HomeWasiirkii Saboolka Ahaa, Sannadbuu ku Taajiray!

Wasiirkii Saboolka Ahaa, Sannadbuu ku Taajiray!

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Duunyo dhaxal iyo miduu dhaqday midna ma jirin wuxuu ahaa sabool aan lahayn dhaqaale fiilooyin lagu bineeyo. Xisbiga kulmiye markuu talada dalka ku guulaystay waxa loo magacaabay Xoghayha Dawlada Hoose ee Berbera. Muddo sannad iyo sideed bilood ku simanbuu ahaa Wasiirk ku xigeen marba laba wasaaradood loo kala bedelay.

 
Wasaaradda hadda uu ku xigeenka ka yahay wuxuu xafiiskeeda jooga nususaac inku siman shaqaalaha wasraadana intooda badan ismabay baran, Waa wasiira u dhego nugul qasriga waxaana loo diro arrimaha u baahan furfurida deegaanka uu kasoo jeedo, shaqada wasaaradda uu ku ismanyahay waxa u dheer oo baal socota shaqo gaara. Aqoon iyo waayo aragnimo oo ku hago ummada ma jirto waxaan ka ahayn dhego nugayl qasriga uu fusho danaha leexsan ee deegaanka uu kasoo jeeda gala.

 
Wasiirku waa maalqabeen maanta wuxuu binaystay laba fiilo oo uu ka jeexday galbeedka Hargaysa, fiilo kalena wuxuu ka bineeyay waqooyiga Hargaysa, jagooyin banana iyo baloodho seesan ay u dheera, wuxuu aad uga fara qabsaday xilka qaranka ee xurmadiisu tahay xilgudasho iyo xannaano xatooyo la’aana. Qoyskii miyiga degenaa wuu soo magaaleeyay oo hadda wuxuu dejiyay dabaq.

 
Wasiirkani wuxuu aad uga faa’iday dilaal uu ka qaatay iibkii xaaranta ahaa ee Haamahii kaydka shidaalka Berbera, wuxu ka mid ahaa macal qabadkii dilaalay ee iibshay Haamaha,waa foolaadkii masuuliyiintii aan nasan ilaa maalinti u danbaysay. Sahankalena hadda wuu ku jiraa. dilaalidda uga dheef badan mushaharka yar ee aan ku filayn. Kelidi kama dheefine masuulyinbadan ayaa ka taajiray xaqul qalin iyo dilaalidda danta guud ee ummada ka dhxaysa.

 
Xukuumadeenani waxay noqotay xaraasha aan reebayn baloodho, dhulkii hore u galbaday waxa ka daran meelaha sahankoodi lagu maqanyahay ee hadda la wado qorshayaashi lagu xaraashi lahaa, dhaxal wareega sidan ahi wuxuu halis ku yahay mustqablka jiilka soo kacaya oo dhaxli doona dawlad kiro gasha oo aan lahayn baloodh danguuda oo dadka loogu adeego.
Waxa u furan majlisyo laga ammaano oo xerta la dhinaca ahi ku barjeeyaan, marfashyadaa waxa ku baxa kharashbadan oo u qabysan qayil, biyo iyo sharaab. Waxa la raqayaa oo majliska lgu budlinayaa cashuurta masaakinta bacadka fadhiista. Mararka xaaladaha guulwadayntu jiraan marfashyadaasi waa mashquul dadbadani kusoo qulqulan oo aan lagu kala bixin jabane ilaa biyo raacsi.

 
Wasiirka hantida aanu hore u lahayn ee aanu tabcan dhistay musharkiisa waynu wada ognahay ma dhaafsiisna nololmaalmeedkiisa iyo kharashaadka uu galo bisha, shaxaadka iyo inta ku daba nool ee uu u masruufo si dadban xaddi malaha, musharahkiisa haddu urursho sannad hantida uu dhistay iyo dhulka uu seestay ma dhisan karo. Wuxuunbuu ka dhisan karaa boobka iyo musuqa cashuurta iyo danta guud ee ummada.

 
Musuqaa muuqda ee aan qarsoonayn kelidii maaha ragbadan oo xil hayaa la mida oo intaa in ka badan ka xantoobsaday cashuurta ummada, imisa Masuul ayaad garanaysaa oo aan lahayn duunyo hore oo maanta fooqyo iyo fiilo kala jidan cashuurta ka binaystay, darbaa intay dhaafeen dalka dibadaha daaro ka iibsaday oo cashuurta ummada saro dhaadheer cari kale samaystay.

 
Masuuliyadu maaha maal urursi iyo cashur boobid, xilka qaranku ma mudna in lagu xado ummada oo lagu boobo cashuurta iyo hantida ummada ka dhaxaysa, maamulkeeni iyo masuuliyadda dawladnimo waxay noqotay madal macaash oo laga dheefo dhaqaale, masuul kasta oo la magacaabo mudo kooban ayuu isku bedelayaa nolol ahaan oo uu boobayaa cashurta ummada, guryo aanu lahayna la sheegaya inuu dhistay. Waxa loo baahanyahay masuuliyad loogu adeego ummada dayacan.

 
Maxamed Sidiiq Dhamme
Msadiiq1@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories