HomeWasiirkii hore ee Maaliyadda oo ka hadlay Saamaynta Qabyaaladdu ku leedahay Qaranimada...

Wasiirkii hore ee Maaliyadda oo ka hadlay Saamaynta Qabyaaladdu ku leedahay Qaranimada iyo sida Qabiilku cadowga ugu yahay Qaranimada

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, 14 April, 2012 (SLpost)- Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa ka deyriyey hagar-daamooyinka ay qabyaalladu u horseeddo Qaranimada isla markaana tilmaamay faraqa u dhexeeya kaalinta debeqaadda Qabyaaladda ee wakhtiyadii hore ee Aqoontu ku yarayd dadka iyo wakhtigan oo si ballaadhan aqoonta, isaga oo carrabaabay in Qabiilka iyo Qaranku aanay ahayn laba wada shaqayn kara.

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo ka hadlay Munaasibad loogu magac-daray CAWEYSKA HOGGAAMINTA HABBOON IYO HAL-DOORKA DHALINTA HARGEYSA sooNA agaasimeen ururka UNUGGA WADANIYADDA SOMALILAND oo xalay lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa isla markaana ay Keligii ku soo casuumeen munaasibadda si uu uga warramo waayo-aragnimadiisa siyaasadeed, waxa uu ka warramay mudadii uu xilka hayey horumarkii uu gaadhay dhinaca maaliyada iyo cashuur soo ururinta.

Wasiirkii hore maaliyadda Somaliland Eng; Maxamed Xaashi ayaa ka waramay sooyaalkii taariikheed ee Somaliland soo martay, iyo wakhtigii gobonimo doonka ee lixdankii sida ay u shaqaynayeen bulshadii ku dhaqnayd Somaliland iyo sida ay uga fogeyd qabyaaladda, isagoo tilmaamay in dawlada Ingiriiska ay madax banaanidda ka qaateen uu ku yimid isku duubnimada iyo qaranimadda shacabkii wakhtigaasi noolaa oo uu sheegay in aanay qabyaaladdi ka jirin, waxaanu sheegay in wakhtigan oo wax la bartay oo aqoonyahano la yahay dib loogu noqday qabyaaladdii.

 “Qaran iyo Qabiil meel ma wada fadhiistaan, marka  aad eegto kalmada Qaran wuxuu isu keenaa dadka  oo wuu  soo ururiyaa, qabiilkuna waa wax kala kaxeeya oo dadka oo reer reer u kala shiraya iyo tafaaruq ayey tahay, waxaan tusaale usoo qaadanaya gumaysigii dalka xukumayey, xisbiyo ayaa jira, waxa ay isticmaali jireen arin qaran oo isku keena, ingiriiska sidii bay ku saareen, marka aad eegto maanta, ingiriisku wuu ka xoog badnaa dawladihii aanu soo marnay, hadana wuu heyn kari waayey ummad isku duuban,”ayuu yidhi wasiirkii hore ee maaliyadda.

Maxamed Xaashi waxa kale oo uu ka hadlay in wakhtigii ingiriiska Hargeysa laga doortay nin aan reer Hargeysa ahayn markiii dambana la doortay nin ka mid ah beelaha la haybsooco, taasina ay cadaynayso in wakhtigaasi aan qabyaalad wax lagu dooran jirin ee qofka waxa uu yaqaan lagu xulan jiray.

blank“israaci Soomaaliya Qiimo weyn ayey inagu taagnaa, waxa aanu ku galnay isku darkii in caasimaddu noqoto Muqdisho, madaxweynuhu noqdo Soomaliya, Ra’isal wasaaruhu noqdo, wasiirka Arrimaha dibadda, arrimaha gudaha, Maaliyadda, labadda taliye ciidan uu noqdo soomaaliya, intaas bay isku wada raacsadeen ayaaanu la galnay sida soomaalinimada u jecleen ayey daliil u ahayd,” ayuu Eng. Maxamed Xaashi hadalkiisa raaciyey.

Wasiirkii hore maaliyaddu waxa uu tilmaamay dhibaatadda ay leedahay qabyaaladu waxaanu sheegay in qabyaaladdu tahay eex iyo cadaalad daro, waxaanu dhalinyarada kula dardaarmay inay ka fogaadaan qabyaaladda.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories