HomeWax-garad iyo Odayaal ka soo jeeda Beesha Bariga Hargeysa oo Raalli-gelin ka...

Wax-garad iyo Odayaal ka soo jeeda Beesha Bariga Hargeysa oo Raalli-gelin ka bixiyey Hadal ka soo Yeedhay Suldaan Xiiray

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wax-garad iyo Odayaal ka soo jeeda Beesha Bariga Hargeysa, ayaa baaq ay maanta soo saareen raalligelin kaga bixiyey hadal Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey shalay warbaahinta kaga hadlay muran-dhuleedka Xaafadda Masalaha ee Koonfurta Hargeysa oo u dhexeeya Dadweynaha deegaanka iyo Ciidanka Qaranka.

Deegaanka Masalaha ee Koonfurta Hargeysa oo fadhiisin u ah Ciidanka Qaranka, ayaa muddooyinkii u dambeeyey muran ka dhex-dhaliyey bulshada deegaanka iyo Ciidanka Qaranka, waxaana arrintan si adag uga hadlay Madax-dhaqameedka Beesha Koonfurta Hargeysa oo ku gooddiyey inaanay aqbali doonin lahaanshiyaha iyo ku-takri-falka Ciidanka Qaranka ee dhulkaas, iyaga oo arrinka u dhigayey qaabka beelaysan.

Suldaanka Xiiray oo daba socday hadal Madaxdhaqameed iyo Waxgarad kale ka soo baxay ee ku salaysan Muran-dhuleedka Masalaha, waxa uu bulshada ugu baaqay in la ilaaliyo xeryaha Ciidanka Qaranka iyo sharaftooda isla markaana aan arrintooda laga dhigin mid beeleed maadaama oo ay yihiin karaamadii iyo Xooggii dalka ka difaacayey cadowga.

Haddaba, bayaan ay maanta soo saareen Wax-garad, Odayaal iyo Dhalinyaro ka soo jeedda Bariga Hargeysa, waxa ay sheegeen inay raalli-gelin ka bixinayaan hadalkaas ka soo yeedhay Suldaanka ee ka dhanka ah Beesha Koonfurta Hargeysa.

Bayaankan oo ay ku saxeexan yihiin 16-qof oo isugu jira wax-garadka iyo Odayaasha Beesha Bariga Hargeysa, ayaa u qornaa sidan:- “Haddaanu nahay beesha Bariga Hargeysa, waxaanu raalli-gelin ka bixinaynaa hadalkii shalay 25/01/2015 uu warbaahinta mariyay ee Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey ee ka dhanka ahaa beesha Koonfurta Hargeysa ee la xidhiidhay arrinta dhulka Masallaha ee Hargeysa.

Magacyada Odayaasha iyo Waxgaradka baaqan soo saaray:

1-Cali Axmed Qooblow

2-Maxamed Ibraahim Dagaal

3-Maxamed Cabdi Dhuulle

4-Cabdiqaadir Cabdi Xasan Shire

5-Cali Qodax Cigaal

6-Keyse Maxamuud Aw-Buux

7-Xasan Iimaan Geelle

8-Cabdi Maxamed Yuusuf

9-Sidiiq X. Muuse Kaahin

10-Axmed Xaashi Caddaani

11-Yuusuf Xuseen Kaahin

12- Muuse Muxumed Diiriye

13-Ibraahim Cali Caddaani

14-Maxamed Cali Ducaale

15-Maxamed Yuusuf Jaamac

16- Ismaaciil Cumar Faarax

Iyo qaar kale oo aan magacyadooda la soo koobi Karin.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories