HomeWasiirkii Lixaad oo Goor-Dhawayd iska Casilay Xukuumadda Kulmiye iyo Sababaha ku kallifay

Wasiirkii Lixaad oo Goor-Dhawayd iska Casilay Xukuumadda Kulmiye iyo Sababaha ku kallifay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Prof Faarax Cilmi Geedoole, ayaa mar-dhawayd ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayey xukuumadda madaxweyne Siilaanyo.

Wasiir Geedoole oo noqonaya Wasiirkii Lixaad marka laga reebo wasiir ku xigeenada ee 48-kii saacadood ee u dambeeyey iska casila xukuumada madaxweyne Siilaanyo marka laga yimaaddo Wasiir ku-xigeennada iyo Agaasimeyaasha is-casilay, waxa uu go’aankiisa is-casilaadda ku sheegay inuu xidhiidh la leeyahay khilaafka ka taagan murashaxnimada Xisbiga Kulmiye.

wasiirka-beeraha-somaliland-geedooleWasiir Geedoole oo ka mid ah siyaasiyiinta shaaciyey inay u taagan yihiin murashaxnimada madaxweyne ku-xigeenka ee xisbiga Kulmiye, kana mid ahaa garabka wasiirrada shalay is-casilay, waxa uu sheegay inuu xilka wasaaradda uga tagay inuu u madax-bannaanaado ololaha murashaxnimadiisa Xisbiga Kulmiye.

Geedoole oo khadka tilifoonka ugu waramayey telefishanka Star ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Maanta oo salaasa oo bisha oktoobar tahay 27 waxaan halkan ka cadaynayaa oo aan codkayga idiinku soo gudbinayaa in aan xukuumadda Kulmiye maanta iska casillay xilka wasiirka waxbarashada, aniga oo mahad iyo karaamo ugu haya madaxweynaha iyo marwada qaranka intii aan la shaqaynayey sida karaamada iyo ixtiraamka leh ee aannu u wada soconay. Hawshanna(iscasilaadda) mid xagooga ka timiday maaha laakiin hankayga siyaasadeed 00 ah in aan isku sharaxo madaxweyne ku xigeen culayskana ka jiro xaga xisbiga Kulmiye iyo xaga madaxweyne ku xigeenka waxaan maanta ku qanacsanahy in aan masuuliyaddii ka daadago”

Mudane Geedoole mar uu ka hadlayey in aannu cidna ceeb iyo cambaarayn u hayn ayaa waxa uu yidhi “ILLAAHAY baa mahad leh cid aan ceeb ku sheegayaana ma jirto illaahay baa taana og oo sharaf iyo wanaag mooyee wax kale oo aan ogahay ma jiro, sidaa darteed waxaan leeyahay si khayr leh Alle ha innooga dhigo”

Somalilandpost, Hargeysa Office.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories