HomeWasiirkii Hore ee Xidhiidhka Goleyaasha oo Dedafeeyey Sababihii uu madaxweyne Siilaanyo Xil-ka-qaadistii...

Wasiirkii Hore ee Xidhiidhka Goleyaasha oo Dedafeeyey Sababihii uu madaxweyne Siilaanyo Xil-ka-qaadistii u Cuskaday

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Boorama (SLpost)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda xidhiidhka Golayaasha, Tiknoologiyada iyo Cilmibaadhista Md. Aadan Axmed Warsame, ayaa iska fogeeyey sababo Madaxwayne Siilaanyo u cuskaday xil-ka-qaadis uu ku sameeyay todobaadkan, waxaanu ku tilmaamay mid la buun-buuniyay xaqiiqdana baal-marsan.

Wasiirkii hore ee xidhiidhkaDigreetada uu Madaxweyne Siilaanyo xilka kaga qaaday Wasiirkiisii hore ee Xidhiidhka Goleyaasha, ayaa noqonaysa markii u horreysay ee madaxweynuhu sababeeyo xilka-qaadis uu ku sameeyo golihiisa wasiirrada tan iyo markii uu hoggaaminta talada dalka la wareegay bishii July ee sannadkii 2010-kii, isaga ku xusay digreetada inuu xilka uga qaaday sababo la xidhiidha xil-gudasho la’aan, baylah iyo cabashooyin la xidhiidha hawlaha uu qaranka u hayo oo dad badani uga gudbiyeen.

“Madaxwaynuhu waa masuulkii qaranka, wuu ku mahadsan yahay xilka uu ii dhiibay, xilka qaadistuna waa hawl uu isagu awood dastuuri ah u leeyahay, mana diidani in uu xilka iga qaado, oo waan soo dhawaynayaa, balse waxa aan ka biyo-diiday oo aan gebi ahaanba waxba kama jiraan ku tilmaamayaa sababaha uu u cuskaday xil ka qaadistayda,” Sidaa waxa yidhi Aadan Axmed Warsame, wasiirkii hore ee Xidhiidhka Goleyaasha oo warbaabinta qaarkeed u warramay.

“Madaxwaynaha xidhiidh wanaagsan ayaa naga dhexeeyay, haddii ay cabasho iga dhan ahi u timi waxa ay ahayd si ay u sugnaato cadaaladda arinta uu ka gar naqayaa, in uu anigana ii yeedho oo wax iga waydiiyo, mase qaadin talaabadaas, iima yeedhin, waxna igama waydiin waxa la igaga cabanayo, waxa uu ku go’aan qaatay hal dhinac, gabi ahaanna cabashooyinkaas iga dhanka ahaa ee uu Madaxwaynuhu dhegaystay waa kuwo la buun buuniyay oo xaqiiqda ka fog, sidoo kalena aan sal iyo raad midna lahayn,” ayuu yidhi.

Wasiirkii hore ee Xidhiidhka goleyaashu waxa uu faahfaahin ka bixiyey sababaha xil-ka-qaadistiisa soo dedejiyey iyo khilaaf dhexmaray madaxda kale ee Wasaaradda, waxaanu yidhi,  “Marka aan ka xog waramo sida ay wax u dheceen waxa ay ahayd in Agaasimaha Guud ee Wasaarada aan masuulka ka ahaa ee maalintaas ku dacwooday inuu na dhex martay gacan-ka-hadalku uu isaga oo cadhaysan, fidno iyo dagaalkana la socda uu xafiiskayga isa soo hor taagay, markii askarigii xafiiska hor fadhiyay oo diiday inuu gudaha u gudbana uu isla askarigii la dagaalamay, oo nabaro gaadhsiiyay, taasi waa marag ma doon, waxana ay dhakhaatiirtu cadaysay in askarigii uu la dagaalay ninka Agaasimaha ah ee fidnada waday uu ilkaha wax ka qabo, waana joogaa askarigii, oo waad waraysan kartaa, mana jirin maalintaasi wax na dhex maray aniga iyo Agaasimaha dacwada beenta ah nagu soo oogay, marka laga reebo in aan anigu hore shaqo joogin ugu sameeyay kadib markii aan arkay in xilka iyo masuuliyada Wasaarada ee isagu uu u xilsaarnaa uu ku fashilmay, khilaafna uu na dhex maray, Madaxtooyaduna aanay isku dayin inay na dhex gasho oo ay khilaafkaasi dhamayso.”  

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories