HomeWasiirro iyo Siyaasiyiin Shaaciyey in iyaga Qoysaskooduba ka mid noqonayaan Macaamiisha Shirkadda...

Wasiirro iyo Siyaasiyiin Shaaciyey in iyaga Qoysaskooduba ka mid noqonayaan Macaamiisha Shirkadda Caymiska ee TAKAFUL

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Masuulyiin iyo siyaasiyiin isugu jira Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi iyo qaar hore uga tirsanaan jiray xukuumaddii hore, ayaa shaaca ka qaaday inay si rasmi ah uga mid noqonayaan Macaamiisha Shirkadda Caymiska ee Takaful oo xalay u dabbal-degtay sannad-guuradii 5aad ee ka soo wareegtay xilligii la aasaasay shirkadda.

Saddexda Wasiir

Masuuliyiinta oo ka hadlay Munaasibad xuska sannadka 5aad ee Takaful loo qaybtay Hotel Ambassador ee Hargeysa, ayaa sheegay in wixii maanta ka dambeeya ka mid noqonayaan macaamiisa ku xidhan adeegyada Caymiska ee shirkaddu bixiso oo isugu jira dhinacyada Caafimaadka, Gaadiidka, Ganacsiga, Dhismaha iyo kuwo kale.

 

Wasiirkii hore ee Maaliyada  Cabdicasiis Maxamed Samaale oo isna halkaa ka hadlay ayaa soo dhaweeyey adeegyada Caymiska ee Shirkadda, waxaanu xafladaasi kaga mid noqday masuuliyiin tiro badan oo intii ay munaasibadu socotay isu diwaan-geliyey inay kamid noqdaan dadka ku jira Caymiska Shirkadda Takaful.

TAKAFUL 2019 (19)

 

“Anigu In kasta oo aan ka qayb-qaatay bilowgeedii, haddana wali caymiskaa maan gelin, sababtuna waxay ahayd maan haleelaynba. Laakiin laga bilaabo caawa (xalay), aniga iyo qoyskayguba, waanu galaynaa,”  Sidaa waxa yidhi Siyaasi Cabdicasiis Samaale, waxaanu intaas ku daray in shirkadda TAKAFUL ku soo kordhisay Somaliland adeegga caymiska oo uu sheegay in si ballaadhan looga isticmaalo adduunka.

 

Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Marwo Hinda Jaamac Xirsi oo iyaduna munaasibadda ka hadashay ayaa tilmaantay muhiimadda adeegga Caymisku u leeyahay bulshada oo ay ugu baaqday inay ka faa’idaystaan adeegyada Shirkadda Takaaful, waxaanay madasha ka shaacisay inay ka mid noqonayso macaamiisha shirkadda. qaybaheeda kala

 

TAKAFUL 2019 (29)“Dhammaanteen waynu u baahannahay meel aynu dhibaatadeenna kula ciirno. Waxaan leeyahay dhammaanteen inta joogta iyo inta idhegaysanaysaba, aynu ka mid noqonno macaamiisha shirkadda Takaakul oo aan anigu ahay qofka labaad ee Cabdicasiis Samaale ku xiga,” Sidaas ayey tidhi Marwo Hinda Jaamac Xirsi.

 

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Jidadka iyo Gaadiidka Cabdilaahi Abokor, ayaa noqday masuulkii saddexaad ee madasha ka shaaciyey inuu ka mid noqonayo macaamiisha Shirkadda Takaful.

TAKAFUL 2019 (28)

 

“Saaxiibkay Cabdicasiis iyo Hinda waxay halkan ka sheegeen inay ka mid noqonayaan macaamiisha shirkadda Takaful Insurance, aniguna waxaan caawa (xalay) halkan ka sheegay inaan noqdo qofkii saddexaad ee ka qayb-gali doona,” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Cabdilaahi Abokor.

 

 

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories