HomeWax Ka Baro Bisha Ramadaan - W/Q: C/Raxmaan C/Laahi (Wirdaani)

Wax Ka Baro Bisha Ramadaan – W/Q: C/Raxmaan C/Laahi (Wirdaani)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Wirdaani2. SIDEYNU UGA FAA’IDEYSANAA RAMADAAN

Sideynu uga faa’ideysanaa ramadaan waa qormadeenii labaad ee taxanaha inoo noqon doonata inteynu ku guda jirno bishan barakaysan ee ramadaan.

Hadaba si aynu uga faa’idaysano bishan ugana qadhimaysano rabina ugu dhawaano camaladda wanaagsan ee aynu falayno, si aynu ugu helno danbi dhaaf iyo naarta oo la inaga xoreeyo waxa lagama maar-maana inaynu raacno sideedan talaabo oo aad muhiim u ah.

  • ADIGA IYO SALAADA.

In lagu da’daalo faralka iyo wakhtigeeda oo jamaca la latukanayo, kuna nagaano inta u dhaxaysa salaaddaha masjidka, waxay noqon mid aynu ku faa’idno, salaaduna waa arin aad loo xoojiyo markay soo gasho ramadaan.

  • ADIGA IYO QUR’AAN-KA.

Xaraf kasta oo ka mida kitaabka alleh waa hal xasano, halkaa xasanan waa lagu toban laabayaa, ramadaanta iyadu waa ka ajar badantahay  oo waa laguu todobaatan laabayaa, hadaba markaad jis quraana halkii maalin akhrido waxaad heli afar milyan oo ajar ah, hadaba sidaynaan laba iyo saddex jisba u akhrinayn, si aynu u helno ajrkaa, aynu badano akhriska quraanka kariimka ah.

  • ADIGA IYO SADAQADA.

Maalin kasta u qorshee xadi lacageed sadaqo intaad ku guda jirto bisha ramadaan, sadaqadana todobaatan ayaa laguu libinlaabi, wax bixintuna waxay daboosha cadhada alle, halkaad ka soo saarteyna in ka badan ayuu rabi galin.

  • ADIGA IYO TARAAWIIXDA.

Salaada taraawiixda waxa ku duugan ajar aad u weyn, xadiis ka sugnaaday nabigeeni suubanaa (NNKHH) wuxuu ku lahaa ” qofka la bilawda imaamka salaada taraawiixda lana dhamaysta wuxuu Eebe u dhaafayaa danbigii hore” hadaba maxaada u malayn salaada aynu ku helayno danbi dhaafaka intaa leeg, waxaan ku talin lahaa yeynaa mooganaan salaada taraawiixda.

  • ADIGA OO DADKA CAFIYA.

Ka bilaw kuu idinka dhaxeysay khilaaf waayo bishan waa bishii laabta ay isku xaadhanayeen muslimiintu,  alleha koreeyaa ma aqbalo soon bani aadam oo uu ku jiro cadaawad laba qof u dhaxaysa, aynu isa saamaxno intaynu ku jirno bishan ramadaan.

  • ADIGA OO DADKA KHAYR U SHEEGA.

Bishan waa bishii dadka samaha la farayey xumahana laga reebayey, nabiguna waa kii lahaa (NNKHH) ”…iga gaadhsiiya aniga haba noqoto aayade” dadka ku baraaruji wax kasta oo aad is leedahay waad dheertahay, kuna dhiri gali kuwa kuu dhaw inay sameeyaan daacadka alleh.

  • ADIGA OO LA SAAXIIBA DADKA KHAYR JECEL.

la saaxiib ramadaanta saaxiibkaaga jecel wanaag, la saaxiib ka kugu xidhaya masjidka, la saaxiib ka wax binta jecel bisha ramadaa, la saaxiib dadka khayr badan bisha ramadaan, kana fagaw cida xumaha faraysa, una fiirso cidaad la socotid bishan barakaysan, hana noqoto cid ku wahelinaysaa cid samaha jecel.

  • ADIGA OO BADIYA DUCADA.

Asaxaabtii rasuulku waxay ahaayeen qaar ku da’daal ramadaanta ducada, adna noqo kii Eebe barya bishan ramadaan, danbi dhaaf weydiista, waayo waxaad tahay ina nabi aadam gafaya galin hore iyo galin danbe-ba, rabigaa danbi dhaaf wey diiso, umadda muslimka ahna u bari inuu ka saaro dhibaatooyinka haysta.

waxaan rabi ka baryayaa inuu inoo naxaraysto, inagana xoreeyo naarta, naftaadana kula da’daal wixii aad kaga faa’idaysanayso bishan barakaysan ee ramadaan, iskuna day inaad samayso tilmaa-mahan ama talaabooyinkan waxay hormood kaaga noqon doonaan  camalka fiican ee aad samaynasid, Eebe waxaan ka baryayaa inuu camalkeena aqbalo.

wirdaani@yahoo.com

Al pha Universty

Hargaysa Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories