HomeWax Ka Baro Bisha Ramadaan (1) - W/Q: C/Raxmaan C/Laahi (Wirdaani)

Wax Ka Baro Bisha Ramadaan (1) – W/Q: C/Raxmaan C/Laahi (Wirdaani)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

WirdaaniWax ka baro bisha Ramadaan waxay noqon doontaa qormooyin taxana ah oon kaga warami doono bishan ramadaan ee inoo bilaanbantey anoon ka aqoon badneyn inta akhrisan doonta maqaaladayda laakiinse soo xigan doono waxay ka yidhaahdeen culimada muslimka ahi, kana qoreen, waxaan idiin soo gubin doon qormooyin taxana ah, waxaan EEBE ka baryayaa umadda muslika ah inuu ka xoreeyo naarta, kana aqbalo acmaasha ay gudanayaa bishan barakeysan ee ramadaan insha allaah.

 

  1. SIDEYNU U QAABILNAA RAMADAAN?

Soonka bisha ramadaan waa faral ka mid ah faraladda rabi inagu waa jibiyey, Eebe isagoo ka hadlayey soonka ayuu quraankiisa ku yidhi ‘’kuwii iimaanka laga helayaw waxaan idinku waa jib yeelay soon sidaan kuwii idiinka horeeyey ugu faralk yeelay’’ waana rukni ka mid ah arkaanta islaamka, nabiguna (NNKHH) waa kii xadiis ku lahaa islaamku wuxuu ku taaganyahay shan arkaan, ‘’shahaadateynka, salaadda, soonka , sakada, iyo xajka, ‘’

Ramadaan waa ayaamo socda, qofka muslimka ahna laga rabo inuu ka qaniimeysto, ogwna waa fursada aad cimriga ku leedahay, waa ayaamo tirsan, hadaba maxaad ka ogtahay ramadaan?

  • Waa bil toban keeda hore tahay raxmada.
  • Waa bil toban keeda dhexe tahay danbi dhaaf.
  • Waa bil toban keed danbe yihiin Eebe oo laga magan galo naar.

Sideynu ugu diyaar garawnaa ramdaan oo aynu manta maalintedi koowaad mareyno, sideynu uga mid noqonaa kuwa ka macaasha, sideynu uga faa’ideysanaa, rasuulkeeni suubanaa (NNKHH) ayaa xadiis ku lahaa ‘’ san ayaa boodhoobay, san ayaa boodhoobay, san ayaa boodhoobay, qof ramadaan u soo gashay oo aan loo danbi dhaafin’’ riwaayada kalan waxay lahayd ‘’ rabi naarta haku fogeeyo qof ramadaan usoo gashay oo loo danbi dhaafin’’ hadaba maxaad u malayn key ku dhaafto malaayacni, gidaar joog, iyo khamaar oo uu ciyaaro.

Hadaba walaalahayga muslimka ahaw waxaan idin tilmaami dhawr tilmaamood oo aynu kaga qadhiimeysan karno ramadaan, kuwa loogu danbi dhaafo Eebe ha inaga yeelee.

ü  ATOWBAH

Si aynu uga fa’ideysano ramadaan shayga ugu horeeya ee la’inaga rabaa waa Eebe oo aynu u tawbad keeno, kana murugoono wixii danbi ahaa ee aynu soo sameynay.

ü  RABIGA UGU MAHANAQ SOO GAADHI TAANKA BISHA RAMADAAN.

Kii ku abuurtay ugu shukri naq la kulanka kula kulan siiyey bishan barakeysan ee ramadaan, kuna soo gaadhsiiyey bishan, kuna cibro qaado qaar kula mid ahaa oo jeclaa inay kula soomaan hadana manta ka hooseeya ciida aad dul carareyso, aynu rabigeen u mahad celino nimcadan uu ina soo gaadhsiiyey darted.

ü  BARASHADA AXKAAMTA SOONKA

Bilawga bishan ramdaan waxaad barataa waxyaabaha lagama maar-maanka ah, ee axkaamta iyo eedaabta soonku leeyahay ah, iyo cibaadooyinka ugaarka ah bishan ramadaan, sida salaada taraawiixda, ictikaafka, sakada, ogwna barashadu waa qeyb weyn oo ka mid shayga aad rabto inaad gudato, aynu barano oo aynu cilmi u yeelano waxay ay wax inoogu hagaagayaan.

 

ü  QURAAN AKHRIS OO LOO BADIYO

Bishan ramadaan sharafta iyo qiimaha ay leedahay waxa ka mid ah waa bishii Eebe kor ahaaye soo dajiyey quraanka kariimka ah, sidaas ay tahay miyaanay haboonayn inaynu badino akhriska quraanka inagoo waliba ku guda jirna bishii la soo dajiyey, nabiguna (NNKHH) ‘’ qofka akhriya xaraf ka mida kitaabka ilaahay waxa loo qoraa darajo, halkaa darajana waa loo toban laabayaa’’ walaalahayga muslimka ahaw aynu ramdaan ku xoojino quraan akhris.

ü  KA FAA’IDIYASIGA LAY’LATUL QADRIGA.

ka faa’ideyso habeen ka fadli badan 1000-bilood, habeen hadaad danbi dhaaf dalabtid lagaa aqbali, habeen hadaad rabigaa ka rajeysid in naarta lagaa xoreeyo in Eebahaa kaa xoreyn, qofka muslika ahaw habeenkani waa habeen dhinac kasta ka dhameystirana aynu ka faa’dideysano, fiiro gaarana aynu u yeelano.

ü  KU DA’DAALKA DUCADA.

Ku da’daalka xifdiga adkaarta iyo ducooyinka ugaarka ah bisha ramadaan, inagoo rajeyneyna inuu Eebe inaga aqbalo, waxay inoo furi albaab kasta oo kaa xidhnaa, rabigana ha iganaga yeelo kuwii ducadooda ka aqbalo, kana xoreeyo naarta.

 

wirdaani@yahoo.com

Alpha university

Hargaysa Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories