HomeWasiirro iyo Ciidamo tiro badan oo Gurmad ku gaadhay magaalada Tog-wajaale rabshado...

Wasiirro iyo Ciidamo tiro badan oo Gurmad ku gaadhay magaalada Tog-wajaale rabshado dhimasho iyo dhaawac sababay maanta ka dhaceen (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Tog-wajaale (SLpost)- Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan ciidanka Ammaanka, ayaa maanta gaadhay magaalada Tog-wajaale ee gobolka Gabiley oo rabshado khasaare nafeed geystay ka dhaceen.

Mudaharaadka rabshadadaha watay oo maanta ka dhacay magaalada Tog-wajaale oo ka tirsan gobolka Gabiley, waxaana bannaan-baxaas ku dhintay Hal qof iyo dhaawacyo soo gaadhay laba qof oo kale.

wajaale34Magaalada Tog-wajaale ayaa ah xarun Ganacsi oo ku taalada Xuduudka ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya oo laba qaybood u kala qaybiya magaalada.

Wefti Wasiirro iyo Saraakiil Ciidan isugu jira ee gaadhay magaalada ayaa kala ah Wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Wershadaha, Taliyaha Ciidanka Bilayska iyo Saraakiil kale sayaa halkaasi u tegay daminta Xiisadan saaka ka bilaabantay magaalada. Masuuliyiintan ayaa ku guulaystay inay dejiyaan dadkii gaddoodsanaa ee saaka isu soo baxay.

Maydka qofka dhintay ayaan wali la aasin, waxaana la sheegay inay madaxda dawlada iyo eheladiisu ka wada hadlayaan arrinta dilka.

Muddaharaadka ayaa ka dhacay dhinaca gudaha Somaliland ee magaalada Wajaale, waxaanu khasaarahani yimi ka dib markii Ciidanka ammaanka ee magaaladaasi Rasaas kala hortageen Dadka muddaharaadayay oo ka soo horjeeda xadhigga Guddoomihii hore ee degmada Wajaale Qawrax Muuse oo Maamulka dawladda ee degmadu xabsiga u taxaabay.

Qofka Dhintay ayaa ah Nin Macalin ahaa oo magaciisa lagu sheegay Naasir, kaas oo rasaastii ciidanku ridayeen haleeshay. Sidoo kale laba qof oo kale oo midkood haweenay tahay ayaa ku dhaawacmay rasaasta ciidanku ku fureen mudaharaadayaasha.

wajaale3Guddoomiyihii hore ee Degmada Wajaale, ayaa lagu eedeynayaa arrimo dhul oo sida la sheegay Maamulka xilka kala wareegay ku eedeeyay inuu iibiyay wakhtigii uu maamulka hayay. Hase ahaaatee, illaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka dawlada iyo ciidanka ammaanka oo la xidhiidha rabshadaha magaalada ka dhacay. Balse, isla markiiba waxa gaadhay ciidamo ka tagay magaalada Hargeysa, iyada oo arkayey kolonyo ciidamo boolis ah oo magaalada Hargeysa uga sii baxay waddada laamiga ah ee qabata galbeedka Dalka.

Dadka deegaanka oo qaarkood warbaahinta la hadleen ayaa Guddoomiyaha Degmada Mr Xaashi ku eeddeeyay inuu ka masuulyahay wixii Magaalada ka dhacay maanta, waxaana lagu eeddeynayaa inuu sabab la’aan ku xidhay Maayirkii hore ee magaalada Qawrax Muuse.

 

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories