HomeWasiirudawlaha Nabadeeynta iyo Horu Marinta Goboladda Bari Oo Baaq Qaylo Dhaan ah...

Wasiirudawlaha Nabadeeynta iyo Horu Marinta Goboladda Bari Oo Baaq Qaylo Dhaan ah U Diray Hay,adaha Caalamiga ah Iyo Xukuumadda Somaliland Abaaro Ba,an Oo ka jira goboladda bariga

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(SLPOST):Wasiirul dawlaha nabadaynta iyo horu marinta gobolada bariga Somaliland Cali Maxamuud Axmed(Cali Sandule) ayaa baaq culus ka soo saaray abaar baahsan oo uu sheegay inay saamayn balaadhan ku yeelatay gobolada bariga somaliland.

images (7)

Cali Sandule oo ku sugan magaalada Laascaanood ayaa waxa kale oo uu sheegay in shaqaaqooyinka ka dhaca gobolada bariga Somaliland ay xukuumadu diyaar u tahay inay ku soo af jarto wada hadal iyo si nabad galyo ah.

Ugu horayn wasiirul dawlaha nabadaynta iyo horu marinta gobolada bariga Somaliland Cali Maxamuud Axmed(Cali Sandule) oo ka hadlaya abaaraha ka jira gobolada bariga Somaliland ayaa waxa uu yidhi “Waxa lagu guda jiraa xili xun oo abaar ah gobolada bariga oo dhana way ka jirtaa, waxaanan ku baaqayaa in

gargaar hay’addaha caalamiga ah,kuwa NGO-yada ah iyo dawladaba waxaan ugu baaqayaa inay gargaar deg ah la soo gaadhaan dadka gobolada bariga, lana soo gaadhaan biyo dhaamis,raashin iyo wixii wax qabad ah ee kale.”

Sidoo kale wasiirul dawle Cali Sandule waxa uu sheegay inay xukuumadu diyaar u tahay inay wada hadal ku dhamayso khilaafaadka jira waxaanu yidhi “Waxaan rajaynaynaa oo aan ku guulaysan doonaa iyada oo aan wax dhibaato ahi jirin inay wax waliba ku dhamaadaan nabad iyo as afgarad,Somaliland-na diyaar uma ah inay dhibaato iyo mushkilado abuurto mar walbana waxay diyaar u tahay inay nabada ka shaqayso, cid kasta oo dhibaato ka sheekaynaysana dan kama lihin,wax walbana waxaanu ku dhamayn doonaa nabad, wada hadal iyo ceeb la,aan.”

Ugu danbayntiina wasiirul dawlaha nabadaynta gobolada bariga Somaliland waxa uu sheegay inuu dhagax dhigi doono xafiis cusub oo wasaaradiisu ku yeelan doonto magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories