HomeWax Badan Ka Ogow Kulanka Caawa ee Final-ka Koobka Adduunka ay Isku...

Wax Badan Ka Ogow Kulanka Caawa ee Final-ka Koobka Adduunka ay Isku Haleelayaan Xulalka Germany iyo Argentina

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

SPORTS (SLpost)- Xulalka Germany iyo Argentina oo caawa ku kulmay Ciyaarta u dambaysta Tartanka Koobta Adduunka ee 2014, waxa la filayaa in telefishannada ka daawadaan Dad tiradooda lagu qiyaasay Hal Bilyan oo Dollar oo ku kala nool Qaaradaha Adduunka.

Xulka Germany ayaa noqonayaa waddankii ugu horeeyey reer Yurub ee Koobka Adduunka ku Qaada Qaaradda Koonfurta Ameerika tan iyo 1990-kii oo ah markii u dambaysay ee u soo baxaan Final-ka Koobka Adduunka.

World Cup FinalHaddii Xulka Argentina ku Guulaysto waxa ay soo gebo-gabayn doonaan muddo 28 sanno ah oo ay baadi-doon ugu jireen guusha koobka adduunka oo ka maqnayd ilaa sannadkii 1986-kii oo ay Final-kii Koobka isugu soo baxay Xulkii Jarmalka Galbeed oo ay ka badiyeen.

Tartanka Koobka Adduunka ee 2014, ayaa loo codeeyey inuu yahay Tartankii ugu fiicnaa tartannadkii koobka Adduuka ee soo maray Caalamka.

Xulka Germany oo Caawa diyaar u ah inay markii Afraad ku guulaystaan Koobka Adduunka, ayaa Final-ka kulanka caawa ku soo gaadhay ka dib markii ay ka badiyeen xulka martida loo yahay ee Brazil oo ay kaga badiyeen 7-1 guushu ku raacday xulka Germany.

Halka Xulka Argentina oo markii Saddexaad isu diyaarinaya inay ku guulaystaan Koobkan, ay Rikoodhayaal kaga soo badiyeen Xulka Netherland.

Kulanka Caawa oo ku qabsoomaya Garoonka Maracana ee magaalada Rio De Jenario ee Brazil, waxa layskugu diyaarinayaa hawl-galkii ugu cuslaa ee lagu sugo ammaanka ee taariikhda magaaladaas ka dhaca, waxaana loo diyaar-gareeyey 25,000 oo isugu jira Boolis, Milatari, Sirdoon iyo Dab-demis.

Saraakiisha Ammaanka magaalada Rio ayaa sababta ay hawl-galka intaas le’eg ammaanka ugu sugeyaan ku micneeyey dedaallo lagaga hir-tagayo weerarro argagixiso, isku-dhac taageerayaasha dhexmara iyo ilaalinta Ammaanka 15 ka mid ah Madaxda Adduunka oo kulanka caawa ka qayb-galaysa.

Sida ay tibaaxeen xogo lag helay tirakoob la sameeyey, dalka Brazil waxa wakhtigan ku sugan 692,000 Qof oo ka kala socda 203 waddan oo adduunka, kuwaas oo dalkaas gaadhay muddada Bisha ah ee tartanka Koobka Adduunku ka socday.

Kulanka Caawa ayaa Xulka Jarmalka u noqonaya Markii Siddeedaad ee ay u soo baxaan Final-ka Koobka Adduunka, mana jiro waddan la mid ah oo intaas oo jeer u soo baxay final-ka koobka Adduunka, laakiin hal mar oo kaliya ayay ku guulaysteen Afarta jeer ee u dambaysay ee ay u soo baxeen Ciyaarta Finalka.

Tartanka Koobka Adduunka ee 2014 oo lagu ammaanay in lagu soo bandhigay Kubad weerar u badan oo quruxdeeda loo bogay, ayaa haddii kulanka caawa layska dhaliyo laba Gool ka dhigaysa tartankii ugu gool-dhalinta badnaa koobka Adduunka, waxaanu dhaafaya rikoodhkii hore loo dhigayo Koobkii Adduunka ee sannadkii 1998 oo xulka Faransiisku ku guulaystay, kaas oo layska dhaliyey 171 Gool.

Gudaha Garoonka Maracana waxa ku sugnaan doona 2,500 Suxufi oo ka socda laamaha kala duwan ee warbaahinta caalamka, waxaana ka qayb-geli doona Reysal-wasaare dalka Germany Angela Merkel, laakiin lama filayo in madaxweyne dalka Argentina uu kulanka ka qayb-galo sababo caafimaad awgeed.

Kulankan waxa loo doortay inuu Garsoore ka noqdo Nicola Rizzola oo u dhashay dalka Talyaaniga.

 

Xiddigaha u Sharraxan Kubadda Dahabka ah (Xiddigga Tartanka)

Mats Hummels, Toni Kroos, Philip Lahm, Thomas Muller. (GERMANY)
Lionel Messi, Angel Di Maria, Javier Mascherano (ARGENTINA)
James Rodriguez (COLUMBIA)
Arjen Robben (NETHERLANDS)
Neymar (BRAZIL).

 

Sidee loo Kala Horreeyaa GOOL-DHALINTA?

LIX GOOL: James Rodriguez (Columbia)

SHAN: Thomas Muller (Germany)

AFAR: Neymar (Brazil), Lionel Messi (Argentina), Robin van Persie (Netherlands)

SADDEX: Arjen Robben (Netherlands), Xherdan Shaqiri (Switzerland), Enner Valencia (Ecuador), Andrea Schurrle (Germany), Karim Benzema (France).

 

SOMALILANDPOST.NET

Sport News Desk

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories