HomeCawil Cali Ducaale Oo La Sheegay In Uu Ku Biiraayo Xisbul Xaakimka...

Cawil Cali Ducaale Oo La Sheegay In Uu Ku Biiraayo Xisbul Xaakimka Kulmiye Iyo Siciid Sulub Oo Lagaga Guuray Guri Caska Udub

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargaysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee Maaliyada xukuumadii Daahir Rayaale Kaahin oo ka mid ahaa xubnihii guddida fulinta ee xisbigii Udub ee saaxada siyaasada ka hadhay ugu firfircoonaa, ayaa la sheegay inuu ku biirayo xisbiga Kulmiye.

blank
Xuseen Cali Ducaale (Cawil)

Sida ay Haatuf u sheegeen ilo wareedyo u dhuun daloola Ambassador Cawil, ayaa sheegay in Mr Cawil oo ka mid ah xubnaha guri caska Udub lagaga guuray uu go’aansaday in markii ay dhawaan saaxiibadiisii Cali Warancade iyo Axmed Xaaji Daahir ay ku biireen urur siyaasadeedka Wadani uu isaguna uga digo roganayo Kulmiye, taas oo ilo wareedyadu ay intaa ku dareen in muddadii ka dambaysay markii Udub ka baxay saaxada siyaasada, isla markaana uu ka hadhay ka qaybgalka tartanka doorashooyinka golayaasha deegaanka ee dalka ka qabsoomi doona 28 November 2012-ka, uu kulamo uu ku xodxodanayo xukuumada iyo xisbiga Kulmiye uu la kala yeeshay masuuliyiinta sare, isla markaana ugu bandhigay mawqifkiisa ku wajahan halka uu geedigiisa siyaasadeed ee Kulmiye ugu soo digo roganayo.

Mr Cawil Cali Ducaale oo ahaa wasiirkii hore ee Maaliyada xukuumadii Udub ee Rayaale oo muddadii siddeeda sanadood ee xukuumada Kulmiye ay mucaaridka ahayd uu ka dhexeeyay dagaal siyaasadeed oo culus weedho dhiif lehna u marin jiray warbaahinta xisbiga Kulmiye ayaa la sheegay in muddadii xukuumada Kulmiye talada haysay uu qaaday talaabooyin iyo ololayaal uu ku doonayay in xil looga dhiibo xukuumada Madaxweyne Siilaanyo, isagoo saxaafadana muddooyinkan u dambeeyay xukuumada iyo hogaanka dalka u marinayay weedho uu ku difaacayo hogaaminta  siyaasada xukuumada Madaxweyne Siilaanyo, isla markaana u muuqday mid hadalada uu shirarka jaraa’id ka odhanayo laga soo Tifaftiro Madaxtooyada.

Dhinaca kale wasiirkii hore ee hawlaha guud ee xukuumadii Rayaale Siciid Sulub Maxamed, isla markaana la baxay intii khilaafka Udub Socday hogaamiyaha Ruuxiga ah ayaa baryahan ku maqnaa dalka Imraadka Carabta kana mid ahaa xubnihii ay saaxiibada dhaw ahaayeen, ayaan ilaa hada isaguna cadaynin halka uu uga guurayo guri caska Udub ee ay kaga guureen saaxiibadiisii, hase yeeshee waxay ilo wareedyadu sheegayaan in Mr Siciid Sulub safarka uu Imaraadka ugu baxay ay la xidhiidho mid uu kaga gabanayo xaalada siyaasadeed ee ku ciirsan ee uu ku jiro, kuna laba boglaynayo halka uu geedigiisa siyaasadeed sal dhigan doono.

Source: Haatuf

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories