HomeWasiirro ka tirsan Dawladda Somaliland oo ka qayb-galay shir ballaadhan oo ay...

Wasiirro ka tirsan Dawladda Somaliland oo ka qayb-galay shir ballaadhan oo ay ku kulmeen waddamada ku jira Urur-goboleedka IGAD iyo Qaadhaan-bixiyeyaasha Horumarka ka taageera

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

[A]ddis Ababa (SLpost)- Wasiirrada Arrimaha Debadda,Gudaha iyo Qorshaynta Qaranka Somaliland ayaa ka qayb galay shir maanta Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ugu qabsoomay waddamada ku jira Urur-goboleedka IGAD iyo qaadhaan bixiyayaasha ka taageera Arrimaha horumarka.
Shirkan oo ahaa mid ay isku wajahayeen Somaliland iyo qaadhaan bixiyayaasha caalamiga ah ee maalgaliya urur goboleedka IGAD, ayaa waxaa ka hadlay Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka ee Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo madashaas ammaan ballaadhan uga soo jeediyay guud ahaan Qaadhaan-bixiyayaasha adduunka ee Somaliland ka kaalmeeya mashaariicda horumarineed, waxaanu sheegay in xukuumada Somaliland ay marwalba soo dhawaynayso cid kasta oo wax kala qabata baahiyaha gaarka u ah ee ay tirsanayso.
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar isla markaana hogaaminayay weftiga ka socda Somaliland ayaa isaguna mahadnaq u soo jeediyay mas’uuliyiintii kulankaasi ka soo qayb galay, waxaanu wasiirku uga warramay waxyaabihii u qabsoomay dawlada uu ka tirsan yahay muddadii ay hogaaminta qaranka hayeen. Dr. Maxamed Cabdilaahi waxa uu sheegay inay wada-shaqayn dhow leeyihiin urur goboleedka IGAD isla markaana ay mar walba la kaashanayaan wixii khibrad iyo waayo-aragnimo ay uga baahdaan.
Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD Maxbuub Macalin oo madasha shirka ka hadlay, ayaa sheegay in urur ahaan ay la dhacsan yihiin guulo faro badan oo dawlada Somaliland ay ka gaadhay dhinacyada horumarka iyo maamul-daadejinta, waxaanu xusay in aragtida urur goboleedkoodu ay tahay mid ay ku sii adkaynayaan waxyaabaha ay ummada Somaliland higsanayso.
Kulankan waxaa ka qayb qaadanayay oo kale ku dhawaad labaatan dublamaasi oo fadhigoodu yahay magaalada Addis Ababa isla markaana ah kuwa maalgashada Qaaradan Afrika.
Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo ka tirsan urur-goboleedka IGAD ayaa wakhti ay weftigan wasiirrada Somaliland ku sugnaayeen dalkaasi maalintii shalay ahayd, waxa ay si cad shaaca uga qaadday inay Somaliland kala haw-galayso ka-mid noqonashada xubnaha ku jira urur-goboleedka IGAD.

SLpost News/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories