HomeWasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland oo ku Baaqay in Tallaabo laga qaado...

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland oo ku Baaqay in Tallaabo laga qaado Afar Kooxood oo Khiyaamo Qaran ku kacay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi Raage, ayaa baaq ku aaddan Doorashada Soomaaliya iyo shaqsiyaadka magaca Somaliland kaga qayb-galay u diray Xukuumadda, Goleyaasha Sharci-dejinta iyo Hay’adaha Dowliga ah ee ay ku khuseyso.

Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa qoraal uu warbaahinta ugu talo-galay ku soo bandhigay cadaawadda iyo dagaalka Soomaaliya kula jirto Somaliland, waxaanu hay’adaha ay khuseyso ugu baaqay in tallaabo sharci oo dambiga ay dalka ka galeen khuseeya laga qaado shaqsiyaadka ka qayb-galay doorashada Soomaaliya iyagoo sita magaca Somaliland.

blankEx-Wasiir Yuusuf Maxamed waxa uu qoraalkiisa ku bilaabay:- “Sida aynu kala socono warbaahinta kale duwan ee ka hawl gasha dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya, waxay ku hawlan yihiin doorasho ku sheeg la soo dhoodhoobay oo ay ku andacoonayaan inay ku metelaan dhulka iyo dadka Jamhuuriyadda Somaliland. Taas oo ah mid gef ah, been abuur iyo meel ku dhaca ku ah shacab-weynha, iyo qaranka JSL oo iyagu si xor iyo xalaal ah u doortay Golaha Wakiiladda ee qarankani leeyahay oo Maantana uu Gudoomiye ka yahay Mudane, Gudoomiye C/risaaq Khaliif Axmed.

Haddaba, Waxaan fariin xanbaarsan Warka ah Arrintan ah ka been sheegida , la wadaago, kuna baraarujiyo Xukuumada iyo Bulshada Reer Somaliland Guddo iyo Dibedaba in Dawladda ku sheega Aduunku ku siiyo masaariifta Villa Soomaaliya ay sii laban laabeen cadaawadoodii ay u hayeen shacabka iyo Qaranka JSL, oo ay maanta marayaan in Xulasho ku sheeg loo eekeysiiyay looguna yeedhay doorasho; balse aan ahayn doorasho aan laguna metelina sineba Bulshadda Reer Somaliland. Sida aduunka oo dhami ay ogaayeena kana markhaati kaceen in Umadda Reer Somaliland galeen doorasho is-barkan oo u dhacday si daahfuran oo ayna ku tilmaameen kagana warbixiyeen gaar ahaan Jimciyadda Quruumaha ka Dhaxaysa “UN REPORT”, iyo Goobjoogayaashii indhahooda ku arkay ee ka kala yimi daafaha aduunka oo dhan in Doorashadii JSL ahayd mid u dhacday si xor, xalaal, iyo sharaf ah  gayiga Somaliland oo dhan ( Free, Fair, and Credible Election).

Sidaa darteed, waxaan fariin iyo baaq wada socda u dirayaa Baarlamaanka Somaliland ( Golaha Guurtida, & Golaha Wakiilada), Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Arrimaha Dibeda, Sirdoonka Qaranka, Komishanka Doorashooyinka ee JSL, iyo Golaha Salaadiinta, Boqorada, Garaadada, iyo Cuqaasha Somaliland in talaabo adag laga qaado kooxda ku dhaqaaqday khiyaamo qaran oo cid kastabaa ka gudato wajiibkeeda kaga aadan isla markaana dabarkii iyo xeerkii wax fudadaynayna si dakhso ah loo bedelo. Afarta kooxoodna si dakhso ah wax looga qabto kuwaas oo kale ah sidan hoos ku xusan:-

  1. Kooxda leh waxaanu nahay komishan doorasho oo metela Somaliland.
  2. Xubnihii AFKA IYO Wajiga Duubtay ee yidhi waxaanu nahay Salaadiin, boqoro, Garaado, iyo Cuqaal ee dhaqankii umadani lahayd ka been sheegay.
  1. Xubnihii u soo banbaxay Xulashadan, ee iyagu lahaa waxaanu u tartamaynaa aqalka sare, kii helay iyo kii laga helayba.
  1. Siyaasiyiinta abaabulayay hawshan ee horena u lahaa waxaanu metelnaa JSL.

Waxaan kale oo talo u soo jeedinayaa Dawladdaha lacagta ku bixinaya xulashadan sida indho la’aanta ah uga socota Xamar, iyo xafiiska iyo ergayga u ah u qaabilsinaha QM  “UN ESPECIAL ENVOY FOR SOMALIALND AND SOMALIA” Somaliland & Somalia  in ay ka waantoobaan faro-gelinta aan dharka loo xidhin ee lagu hayo shacab iyo dawladdan JSL ee tashaday ahna Dal Gaar ah oo ay dhan yihiin dhamaan shuruuduhihii dal madaxbaani lahaa “Independent Sovereign State”, oo sanadka soo socdan gali doonaa haddii allaah idmo doorashooyinkoodii u qorshaysnaa, oo  Shacabka, Axsaabta Qaranka oo isku duuban ka qaran ahaan ku loolami doonaan. Cidii kale ee horumarka iyo dimuqraadiyaddan mucjisadaha ah ee ka hirgashay JSL Sii gaamurinteedan wax nagala qabatana waanu u mahad naqaynaa una hayn doonaa abaalkaas.

Waxaan ku soo afmeerayaa Maansadii Abwaan, Mujaahid. Hadraawi lahaa ee Sirta Nolosha beytat ka mid ah:-

Garashadu Sahraay Ruuxa
Sed u Gaara Weeyaane
Haduu Saamigaas  Yeeshay
Qurux ma leh Saluuggeedu
Dadku Siiga Dida Maaha
Sogob iyo Ri’Weyn Maaha
Sumal iyo Laxdiis Maaha
Rati iyo Sabeen Maaha
Falka  iyo Sugnaantiisa
Socodkiyo Abbaartiisa
Dhaqan Sida Xishoodkiisa
Dabar iyo Silsilad haysa
Iyo Suun Ma Dhaafaan ah
Wuxuu Soofka Xoolaaba
kaga Soocan Yahay Weeye
Waxaan uga Socda Heedhe
Naftu Seeto Yey Waayin.

Ninku Qaday Sahraay Tiisa
Hadduu Seed Liqliqiddeeda
Ku Saruurad Goyn Waayo
Subag iyo Baruur Doono
Siduu Jecelyahaa Been ah.

GUUL, NABAD, HORUMAR,WADAJIR, IYO GOBONIMO

ALLAAH MAHAD LEH

Yuusuf Maxamed Cabdi Raage

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories