HomeWasiirkii hore ee Warfaafinta oo maanta la wareegay Wasaaradda Hawlaha Guud iyo...

Wasiirkii hore ee Warfaafinta oo maanta la wareegay Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Weedhihii Madasha laga jeediyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 20 March, 2012 (SLpost)- Wasiirkii Hore ee wasaaradda Hawlaha guud iyo guryaynta Prof Ismaaciil Muumin Aare ayaa maanta xilkii wasaaradaasi si rasmi ah ugu wareejiyey wasiirka Cusub ee wasaaradaasi Md  Axmed Cabdi Xaabsade.

Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday xarunta Hay’ada shaqaalaha Dawlada ayaa waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda oo ay ka mid yahiin wasiirka wasaaradda ganacsiga Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Wasiirka wasaaradda Beeraha Faarax Cilmi Geedoole, xildhibaano ka tirsan labada gole  iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda hawlaha guud Cali Cabdi Saa’iq oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey qaab dhismeedka wasaaradda, shaqaalaha wasaaradda oo uu tiradooda ku sheegay 167 qof, mashaariicda iminka socda ee  ay ka  wada hawlgalaan dawlada Somaliland iyo Hay’adaha Caalamiga .

Wasiirkii Hore ee wasaaradda Prof Aare oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in wasaaradu tahay wasaarad farsamo iyo dayactir ah isla markaana ay mas’uuliyadda wasaaraddu tahay mid balaadhan una baahan in la daboolo dhamaan qorshayaasha aasaasiga ah ee ku qotoma barnaamijka wasaaradda iyadoo laga duulayo ayuu yidhi balanqaadadii xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo )ee ku wajahnaa hagaajinta iyo dhismaha waddooyinka.

Mudane Aare waxa uu xusay in mudadii uu xafiiska joogay la diyaariyey siyaasadda qaran ee dhinaca dhulka , xeer hoosaadyada gudida qaranka ee dhulka, xeerka nadaamiyayaasha dhismaha iyo kaabayaasha adeegyada dhulka, qorshayaasha qaab dhismeedka xafiisyada qorshayaasha iyo magaalaynta.

Wasiirka cusub ee wasaaradda Hawlaha guud Mudane Axmed Cabdi Maxamuud Xaabsade oo madashaasi ka hadlay ayaa sheegay in xilkan loo magacaabay uu yahay mid balaadhan isla markaana uu ugu diyaargaroobayo sidii uu uga soo bixi lahaa .

Mudane Xaabsade waxa uu ku sifeeyey wasaaradda Hawlaha guud inay tahay Hooyadii Dawladda, waxana uu u mahadceliyey wasiirkii hore wixii uu ka soo qabtay iyo halkii uu hiigsanayey.

Wasiirku waxuu sheegay in shaqaalaha wasaaraddu ay u diyaargaroobaan inay shaqadooda wataan isaguna uu diyaar u yahay inuu ku taageero qof kasta oo shaqaale ah shaqadiisa, waxaanu ku adkeeyay in lagu dhaqmo sharciga.

Munaasabadaasi oo ay goob jog ka ahaayeen shaqaale weynaha wasaaradda waxaa kaloo ka hadlay mas’uuliyiin ay ka mid yahiin wasiirka wasaaradda ganacsiga, Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Agaasimaha guud ee wasaaradda hawlaha guud Shariif Libaax iyo mas’uuliyiin kale.

somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories