HomeWasiirrada Madaxtooyada iyo Waxbarshada oo Dhagax-dhigay 4KM oo ka mid ah Wejiga...

Wasiirrada Madaxtooyada iyo Waxbarshada oo Dhagax-dhigay 4KM oo ka mid ah Wejiga 2aad ee Dhismaha Jidka Dawga-Cad (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirrada Madaxtooyadda iyo Waxbarashadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Marwo Samsam Cabdi Aadan oo maanta kormeer ku tagay Dhismaha Jidka Dawga Cad, ayaa ka qayb-galay munaasibad lagu dhagax-dhigay 4KM oo ka mid ah wejiga labaad ee dhismaha jidkaa ee Woqooyiga Caasimadda Hargeysa, taas oo lacagta ku baxaysa ay iska kaashadeen xukuumadda iyo Ganacsatada.

Wasiirrada Xukuumadda ka socday oo maanta socdaal ku tagay goobta ay ka socoto hawsha dhismaha jidka, ayaa munaasibaddii dhagax-dhigga loo sameeyey waxa ugu horeyn ka hadlay Guddoomiyaha guddida Dhismaha Dadada Dawga Cad Cabdiqaadir Xaashi Cilmi, waxaanu u mahad-naqay masuuliyiintii dawladda ee halkaasi tagay, waxaanu sidoo kale sheegay in wixii dhaqaale ka soo gaadhay gudaha iyo dibada dalka ay ku wadeen hawsha mudadii ay socotay. “Dadka qurbaha iyo dalkaba jooga ee tabarucaadka Maalin walba ka geysta dhismaha dawga-cad, waxaanu tusaynaa in wixii ay noo dhiibeen aanu sidii ay ugu tallo-galeen uga soo baxnay oo aanaan shilin meel kale uga leexin oo xisaabtayadu furan tahay in la arko, shaqo wanaagsan inaanu qabanay ayaanu filaynaa, waxaanuna jecelahay inaanu dhamaystirno, waxa nasiib wanaag ah in dawladda iyo tujaartu ay lacag noogu tabaruceen oo aanu ka guddoonay,” ayuu yidhi Cabdiqaadir Xaashi Cilmi.

Wasiirka Wasaarada Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isna halkaasi hadal kooban ka jeediyay dhagax dhiga ka hor ayaa yidhi, “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay inaanu maanta guddida wadada dawga-cad dhisaysa kala soo qayb-galno oo runtii hawl aad iyo aad u wanaagsan qabtay, waxaanuna guddida iyo intii dhaqaale ku bixisayba ku bogaadinaynaa shaqada fiican ee la qabtay, waxayna muujinaysaa shaqada fiican ee la qabtay, dawlad ahaana waxaanu muujinaynaa inaanu taageersan-nahay oo aanu barbar taaganahay oo aanu wax kala qabsanayno.”

“Maanta (shalay) waxaynu dhagax dhigaynaa 4KM oo laba ka mid ah ay kala bixiyeen Ganacsadaha Maxamed Aw Siciid (Somcable) iyo ganacsadaha kale ee Indho-birta iyo 2KM oo dawladdu bixinayso, taasina maaha wax istaagaya ee tani waa bilowgii insha Allaahu,” ayuu yidhi waxaanu intaasi raaciyey, “Waxaanan hambalyeynayaa haweenkii ururka GOBAAD ee bilaabay dhismaha jidkan.”

Waddada Dawga Cad ee Woqooyiga Caasimadda Hargeysa oo muhiimad gaar ah u leh isku-xidhka dalalka Somaliland iyo Jabuuti, ayaa ahaa waddo ay dhibaato kala kulmi jireen gaadiidleyda u safra dalka Jabuuti iyo Xeebaha Galbeedka Dalka, waxaana inta badan ka dhici jiray shilal khasaare badan geysta, iyada oo jidku mari jiray dhul Buuraley ah.

Haseyeeshee, muddooyinkii u dambeeyey waxa hawl-ballaadhan oo banneyn ah iyo Jidka oo Laami laga dhigayo ka waday Ganacsatada, Shacabka iyo Qurbejoogta Deegaanka, waxaana hore u dhammaaday wejigii koowaad ee dhismaha Jidkaas oo Laami laga dhigay.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories