HomeWasiirkii Hore Ee Hawlaha Guud Oo Xukuumadad Ku Dhaliilay Sababta Ay Uga...

Wasiirkii Hore Ee Hawlaha Guud Oo Xukuumadad Ku Dhaliilay Sababta Ay Uga Aamustay Dhawaaqii Jeneral Galaal

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SL.Post) Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed, oo ka mid ahaa Masuuliyiintii iska casilay xilka Wasiirnimo haddana ka mid ah masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa dhaliilo u soo jeediyey Xukuumadda, waxaanu sheegay inay ceeb iyo ayaan daro u tahay Xukuumadda inay ka aamusnaato General Galaal oo dalka ku sugan oo sheegay inuu midnimada Somaliya u arko muqadas.

wasiirka-hawlaha-guud1

Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo Wargeyska Geeska Afrika oo aanu warkan ka soo xiganay wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale ka hadlay abaaraha dalka ka jira, waxaanu sheegay in Xisbiga Waddani kaalin weyn ka qaatay, dadkiisa dhibaataysana uu dhibka la qaybsaday, wixii uu tari karana uu taray, waxaanu isagoo ugu horayn ka hadlaya sida uu u arko hadalkii Jeneral Galaal uu yidhi  “Waxa ayaan daro ah, oo qaranimadeena iyo jiritaankeena gef ku ah in General Galaal oo dalka ku sugan in dalkeena dhexdiisa ka yidhaahdo waa in nidaamkii Federalka la qaataa, oo Somaliland iyo Somaliya isku noqdaan, waxaana meel ka dhac ah in ilaa hadda aanay Xukuumaddu ka hadal, horena waxa loo yidhi maroodigu takarta saaran ma arko ee ta kale ayuu arkaa ee Xukuumaddu iyo Xisbigeeda Kulmiye inta ay ku meeraysanayaan waxna ka sheegayaan Ragga muwaadiniinta ah ee dalkooda ku soo noqonaya, kana soo noqday mab’doodi, ha ka hadlaan masuuliyiinta xilalka qaran hayey ee Somaliya tagay”.

Mar aanu wax ka weydiinay inay Xukuumaddu doonayso muddo kordhin dambe iyo Doorashada oo dib u dhacda wuxuu ku jawaabay “Maanta wakhti Doorasho  lama joogo, waxaynu ku jirnaa wakhti adag oo u baahan inaynu dadkeena u gurmano, mana haboona in lagu marmarsoodo muddo kordhin iyo dib u dhac ku yimaada Doorashada.”

Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud mar uu ka hadlaayey Abaarta ayaa yidhi “ILLAAHAY waxaynu weydiisanaynaa in abaarta iyo dhibaatada inuu inaga soo jabiyo, gurmad kasta oo la galo oo dadka loogu gurmado ku filaan maayo,waxaana mar kowaad, mar labaad iyo mar saddexaad iyo mar kastaba baryeynaa ILLAAHAY, oo aynu ka baryeynaa inuu abaartan inaga dul qaado, raxmaadka iyo nimcada ALLE ayuun baa ina deeqi kara, waxaana Mucaarad iyo Muxaafidba leeyahay u gurmada dadkiina”.

Dhinaca kale  wuxuu sheegay in Xisbiga Waddani uu gurmadka dadka ay abaaruhu hayaan uu kaalin wey ka qaatay, isla markaan Gobolada ay abaaruhu sida xun u samayeen ay tageen, dadkana wixii ay tari karaan soo tareen, ilaa haddana uu Xisbiga Waddani hil iyo hooba dadkiisa la garab taagan yahay, waxaanu ILLAAHAY ka baryey inuu abaarta inaga soo jabiyo , waxa kale oo gef iyo meel ka dhac ku tilmaamay hadalkii ka soo yeedhay Safiirka Turkiga ee uu ku sheegay in wada hadaladu ku saleeysan yihiin midnimo.

 

Somalilandpopst.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories