Home“Wasiirrada Xukuumaddu Waa Inay ka Turjumaan Aragtida Madaxweynaha” Cabdoo Aayir

“Wasiirrada Xukuumaddu Waa Inay ka Turjumaan Aragtida Madaxweynaha” Cabdoo Aayir

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa:(SLpost)-Badhasaabkii Hore ee Gobollada Togdheer iyo Awdal Md Cabdoo Axmed Aayir, ayaa ka digay Xubnaha wasiirrada ah ee iyagoo xilal umadda u haya haddana ku Hawllan dibin-daabyada Xukuumadda ay katirsan yihiin iyo Mijo-xaabinta Dhaxalka Madaxweynaha iyo Xisbiga Kulmiye. Cabdoo Aayar oo shalay qaar kamid ah Warbaahinta ugu warramay Magaalada Hargeysa,ayaa nasiib-darro ku tilmaamay in xubno Golaha wasiirada katirsani shirar qabsadaan, isla-markaana cambaarayn u jeediyaan Xukuumadda ay xubnaha ka yihiin, “waxan doonayaa inaan ka Hadlo wixii intii madaxweynuhu dalka safarka kaga maqnaa ka dhacdhacayey Xukuumadda iyo Xisbigeeda. Run ahaantii dalku madaxweyne iyo kuxigeen buu leeyahay, distoor iyo sharci loo doortay inay ilaaliyaan dalkana ku hoggaamiyaan buu leeyahay,marka madaxweynuhu joogo hoggaaminta dalka isagaa leh, marka uu maqan yahayna ku-xigeenkaa leh. Waxase nasiib-darro ah muddooyinkii ugu dambeeyey suuqyada iyo hudheellada waaweyn ay ka dhex muuqdaan Gole wasiirrada xukuumadda ka tirsan, kuwaas oo aan aaminsanahay inay badheedhsan yihiin kuwaas oo fadhiya Golayaal lagu dhaliilayo xukuumadda oo ku raaxaysanaya oo sacabka u tumaya.” Ayuu yidhi Cabdoo Aayar.

 

Cabdoo Aayar oo hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu sheegay in tartanka mijo xaabinaya qarannimadu aanu ahayn ahayn wax tartan lagu tilmaami karo, waxana uu yidhi,“Bulshada xisbiga taageersan iyo xukuumaddu faraq ma laha, Xisbiga uu madaxweynuhu kasoo baxay Hoggaamintiisa waxa iska leh cidda haatan u xilsaaran oo ah Guddoomiyaha iyo ku-xigeennada wax faraq ahna ma kala lahee afkaartu waa kala duwananaan karaan, laakiin tartanku ma aha mid burburinaya ama waxyeello ku noqonaya dantii qaranimo iyo dantii hoggaamineed ee madaxweynaha, ta maanta madmadowgiisu muuqdaana waa xisbi isu yimi oo isagii xukuumaddiisii dhaliilaya oo haddana wasiirradii xukuumaddu fadhiyaan oo sacabka u tumayaan, kumana jiraan Hanaanka hoggaamineed ee madaxweynaha.”

 

Waxa uu Guddoomiyihii hore ee Gobollada Togdheer iyo Awdal Mudane Cabdoo Aayar uu sheegay in Musharrixiinta Kulmiye xaq u leeyihiin inay xubnaha golaha dhexe siyaasadooda u bandhigaan, balse sharciyadda la ixtiraamo,“xisbigu musharrixiin buu leeyahay, musharrixiintaasina cidda ay ku tartamayaan maanta waa Golaha dhexe, Golaha dhexena xaq buu nin waliba u leeyahay inuu siyaasadiisa u bandhigo, laakiin  xisbigu wuxuu leeyahay nidaam iyo sharci la raaco oo aan qofna gaar u wadan karaynin, in la isku ixtiraamo hoggaaminta xisbiga laftiisana waa waajib, nin waliba waxa uu golaha dhexe ka nasiibsado golaha dhexe ayuu ku leeyahay.” Ayuu yidhi Cabdoo Aayar.

 

Waxa uu tilmaamay in wasiirrada xukuumadda katirsan ay waajib ku tahay inay siyaasadda madaxweynaha u hoggaansamaan oo aanay ka hor iman, waxana uu yidhi, “Wasiirrada xukuumaddu waa inay ka turjumaan aragtida madaxweynaha, waana inay ku dhaqmaan, haddii aanay sidaas ahayna nin wax kale doonayaa waa inuu iscasilaa oo yidhaahdaa anigu taas kuma dhaqmay, Haddii kale Fikirka iyo hoggaaminta madaweyne iyo kuxigeen waa inay ku dhaqmaan.”

 

Hadalka Cabdoo Aayar ayaa ka dambeeyey xilli dhawaan ay soo baxayeen Wasiirro xukuumadda katirsan oo iyagoo xilal haya fagaarayaasha la taagan dhaliisha xukuumadda ay xilalka ka hayaan xilli madaxweynuhu dalka safar kaga maqan yahay.

 

Somalilandpost, Hargiesa Office, 2015

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories