartamin jagadan… Si hufanna waxa ugu codeeyay dhammaan mudaneyaasha Golaha, marka laga reebo xildhibaan maqnaa. Taariikhdu markay ahayd 16/April/1975 ayuu ku dhashay Hargeysa.. Magaca hooyadii waa Weris Aw Jaamac Xasan, lix carruur ah ayay walaalo yihiin.. Xaaskiisu waa Casiisa Maxamed Aadan waxaanu Alle kala siiyay saddex carruur ah..

MAAYARKA CUSUB
MAAYARKA CUSUB

Taxanihiisa waxbarasho waxa uu ku qaatay Hargeysa gaar ahaan iskuullada isagoo Jaamacadda Hargeysa ka qalin-jebiyay kana bartay Culuumta Dhaqaalaha. Murashixiintii u tartantay Golaha Deegaanka ayuu ka mid ahaa isagoo ka tirsanaa KULMIYE, numberka loogu codaynaynaya uu ahaa 308. Xilligaas waxa uu ka mid ahaa ragga ugu taageerada badan, isagoo wacdaro ka dhigi jiray fagaareyaasha ololeyaasha.

Waa nin deggen, bulshaawi ah, karaankiina u diyaar ah inuu ka qayb-qaato horumarinta Hargeysa, si waafi ahna u guto shaqada loo igmaday… Madalo iyo meelo kala duwan ayaannu ku kulannay taas oo keenaysa inaan faaqidi karo dabeecadihiisa dadnimo.. Aniga oo aan jeclayn inaan qoraalka badiyo waxa aan Alle uga baryayaa inuu xilka u fududeeyo.

Macluumaadka ku saabsan Taariikhda kooban ee Maayarka Cusub waxa noogu deeqay Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories