HomeWax ka baro Cudurka Dhiig-yaraanta (Anemia)

Wax ka baro Cudurka Dhiig-yaraanta (Anemia)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
blank
Calaamadaha Cudurka Anemia

Wellington, (SLpost)- Qormadeenna Caafimaad ee maanta waxaanu ku soo qaadanaynaa mid ka mid ah xannuunada ugu saamaynta badan bulshada dalalka dunida saddexaad oo Soomaaliduna ka mid tahay. Xannuunkani waxa uu ku yimaadda dayacaad ku timaadda hannaanka maamul ee cunto-qaadashada qofka, ha yaraado ama ha weynaado’e.

Dhiig-yaraanta (Anemia) waxa sababa iyada oo tirada unugyada cas-cas ee  dhiigga  oo ka yar sidii caadiga ahayd. Unugyada dhiigga cas-cas waxay ogisjiinta u xanbaaraan qaybaha jidhka oo dhan. Marka ay tirada unugyada cas-cas ee dhiiggu  yar yihiin, ogsijiin yar ayaa gaadha qaybaha jidhka. Tani waxay qofka ka yeeli kartaa mid dareema in uu daallan yahay oo daciif yahay.

Sababaha Keena Xannuunkan
•Dhibaatooyin ka yimaadda birta jidhka ku jirta ama cuntooyinka kale uu jidhku u isticmaalo
•In aan la cunin cunto ay birtu ku badan tahay
•Dhiig ka yimaada afka, hunguriga, caloosha ama xiidmaha
•Dhiig ka yimaada hoosta haweeneyda ama dhiig bax badan oo caadada ka yimaada
•Dhallaanka ka yar hal sano ee cabba caanaha lo’da ama caanaha adhiga
•Dhallaanka lagu quudiyo caano-boodhe aan lahayn bir dheeraad ah.

Calaamadaha lagu garto Xannuukan
Haddii aad qabto wax calaamadahaan ka mid ah, dhakhtarkaaga la hadal.
•Daciif ama daal dareensan tahay
•Maqaarkaaga, debnaha, cirridka, indhaha dhinacyadooda, ciddiyaha ama calaacalaha gacmuhu midab beelaan
•Dhibaato ku qabto si kala cad u fekeridda ama jahawareer dareensan tahay
•War-wareer ama miyir beelid
•Neefsashada oo kugu gaabata ama feedho xanuun
•Wadnaha oo si deg deg ah u garaacma
•Dhallaanka iyo carruurta oo si gaabisa u kora

Daryeelkaaga Caafimaad
•Dhakhtarkaagu wuxuu badhri doonaa si uu u ogaado sababaha dhiig yarida kugu keenay iyo in uu qorsheeyo daaweyntaada.
Daaweyntaada waxaa ku jiri kara:
•Cunidda cuntooyin caafimaad leh oo ay ka mid yihiin khudradda bisil ama qeydhin, roodhi, waxyaabaha caanaha laga sameeyo, hilib iyo kalluun.
In aad cunto cuntooyin birtu ku badan tahay sida khudradda caleenta ah, hilibka iyo digirta.
Dhakhtarkaagu waxaa laga yaabaa in uu doonayo in uu la kulmo cunto qore si laguugu qorsheeyo cuntooyin caafimaad leh.
•In aad qaadato Bir kordhiye.
•Cabidda 6-8 koob oo cabitaanno ah maalin walba.
•In lagu siiyo dhiig ku shubid si loo beddelo birta iyo dhiigga kaa lumay.
Isla markiiba Dhakhtarkaaga la hadal haddii aad:
•Wareereysid markaad istaagto
•Ay neefsashadu kugu gaaban tahay
Dhakhtarkaaga ama kalkaalisada la hadal haddii wax su’aalo ama walaac ah aad qabtid.

Somaliladnpost.net

Qormooyinka Caafimaad

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories