HomeWasiirrada Madaxtooyada iyo Qorsheynta oo Su’aallo Darran-daarri ah laga weydiiyey Qorshaha Dhaxal-wareejinta...

Wasiirrada Madaxtooyada iyo Qorsheynta oo Su’aallo Darran-daarri ah laga weydiiyey Qorshaha Dhaxal-wareejinta Dekedda iyo Jawaabaha ay ka bixiyeen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiiradda madaxtooyadda iyo qorshaynta qaranka ayaa su’aalo laga waydiiyey maalgelinta dekedda Berbera si qoto dheer uga jawaabay bandhig su’aaleed uu Startv ugu qabtay xaruntooda koowaad ee magaaladda Hargeysa.

Wasiirka madaxtooyadda ayaa ugu horayn ka jawaabay su’aal laga waydiiyey waxyaabaha ay isla gaadheen DP World, isaga oo wasiirku sharaxaad dheer ka bixiyey waxana uu yidhi “Waxa aanu isla gaadhnay shirkadda DP World heshiis hordhac ah qaybo tirkiisa gacanta ayaa lagu hayaa khubaro caalamiya ayaa inaga caawinaysa oo aynu lacag badan ku bixinayno aqoontooda iibsanayno waa kuwo inaga inoo shaqaynaya heshiiska DP ee aanu galnay ee hordhac ah waxa uu leeyahay rukuno uu ku fadhiyo oo aasaasiya waxa aan is leeyahay ilaa sideed qodob weeyi shaqaaluhu waa ka mid sideed boqol iyo afartan qof (840) oo joogto ah ayaa ka shaqayee marka laga tago shaqaalaha aan joogtayda ahayn waxa aynu doonaynaa in aynu shaqo abuurno ma rabno in aynu shaqo dhino markaa waxba korodhsan mayno haddii shaqaalihii joogay la dhimayo ama la dareerinayo waxa weeye shaqo ayeynu abuuraynaa oo heshiiskani horseedaya. Sideed boqol iyo afartankaa qof heshiiska aanu DP World la gaadhnay waxa weeye inay sidoodaa u joogaan oo u shaqeeyaan waa  in la tabobara aqoontooda kor loo qaadaa, xirfadooda kor loo qaada qalabka iyo agabka casriga ah ee la keenayo lagu tabobaraa kuwo cusubna waa in la qoro marka dekedda cusub la dhiso. Qaranka Somaliland masuuliyadooda illaahay ayaa na saaray masuuliyadoona ilaahayna waa nagala xisaabtamaya dadkuna way nala xisaabtamayan, waxa aanu nahay xukumad doorasho ku timi oo aan xukunka boobin oo kalsoonidii ummadda haysata oo barina cod doonaysa oo dadka lexo-jeclo ka qabta, markaa dadka been u sheegi mayno”

nDaadihiya barnaamijka su’aalaha ayaa labada wasiir dhex dhigay su’aal ahayd qaab nooceeya ayey DP World Somaliland ku aaminaysa maadama oo aanay lahayn nidaamka xisaabaha caalamiga ah, waxana su’aasha ka jawaabay wasiir Maxamuud Xaashi waxana uu yidhi “Meesha ay dakedeenu ku taalo ayaa waxa ay u arkaan meel haddii ay sidaas u galaan wax wayni ka soo bixi karaan, markaa degaanka (location)  way ku dhiiranayaan maaha maal-gashigu timir xabaal taala nina xoolihiisa iskama lumiyo maluugo iyo hilaadin ayey leedahay ganacsigu iyo siyaasaduba marka ay hilaadiyeen waxa ay u arkeen in goobtani tahay meel wax laga soo dawlin (saari) karo, waa ta labaad sumcad fiican ayeynu leenahay waayo cid hore ismaynu qabsan  dad aynu dhacnay oo hore ma jiro buugeenu waa cad yahay markaa taa lafteedana waa la eegaya markaa lababadaa arrimood ayaa sabab u ah”

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa daaha ka rogay isla markaana cadeeyey in shirkada DP World aanay ahayn mid dhisaysa wadada laamiga ee u dhaxaysa Berbera iyo Wajaale balse ay dhisi doonaan dawladda Imaaraadku waxana uu yidhi wasiir Maxamuud Xaashi “Wadada “Laamiga” oo kale dawladda Imaaraadka ay dhisaysa ee shirkadu dhisi mayso shaqaalahan oo kale ee Dubai loo shaqo gaynayo dawladda Imaaraadka ayaa qaadaysa DP World maaha, beeraha qaarkood waxa aynu siinayna dhul iyagu ay beertaan oo ay wax kala soo baxaan dhulna inaga ayaa laynoo beerayaa oo laynaga caawinaya in aynu wax kala soo baxno, tamarta cadceeda ama dabaysha waxaa inaga ayaa laynaga caawinaya, waxa ka mid ah gaar ahaan gobolka Saaxil magaaladda Berbera shirkadda DP World waxa ay ka fulinaysa mashaariic horumarineed, caafimaadka, waxbarashadda waxaas oodhan. Tusaale ahaan dekedda Berbera deeq ayey siisaa iskuuladda iyo caafimadka waxa ay siin jirtay wax ka nusqaama ma jiro ee way u badinaysaa qaar cusubna way u dhisaysaa waayo in magacoodu xumaado ma doonayaan”

Ugu danbayn wasiir Maxamuud Xaashi ayaa dhankiisa ugu baaqay shacabka Somaliland inay taageeraan horumarinta Somaliland ee dhanka dekedda “Bulshadda Somaliland waxa aan ugu baaqaynaa da’yarta, aqoon-yahanadda, indheer garadka dhamaantood in heshiiska la soo dhaweeyo la taageero waxa wanaagsan in aynu soo jiidano weeyaan”

Wasiirka qorshaynta qaranka Cali Xuseen Ismaaciil Jirde (Cali Shoombe) ayaa isna ka jawaabay su’aalo soo noqnoqday oo laga waydiiyey dhanka cashuuraha iyo faa’iidka Somaliland uga soo xaroon doona maalgelinta DP world waxan uu yidhi  “Cashuurta dawladda ayaa uruurisa, dekedu sideedaba waxa ay qabata laba arrimood waxan la yidhaahdo adeega bedda oo haday tahay markab la soo xidhayo iyo mid la sii riixayo hawlaha noocaas ah iyo allaabta imanaysa in laga rogayo markaa waxan aynu ku galnay heshiisku kaa markaabita la soo xidhayo kuma jiro oo had iyo goor waxa lagu qiimeeyaa in boqolkiiba labaatan (20%) dakhliga ka noqonaya dekedda kaas inaga ayaa haysanayna oo waa Berbera Port Authority ayaa gacanta ku haynaysa oo marnaba maynaan bixinayn waxa aynu heshiiska ku galayna waxa uu ahaa alaabta soo degaysa Koontindharada iyo kaargooga loo maamulilaaha ama loo dejin lahaa, cashuurta wasaaradda maaliyadda ayaa leh kastamada ayaa leh oo. Adeega kordhaya iyo shirkadaha imanaya iyo ganacsatada wax badan kala soo degaysa cashuur dheeraada ayeynu ka qaadayna waxanu ka muuqan doonaa miisaaniyadda

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories