HomeWasiirrada Maaliyadda, Kalluumaysiga iyo Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha oo ka Warbixiyey Socdaallo...

Wasiirrada Maaliyadda, Kalluumaysiga iyo Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha oo ka Warbixiyey Socdaallo ay kaga soo laabteen Xeebaha Bari ee Dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirada Wasaaradaha Maaliyada,Kalluumaysiga iyo Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Somaliland ayaa shir Jaraa’id oo ay maanta ku qabteen xafiiska Wasaarada Maaliyada waxa ay faah faahin kaga bixiyeen Safar Mudo todoba Cisho qaatay oo ay ku soo mareen Qaybo ka mid ah Gobolada Bari.

Waxaa ugu horayn Shirkaasi ka hadlay Wasiirka Wasaarada Kalluumaysiga iyo Khayraadka Bada Mudane C.laahi Jaamac Cismaan (Geel-Jire), waxaanu sheegay in safarkaasi uu isugu jiray laba dhinac oo kala ah, Mid ku jahaysan Guud ahaan xaaladaha Xeebaha Bariga oo uu tilmaamay inay yihiin meelo ka Go’doon ah dhinaca jidadka islamarkaana ay ku adagtahay marida Baabuurta yaryar. Waxa kale oo uu tilmaamay in u jeedada kale ee socdaalkoodu ahayd sidii saddexda Hay’adood ee Wasaarada Kaluumaysiga, Maaliyada iyo Ilaalada Xeebaha oo Wadashaqayni ka dhaxaysaa u soo ogaan lahaayeen sida ay u socdaan Hawlaha shaqo ee Hay’adahani.

blankWasiirka Kalluumaysigu wuxuu sheegay in ay soo arkeen deegaan balaadhan oo wax soo saar badan laga samayn karo isla markaana ay ka soo bixi karto cashuur ka badan tii markii hore laga filayay,isagoo intaas ku daray inay isla qaateen in Miisaaniyada Sannadka 2013 ay Xukuumadu u qoondaynayso Mashaariic door ah oo taabanaya kaabayaasha nolosha .

Wasiirka Wasaarada Maaliyada ee Somaliland Mudane C.casiis Maxamed Samaale oo hadal dheer oo dhinacyo badan taabanaya ka jeediyay Shirkaas Jaraa’id ayaa tilmaamay in mudo todobaad ah oo ay socdaal ugu maqnaayeen deegaamada Gobolada Saaxil,Sanaag iyo Togdheer ay ku soo arkeen arrimo badan oo horumarka wadanka ka qayb qaadanaya,waxa uu Wasiirku xusay inay kulamo kala duwan la yeesheen Ciidamada Ilaalada Xeebaha, Maamulka,Waxgaradka iyo qaybaha bulshada ee jiidaha kala duwan ee Goboladaasi.

Mudane C.casiis Maxamed Samaale waxa uu iftiimiyay in deegaamadaasi ay ku soo arkeen arrimo badan oo qayb ka qaadanaya hawlaha dekhli kordhineed ee xukuumada dhexe ,isagoo intaas ku daray inay ku rajo weyn yihiin in dhaqaale badan uu ka soo xeroon doono deegaamadaas kala duwan ee ay kormeerka ku soo mareen.

Wasiirku waxaa kale oo uu sheegay inay ku kalsoon yihiin inay ka soo baxaan Odoroskii Miisaaniyad Sannadeedkan,waxaanu intaas ku ladhay in mudadii uu Xilka Wasaaradan hayay uu kor u kacay dekhliga ka soo baxa Ilaha Dhaqaalaha ee Wadanka, waxa kale oo uu wasiirka maaliyadu tilmaamay inay soo dardar galiyeen Dakhliga wasaarada Maaliyada oo meelaha qaarkood cashuurta la qaadaa oo hoosaysay.

Waxaa kale oo shirkaas ka hadlay Taliyaha Ciidanka Difaaca iyo Ilaalada Xeebaha ee Somaliland Admiral Axmed Aw Cismaan oo sharaxaad ka bixiyay Goobaha ay  Ciidamada Ilaalada Xeebuhu kaga sugan yihiin deegaamadaas ay soo mareen iyo sida ay u hanan karaan hawlaha  balaadhan ee ka saaran difaaca Xeebta Somaliland iyo baahiyaha ay rabaan in laga gacan siiyo waxa uu Taliyuhu intaas ku daray inay ku amaanayaan Ciidamadaas Hawlgalka ay Qaranka uga Mas’uulka yihiin.

Axmed Sheekh Cismaan waxaa kale oo uu sheegay inaanu badnayn Ciidanka difaaca ilaalada xeebuhu balse uu yahay sida uu xusay ciidan tayo leh islamarkaana u qaybsan saddex sal-Dhig oo kala Saldhiga Galbeed, saldhiga dhexe oo Berbera iyo saldhiga Bariga oo uu tilmaamay inuu yahay ciidan aad u feejigan.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories