HomeWax-garadka Deegaan ka tirsan gobolka Saaxil oo Baaq tabashooyin Xambaarsan u diray...

Wax-garadka Deegaan ka tirsan gobolka Saaxil oo Baaq tabashooyin Xambaarsan u diray Xukuumadda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Berbera (SLpost)- Dadwaynaha ku nool tuulada Geeri oo tirsan Degmada Bullaxaar ee Gobolka Saaxil, ayaa cabasho ka muujiyay adeegyada aasaasiga ah ee bulshada oo ay sheegeen inaanay ka jirin deegaankaas oo magaalada Berbera dhinaca Galbeed kaga beegan 60 KM.

Odayaasha iyo wax-garadka deegaanka Geeri ku yaala halka uu Dooxa Waaheen kaga daro Biyaha Badda, ayaa sidoo kale cabasho ka muujiyey dhibaatooyin uu ku hayo dooxaas oo markii hore laga moosay tuulada balse immika fatahaaddiisu dhibaato ku hayso dadka iyo duunyada ku dhaqan.

DSC_2378Wax-garad iyo Odayaal isugu jira Guddoomiyaha tuulada Cismaan Jaamac Yaasin, Guddoomiye ku-xigeenka Maxamed Farax, Yusuf Ismacil Muxumed, Jamac Cabdi Xasan, Axmed Aadan Xirsi, Maxamud Muuse Maxamed, Cumar Jamac Yaasiin, Jama Nuur Maxamud, Naasir Buraale Maxamed, Jaamac  Jamac Cali oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiska maamulka gobolka Saaxil, ka dib markii ay wax jawaab ah ka waayeen maamulka gobolka oo ay tabashadooda u soo gudbiyeen, ayaa ka hadlay waxyaabaha ay ka cabanayaan iyo baaqa ay u dirayaan xukuumadda iyo maamulka gobolka Saaxil.

Ugu horreyn waxa halkaas ka hadlay guddoomiyaha tuulada Geeri Cismaan Jaamac Yaasiin, waxaana hadalladiisa ka mida ahaa, “Waxaa aanu ka cabanaynaa  Waxbarsho la,aan, adeeggii Caafimadka oo aan ka jirin iyo Geedka Garan-waaga la yidhaaho oo qabsaday  tuulada. waxaanan baaq u diraynaa Xukuumadda  Dhexe iyo Madaxda Gobolka Saaxil oo aan ka codsanayno in  ay cabashaadas wax nagala qabtaan. Carruurtayada waxbarasho la’aan ayey ku joogtaa. Tuulada iyo nawaaxigeeda dadka ku nool ma helaan waxbarasho. Waxaan ku nool tuulada caruur aad u badan. Markaa Xukumadda waxaanu ka codsanaynaa in  adeegga waxbarasho  lanoo sameeyo si mustaqbaka  carruurtu aanu u lumin,” ayuu yidhi Cismaan Jaamac.

“Xagga Caafimadka  oo ay dhibaato wayn naga haysato, Xarun Caafimad ma lihin. Deegankan waxaa  ku nool dad badan oo u qalma in uga yaraan loo sameeyo xarun hooyooyinka uurka leh lagaga umuliyo, deeganka  iyo nawaaxigiisaba ma hesho wax adeeg ah xataa cid irbadda ku mudda oo waxaanu u qaadnaa Berbera iyo Hargeysa ciddii xanuunsanaysa oo aanu dhibaato badan kala kulano,” ayuu yidhi Cismaan Jaamac.

Waxa isna halkaas ka hadlay Maxamud Muuse Maxamed oo ka mid ah guddida tuulada Geeri, waxaanu sheegay in ay dhibaato kala kulmaan geedka Garan-waaga oo uu sheegay inuu nabaad-guur ku hayo deegaanka. “Geedkaasi waxaa uu nagu hayaa dhibaato wayn, waxaanu u baahanahay in geedkaas sidii wax looga Qaban lahaa looga hawlgalo.  Dadkii aanu u dooranay in ay u hadlaan deegankan waxaa noogu danbaysaya markii ay codka naga doonayeen, inta kale ma aragno meel ay marayaan, waxaanu leenahay dadkii  idin doortay baahidoodu halkii ayey taalaa, dadkan yaan loo imanin wakhtiga codka laga doonaayo oo kaliya,”sidaa ayuu yidhi Maxamuud Muuse.

Ugu dambayntii, waxa ay xukuumadda dhexe iyo Madaxda Gobolka Saaxil ugu baaqeen in sida ugu hawl-galo tabashadooda isla markaana hoos loo eego lana tixgeliyo cabashadooda.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories