HomeWasiirro Ka Warbixiyay Halka Uu Marayo Mashruuca Biyo Balaadhinta Magaaladda Burco

Wasiirro Ka Warbixiyay Halka Uu Marayo Mashruuca Biyo Balaadhinta Magaaladda Burco

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Burco, (SLpost)- Kulan balaadhan oo lagaga wada hadlayo biyo balaadhinta Burco oo ay ka qayb galeen Wasiirro Maamulka gobolka Togdheer iyo degmada Burco masuuliyiinta wakaalada Biyaha ayaa lagu qabtay xarunta gobolka Togdheer ee Burco.wasiirro

Wasiirrada Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire,Wasiirul dawlaha Maaliyadda  Cismaan Cabdilaahi  Saxardiid(Caddaani) Wasiirul dawlaha  Wasiirul dawlaha khayraadka Biyaha Cabdisalaan Maxamed Cali  iyo masuuliyiin kale oo kulankaa ka qayb  galay ayaa dhammaantood sheegay sida loogu  baahan  yahay isla markaana ay qaran ahaan muhiimka u tahay in biyo balaadhinta Burco la hir-galiyo.

Ugu horayn waxa ka hadlay Wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka Somaliland Dr  Sacad Cali Shire, ayaa  sheeegay in mashruucani uu yahay mid faa’iido u leh bulshadda Burco isla markaana aanu sanduuqa horumarinta Somaliland aanu kalii taageerin biyo balaadhinta ee uu taageero mashaariic kale oo fara badan uu ka taageero gobolkan ayna socdaan  waxaana uu yidhi ”Mashruucan SDF wuxuu ka kooban yahay seddex qaybood, qaybta koowaad waxa weeye 14KM oo beebab oo la dhigayo, qaybta labaadna waa laba taangi oo waaweyn oo min 100 mitir  kuyuubik ah, qaybta seddexaadna waxa weeye mishiinadiii ka soo saari lahaa biyaha ceelka oo laba ah, kharashka ku baxay mashaariicdaas qiyaas ahaan waxa weeye sagaal boqol oo kun oo Doolar, sanduuqa Horumarinta Somaliland ma maal-galiyo mashruucaa biyaha oo kaliya gobolka Togdheer laakiin waxa jirta mashaariic kale”.

Wasiirul dawlaha Khayraadka biyaha Somaliland ayaa dhankiisa caddeeyay in aanay jirin wax caqabado ah oo hor taagan mashruura biyo balaadhinta Burco.  “Wax caqabada ama  dhibaato ah oo ka jira habsami u socodka mashruucan illaa imika  ma jiraan waanu sii socon doonaa IILAAHAY  idankii, markuu dhammaadana waxaan rejaynayaa in magaalada Burco ay jiho walba biyo ku filan   ay heli doonto haddii ALLE yidhaahdo.”

Dhinaca kale waxaa iyaguna   hadlay biyo  balaadhinta Burco iyo muhiimada ay leedahay Wasiir dawlaha maaliyada  Somaliland Cismaan Saxardiid Cadaani, duqa magaalada Burco Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan iyo gudoomiye ku xigeenka gobolka togdheer Maxamed Diiriye Xayd oo dhammaantood  caddeeyay in ay qaran ahaan ka go’antahay   hirgelinta mashruuca biyo balaadhinta Burco.

 

 

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories