Home“Wasiirradan ha naloo Maxkamadeeyo gef bay naga galeen, dalka Somaliland-na gef bay...

“Wasiirradan ha naloo Maxkamadeeyo gef bay naga galeen, dalka Somaliland-na gef bay ka galeen” – Madax-dhaqameedka iyo Odayaasha Sanaag

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Ceerigaabo (SLpost)- Wasiirrada Wasaaradaha Macdanta iyo Kalluumaysiga Eng Xuseen Cabdi Ducaale iyo Md Cali Jaamac Buureed, ayaa lagu eedeyey inay sifo sharciga baalmarsan Macdanaha iyo kheyraadka Badda ee gobolka Sanaag ugu fasaxeen shirkado ajanabi ah oo la sheegay inay labadoodu heshiisyo kula jiraan.

Odayaasha_CeeriMadax-dhaqameedka, Odayaasha iyo wax-garadka bulshada ku dhaqan deegaannada Xarshaw, Laasa-surad, Waqderiya iyo Geel-weyte oo ka tirsan gobolka sanaag, ayaa ku eedeeyey labada wasiir oo deegaan ahaan ka soo jeeda gobolka Sanaag, inay duullaan ku yihiin kheyraadka Eebbe ku manneystay deegaanaas iyaga oo u soo diraya shirkado iyo shakhsiyaad gumaad iyo xaalufin ku haya Macdanta iyo Kalluunka ku duugan dhulka ay bulshadoodu degaan. Waxa ay labada masuul ku dhaliileen in aanay u oggolayn deegaamada ay ka soo kala jeedaan kalluumaysiga iyo macdan-baadhis ay sheegeen in lagu xaalufiyey Xeebaha ku dhereran gobolka Sanaag.

Madax-dhaqameedkani waxa ay sidaas ku sheegeen shir-jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Beerta Xoriyadda ee magaalada Ceerigaabo, waxaanay ka sheekeen qaabka loo fuliyo xaalufinta deegaankooda ay ku hayaan shirkadaha iyo shakhsiyaadka labada wasiir inay heshiis kula jiraan la sheegay.

Ugu horeyn waxa halkaas ka hadlay guddoomiyaha Iskaashatada Kalluumaysata WADA-JIR, Xuseen Ismaaciil Saalax, waxaanu yidhi, “Kalluuunka badda Waxa Lagu qabanayaa Xaawi oo ah shebeg dhawr kilo-mitir ah oo hareeraha lagala marayo kaddibna halkaas markuu wada galo ayaa wixii loo baahnaa lagala baxayaa wixii kalena isagoo dhintay ayaa badda lagu daadinayaa.”

“Waxa kale oo jirta wax la yidhaahdo Caydi-xay oo ah kalluunkii oo isaga la is cunsiinayo iyadoo Caydiga yaryar oo badan inta nolol lagu qabto lagu kaydinayo qayb doonyaha ka mid ah oo uu ku noolaan karo oo isagoo nool inta jilibka la sudho badda lagu tuurayo kaddibna kalluunkii weynaa ee caydiga cunayey soo doonanayo oo afka gashanayo sidaasna kii yaraa oo la cunay iyo kii weynaa oo la qabtayba ku dhimanayaan,” ayuu yidhi Xuseen Ismaaciil Saalax.

Oday Cabdilaahi Faarax Xaamud oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa dhaliilo u jeediyey Wasiirka Macdanta, waxaanu ydihi, “Waxa la sheegayaa Wasiirka Macdantu inaanu u ogolayn inay dhulkiisa tagaan dadka annaga naloo soo dirayaa, oo Wasiirka Kalluumaysigu aanu u oggolayn inay Laasqoay iyo Ceelaayo tagaan, balse meesha kaliyee khayraadkeeda lagu soo duuley ee la baabi’inayaa ay dhulkayaga Illaah nagu beeray tahay, taasna cidna ka yeeli mayno.”

odayaasha_CeerigaaboOday Yaasiin Cali Dheere ayaa ka hadlay shirkad Macdanta ka baadhaysa deegaamo ka tirsan gobolka Sanaag, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Waxa kale oo beryahan jirey niman Shiinays ah oo meel ay ka imanayaan iyo meel ay u socdaan toonna aanaan ka war-hayn. Wasiirrada Kalluumaysiga iyo Macdantu horta degaannadooda ha ka hir geliyeen oo kan kalluumaysiguna degaankiisa ha ka bilaabo kalluumaysiga kan macdantuna degaankiiisa Siinaha ha u diro. Markaa, degaannadayada khayraadka dabiiciga ah ee ku jira badda iyo berrigaba aqbali mayno cid aannaan ogayn markaa ha nalaga joojiyo,” ayuu yidhi Oday Yaasiin Cali Dheere.

“Annagu dawladda xidhiidh lama lihin degaannadayadana annagaa u dawlad ah oo u ciidan ah oo wixii dhib ah oo dhacda annagaa xallinna,” sidaas waxa yidhi Caaqil-Cawed oo isaguna halkaas ka hadlayey.

Jiif-Caaqilka Deegaanka tabashada tirsanaya, Xuseen Xasan Cali Muuse oo gunaanadkii halkaas ka hadlay, ayaa dalbaday in Maxkamad la soo taago labada Wasiir ee Macdanta iyo Kalluumaysiga, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Wasiiradan degaannadoodiina kalluumaysiga iyo xaalufka ka ilaalinaya annagana nagu soo xeelaya oo shatiyada u soo goynaya, waxaanu leenahay ha naloo maxkamadeeyo gef bay naga galeene, dalka Somaliland-na gef bay ka galeene,” ayuu yidhi Jiif-Caaqilku.

 

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories