HomeWasiirkii Hore ee Maaliyadda oo maanta Xilkii ku wareejiyey Wasiirka Cusub, Xaddiga...

Wasiirkii Hore ee Maaliyadda oo maanta Xilkii ku wareejiyey Wasiirka Cusub, Xaddiga Lacagta khasnadda ku jirta ee uu ku wareejiyey iyo Dardaaran Dhaxal-gal ah oo uu ku sagootiyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 19 March, 2012 (SLpost)- Wasiirkii Hore ee Wasaarada Maaliyada Inj Maxamed Xaashi Cilmi ayaa Maanta si rasmi ah xilkii ugu Wareejiyay Wasiirka Cusub  ee dhawaan Xilkaas loo Magacaabay Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale isla markaana cadeeyay inuu khasnada dawlada kaga tagay Lacag ku dhow 14 Milyan oo dollar.

Munaasibada Xil-Wareejinta oo lagu qabtay xarunta Wasaarada Maaliyada ayaa waxaa ka qayb galay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed, Gudoomiyaha Baanka Dhexe Cabdi Dirir Cabdi, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada iyo Madax kale oo tiro badan.

blankWasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyada Inj Maxamed Xaashi Cilmi oo madashaasi ka hadlay ayaa ka waramay duruufihii adkaa iyo khasnadii maamul ee ay ka dhaxleen xukuumadii ka horaysay  taas oo ay kaga dabaasheen sida uu sheegay dadaal aan hagrasho lahayn oo ay maamulka iyo Shaqaalaha Wasaaradu iska kaashadeen. Waxa uu Wasiirkii Hore ee maaliyadu is barbar dhig ku sameeyay Miisaaniyadii ay dhaxleen iyo ta uu ka tagay farqiga u dhexeeya waxaanu iftiimiyay in korodhka Miisaaniyadu ay dhamayd Sannadkii tagay 75.5%, halka ay Miisaaniyada Sannadkana ku talo galkeedu  yahay in la gaadho 106% Boqol Iyo Lix boqolkiiba, iyadoo ay ka maqan yihiin dhamaanba hantida dawlada oo aanay diiwaangelin balse ay ku soo koobeen dakhli iyo Kharash isu dheelitiran .

Inj Maxamed Xaashi Cilmi waxaa kale oo uu ka hadlay guulaha ay gaadheen mudadii uu Xilka Wasaaradaasi hayay waxaanu tusaale u soo qaatay  korodhsiimaha Boqolkiiba boqol-ka ahaa ee ay u sameeyeen Mushaharka Shaqaalaha iyo Ciidamada Qaranka isagoo sheegay inay ku hawlanaayeen sidii ay mar kale kor ugu soo qaadi lahaayeen daryeelka Shaqaalaha iyo Ciidamada taas oo aanu ku darnay ayuu yidhi Miisaaniyada Qaranka ee Sannadkan 2012-ka, Wasiirkii hore ee Maaliyadu waxaa kale oo uu sheegay inay ku guulaysteen markii u horaysay Taariikhda Somaliland in Lacagtii Giinbaarta ahayd oo marar badan Miisaaniyada Qaranka lagu soo daray ay u suuro gashay inay kal hore ka bedelaan ,Waxa uu Wasiirkii hore ee Maaliyadu ka hadlay oo kale Mashaariic kala duwan oo ay wasaaradiisu xudun xidh u ahayd inay dalka ka hirgalaan,isagoo intaas ku daray in aanay jirin Wax dayn ah oo uu kaga tagay xilkan uu Wareejiyay.

Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu kula dardaarmay Wasiirka Cusub ee beddelay inuu ku dedaalo daryeelka shaqaalaha iyo ciidamada si ay miisaan ugu yeeshaan ayuu yidhi inay ka soo dhalaalaan waajibaadka ay qaranka u hayaan. Waxa kale oo uu sheegay in haddii nolosha shaqaalaha dawlada la daboolo ay arrintaasi keenayso in ay meesha ka baxdo Musuq Maasuq iyo Wax is daba marin.

blankInj Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu Shacbiga Somaliland kula dardaarmay inay bixiyaan cashuuraha ku waajibay si waxqabadka ay rabaan loogu hirgaliyo isla markaana ay dawladu kula xisaabtamaan halka ay martay Cashuurtii ay bixiyeen.

Wasiirka Cusub ee Wasaarada Maaliyada Mudane C.Casiis Maxamed Samaale oo madashaasi ka hadlay ayaa u mahadceliyay Wasiirkii hore ee uu bedelay oo uu ku amaanay doorkii uu ka qaatay kobcinta dhaqaalaha qaranka waxaanu ka codsaday shaqaalaha kale ee Wasaarada Maaliyadu in si wanaagsan oo daacadnimo ku jirto ay ula shaqeeyaan.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilad Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi “Cirro” ayaa ilaahay uga baryay inuu u fududeeyo wasiirka cusub oo ay mudo badan Saaxiib ahaayeen wada shaqayn dheerna ka dhaxayso mas’uuliyada balaadhan ee loo igmaday.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories