Home“Wax-garadka Xamar waxay ogyihiin in ninka Somaliland ka taga ee baarlamaanka galayaa...

“Wax-garadka Xamar waxay ogyihiin in ninka Somaliland ka taga ee baarlamaanka galayaa aanu cidna metalin” – Madaxweyne Biixi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxa uu caqli-xumo ku tilmaamay in dadka reer Somaliland ka qayb-qaataan doorashooyinka Soomaaliya.

blankMd Muuse Biixi oo hadal ka jeediyey munaasibad ay ku qalin-jabiyeen arday baratay waddaniyadda, waxa uu sheegay inay siyaasiinta Soomaaliya oo ku kacay gefaf ka dhan ah Somaliland ay haddana dadka u dhashay Somaliland xilal iyo shaqo u doontaan Muqdisho.

“Waxay nacasnimo haysataa dadka  Somaliland u dhashay ee halkan magac ku lahaa, ee qaarkood jaamacadan wax ka aas aaseen ee abaabayaashood magac iyo taariikh halkan ku lahaayeen, ee intay tageen Xamar yidhi waxaanu matalayna Somaliland oo baarlamaanka ayaanu doonayna oo waanu codaynayna” ayuu yidhi Biixi.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in dadka waxgaradka ah ee reer Muqdisho ay ogsoonyihiin, in dadka Somaliland kasoo jeeda ee doorashooyinkaa ka qayb galaya aanay cidna metelin, waxaanu yidhi, “Xamar intaaso caalim ayaa joogta oo diinta ayaa la akhriyaya oo xadiiska ayaa la akhriyayaa, intaasa wanaaga la is farayaa oo aqoon la leeyahay, hadana ka dhaariyay, ka dooranaya iyo ka uu codka siinayaaba waxay ogyihiin in ninka Somaliland ka taga ee baarlamaanka galayaa aanu cidna matalin.”

“Ninka kaa doortay ee damiirkiisu siiyay iyo ninka ogolaaday ee doonaya in uu masiirkiisa ka taliyaa, horta waa dameer iyo labadiisii daan oo waxba isma dhaamaan, dhibaatada kasoo gaadhana anaga nooma eersadaan oo Somaliland ayaa wax na yeeshay ma yidhaahdaan,” Sidaas ayuu yidhi Md Muuse Biixi.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories