HomeWasiirro Xukuumadda ka tirsan oo Cabashadii ugu ballaadhnayd ka muujiyey dhinacyada Ciidanka...

Wasiirro Xukuumadda ka tirsan oo Cabashadii ugu ballaadhnayd ka muujiyey dhinacyada Ciidanka ammaanka iyo Caddaaladda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

London, 19 March, 2012 (SLpost)- Wafti isugu jira Wasiirro iyo Saraakiil kale oo ka socda dawladda Somaliland oo uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur), ayaa shalay gaadhay magaalada London ee waddanka Igiriiska, isla markaana ka warramay arrimo badan oo aan hortood laga hadal.

Waftiga  waxa garoonka diyaaradaha Hidro ee London ku soo dhaweeyey dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimi Goballada dalka Ingiriiska. Waftiga oo la hadlaay Warbaahinta ayaa sheegay in safarkan ay ku tageen London ka dambeeyey marti-qaad rasmi ah oo ay dawladda Ingiriiska ka heleen.

Waasiirka arrimaha gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo ugu horreyn halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay Dawladda Ingiriiska ka doonayaan sidii ay Somaliland uga caawin lahayd kor u qaadista Ciidammada iyo tabobbar ku saabsan sidii loo tayayn lahaa Ciidanka Booliska Somaliland.

Wasiirka arrimaha gudaha waxa socdaalkiisan ku wehelinayey Wasiirka Cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid iyo Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Amniga  Saleebaan Cumar Ku-joog iyoTaliye ku-xigeenka Ciidanka Asluubta Xasan Cali Dheere.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland waxa uu sheegay in 20-ka sano ee ay Somaliland jirtay wax Saraakiil ah oo loo soo tabobbaray aanay jirin, waxaanu yidhi; “Waxay baahi wayni naga haysaa xagga Ciidanka Booliska, ma jirto dad Saraakiila oo loo soo tabobbaray muddadaas labaatanka sano ee ay jirtay Somaliland, Raggii u danbeeyay ayaa tabobbar Boolis lahaa, laakiin, maanta ma jirto cid buuxisa kaalintii Raggaasi ay ka bexeen. Markaa, waxaannu u baahannahay kaw in la tabobbaro Ciidanka Booliska oo aqoontooda kor loo qaado. “Sidoo kale waxaannu u baahanahay in xagga qalabka laga caawiyo maaddaama oo Ciidanka Boolisku ay yihiin kuwa amniga Qaranka ilaallinaya.”

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid ayaa sheegay in shuruucda maanta dalka lagu xukumaa ay tahay tii sannadihii lixdamaadkii lagu shaqayn jiray. “Waxa halkan dheeraad noo ah xagga shuruucda oo la waafijiyo wakhtiga aynu maanta marayno, waayo? Sharciyada aannu ku shaqayno immika waxa weeye kuwii dhawr iyo Lixdankii, wax badan ayaa wakhtigaas laga soo gudbay waxaanay u baahan yihiin Kaabis.”Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid.

Waxaanu Wasiirka Garsoorka iyo Caddaaladdu intaa ku sii daray oo uu yidhi; “Haddaan ku idhaahdo xagga tabobbarrada waannu uga baahanahay, agabka oo runtii wixii lagu sugi lahaa Cadaaladda ah, sharciga la adeegsanayo iyo aqoonteeda ee ay Maxkamaduhu ku shaqayn lahaayeen ayaa loo baahan yahay, markaa hawshaas ayaannu u soconaa.”

Weftigan ayaa Arbacadii hore Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ka ambabaxay, kuwaasoo maalmo ku sii hakaday magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, isla markaana uga sii gudbay Ingiriiska oo ay shalay gaadheen.

Xigasho: Ogaal

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories