HomeWasiirkii Hore ee Xannaanada Xoolaha Dr. Idiris Ibrahim oo Hargeysa ku Geeriyooday

Wasiirkii Hore ee Xannaanada Xoolaha Dr. Idiris Ibrahim oo Hargeysa ku Geeriyooday

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 27 January, 2012 (SLpost)- Wasiirkii hore ee wasaaradda xanaanada xoolaha Dr. Idiris Ibraahim Cabdi ayaa maanta lagu aasay magaalada Hargeysa ka dib markii uu xalay dhiig madaxa kaga furmay uu u geeriyooday.

blankAlle ha u naxariistee Dr. Idiris Ibraahim Cabdi waxa ahaa xilka Wasiirka xanaada xoolaha ahaa 2003-dii illaa 2010-kii, waxaanu ahaa dhakhtar xoolaha ah oo muddo badan ku soo jiray mihnada dhakhtarnimo ee caafimaadinta xoolaha.
Marxuum- Idiris Ibraahim Cabdi waxa uu xiligan ka mid ahaa Garabka Xisbiga UDUB ee uu hoggaamiyo Ku simaha Guddoomiyaha ahna Gudoomiye Ku xigeenka xisbigaasi Md. Axmed Yuusuf Yaasiin.
Waxa kale oo uu ka mid ahaa siyaasiyiinta xisbiga UDUB ee u olalaynayay murashaxa lagu kala qeybsan yahay ee Jamaal Cali Xuseen oo Garabka Axmed Yuusuf Yaasiin u doorteen inuu noqdo murashaxa xisbigooda ee u tartami doona jagada madaxweynaha doorashada madaxtooyada ee soo socota.

Ku simaha Guddoomiyaha Gudoomiyaha xisbiga UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasiin,ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, qaraabadii iyo bahweynta xisbiga UDUB ee uu ka baxay, waxaanu marxuumka ILAAHAY uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo qoyskiisiina samir iyo iimaan ka siiyo.

Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka WADANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa tacsi u diray ehelkii, qaraabadii, bahweynta Xisbiga UDUB iyo dhammaan shacbi weynaha Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Dr. Idiris Ibraahim Isaga ooo Marxuumka Alle uga baryey inuu naxariistii Janno ka waraabiyo.

Sidoo kale waxa dhambaalo tacsi ah u diray qoyskii Dr. Idiris Ibraahim Cabdi Guddoomiyeyaasha xisbiyada KULMIYE iyo UCID Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Md. Faysal Cali Xuseen, waxaanay marxuumka ILAAHAY uga baryeen inuu naxariistii jano ka waraabiyo qoyskii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories