HomeWax ka Baro Kalsoonida iyo Waxyaabaha Sababa Kalsooni Darada.

Wax ka Baro Kalsoonida iyo Waxyaabaha Sababa Kalsooni Darada.

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Illahay ayaa mahad leh  isuurto galiyey in an maqaalkan qoro .

Maqaalkan ayaannu idinkusoo gudbin doonaa talooyin muhiima iyo talaabooyin kuu suurto gelinaya kasbashada  kalsoonida naftaada.

Ugu horeyn waa maxaay kalsoonida:

In aad naftaada ku kalsoonaato  ma aha wax lagu micneyn karo in aad isla weyntahay ama aad isla qabweyntahay.

In aad isku kalsoontahay waa muujinta iyo ku dhiiranaanta soo bandhigidda fikradaha maankaaga ku keydsan, addiga oo huba arimaha aad ka hadal is leedahay asal ahaantood iyo guud ahaantoodaba.

Kalsoonida nafta waxa ay kugu dhiirrigalisaa in aad soo bandhigto fikirkaaga, wadaagnna aad galin karto, talo wadaag kolkii ay noqotana aad talada tii saxda ah ee waddarta guud

ay isku raacaan in aaddan ka biyo diidin.

Waa maxay  kalsoni daradu:

  1. in uu qofku naftiisa ka dhaadhiciyo kolka horeba,in anu waxba qaban karin .
  2. in uu iska dhadhiciyo , in u yahay qof liita oo an dadka la janqadi Karin.
  3. In uu noqdo qofka baqa so bandhigaa fikirkisa
  4. In u ka baqo ka jawaabista su,aalaha  uu garanyo
  5. In uu hamigisa ka tana suulo, isga oo ka baqanaya guul daro ku timada.
  6. Wuxu ka baqa guusha , iyo in u meel sare gadho.

Qofku sidee ayuu kalsoni u amuran kara maxase laga bahanyahay in uu sameyo.

Qodobadan ayaa laga yaba in ay ku cawiso  insha allah

  1. Qofku in uu unoqdo Allehii Abuuray isna waydiiyo maxaa laguu abuuray FAA’IDO MISE KHASAARE U JOOG.waa in uu Alle ku xidhnaadaa oo uuna ka caajisin wanaaga Alle faray xumaantan ka dheeraadaa.
  2. Raja sami ku noolow wakhti kasta wanaag ku muuji wax kastoo ka dhaca hareerahaaga, iyo hiigsihaga nololeed.
  3.  Waa in uu qofku runta isku sheegaa oo kabaxaa khiyaaliga uu tusaayo Nafta run ka sheeg ujeedooyinka aad u nooshahay iyo wax qabdkiisa nolol maalmeed.
  4.  Ku kal soonow wax aad samayso si Dareen fiican aad ugu lahaatid isbadalka hab dhaqanka noloshaada ama samayndoonto.
  5.  Naftaada Bar sida loo dheho (maya iyo haa), wixii aadan niyad ama waqti u hayn.kana dhaadhici oo ha is odhan dadku way ku nici taasi waa haaa iyo may, waxay  dadka tusayasaa in dadku ku fahmaan oo la ogaankaro qof oran kara erayga MAY iyo haa.
  6. Fikradahaaga iyo wax qabadkaaga cadee oo tusdadka kana dhaadhici ama iibgee oo ismuuji in aad tahay qof lagu xisaabtamaayo oo la dareemi karo marka aad maqantahay iyo marka aad joogtidba
  7. Ahow qof nool muuji dareenkaaga dhegeyso,jirka ka hadal,aamus,tilmaan,ilmay,qosol. intaas oo dhami wax bay kuu sawiri doonaan naftaadan la sheekayso taas macnaheedu wax weeyi maskaxdaada kaasho adigoo dagan.
  8. Nafta ha mashquulin oo dadku wax ay kaasheegaan haku mashquulin sababtoo ah wakhti ayaad iska luminaysaa kana faa’idaysi wakhtiga aad haysto mar uuna ku soomarayn ayaa imanaysa.

9: Qof isku kalson oo an fikirda dadka , Balse is barbar dhig  samee qiimayn si ay kuu tusto in kaagu kafiican yahay  ama kani kaafiican yahay oo aad fikir kale oo fiican raadisaa.dhiibona firikaaga kulamada aad ka qayb gasho ama marka aad la joogtid asxaabtaadad.

 

10.Ku dadaal in aad naftaada Qanciso, raalina noqo xasiloonidana ilaali noloshaadana wanaaji oo ku dadaal sidii aad qayrkaa wax uula qabysan lahayd

 

Talo soo jeedin.

  1. raadi isbedel joogta ah

adduunkan ma jiro qof dhamaystiran oo aan lahayn dhaliil ama ceeb dhamasytirku ilaahay keliya ayay u sugnaatay ,

haddi lagu dhaliilo ama laguu sheego ceeb aad leedahay tusaale ahaa ku degdega go’aamada waxa kugu waajiba inaad bedesho hab dhaqankaa kana takhlustid .

  1. Kalsoonida naftaadu  waxay ka qayb qaadata hormarka qofka ,markasta oo aad isku aragto dhaliil isku day inaad si dhakhso ah u baabiisid

 

Akhris ka Qur,aanka badi iyo  buugaag aad wax badan ka fa,iidaysid:

  1. Haddaad jeceshahay inaad kordhiso kalsoonida naftaada isku day inaad akhrido buugaag badan gaar ahaan kuwa ka sheekeeya toosnanta qofka ,wacdiga diiniga,iyo horumarinta qofka . shaki kuma jiro in akhrinta buugaagta ay saameyn taban ku leedahay kalsoonida qofka , fadlan iska ilaalli inaad akhrido buugaagta ay ku qoranyihiin sheekooyinka khiyaaliga ah kuwaas oo kugu reebi kara xasuuso xun xun iyo warweer.

 

naftaada kalsoni u muji.

 

  1. Odhaahaha aad naftaada ku tidhaahdid  waxay saameeyaan kalsoonida naftaada tusaale ahaan haddaad ku fashilanto inaad ku guuldareysato howl  ama aad imtixaan hooseyso keentid  ama aad meel sare  aad gaadhi waydo ,waxa hubaala inaad naftaada kula hadasho ereyo niyad jab ah  “waan guuldereystey ” , “mar dambe iskuma dayi doono “, “derejadaa ma gaadhi karo ” iyo qaar kale .

Hadaladani waxay saameyn togan ku  yeeshan qofka iyo kartidiisa hadaba waxa kugu waajiba inaad naftaada mar walba dhiirigeliso ,dhinaca  wanaagsana aad kula hadasho  “haa waan awoodaa ” ,”waan gaadhi karaa derejedaa aan rabo  “, hadaan mar guul dereysto mar dambe ma guuldereysan doontid ” kelmadahani waxay kordhinayaan awooda nafsiyadeed ee kugu kaydsan  iyo kalsoonida naftaada  ee aad haysatid.

Waxan rajaynaya in aad maqaalkan wax badan ka fa,iiday dhiirigalinna kuu noqday, akhriste waad mahadsantahay.

 

 

Wixi talo iyo tusaale ah halkan ayaad ku soo hagaajin karta

Hinda20999@gmail.com

W/Q: hinda cabdi sheikh

 

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories