HomeWasiirkii Hore ee Ciyaaraha oo Xukuumadda ku booriyey inay Firfircoon ku Debeqdo...

Wasiirkii Hore ee Ciyaaraha oo Xukuumadda ku booriyey inay Firfircoon ku Debeqdo Hawl-galkeeda nabadeynta Deegaamada Galbeedka dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Cabdi Siciid FaahiyeHargeysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Dhalinyarada Ciyaaraha Somaliland Cabdi Siciid Faahiye, ayaa Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inay wax ka qabato qul-qulatooyinka Amni ee ka taagan galbeedka Somaliland, gaar ahaan degmada Xariirad ee Gobalka Salal oo habeen saddexaadkii gudaha magaaladaas ay dabley hubaysan ku dileen marxuum ku dhex ganacda magaaladaas, kaas oo dilkiisa lala xidhiidhiyey Aano hore u dhexmartay labada beelood ee deegaankaas wada dega.

Cabdi Siciid Faahiye oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa, waxa uu ka deyriyey xaaladda ammaan ee Ciyaartoygii tartanka gobollada dalka u metelayey gobolka Selal, kuwaas oo awoodi waayey inay ka gudbaan deegaannada ay shaqaaqadu ka dhacday.

Cabdi Siciid waxa uu sheegay inaan ilaa immika la qaban shir loogu ballamay in Xukuumada iyo madax-dhaqameedka Gobolka Selal isugu yimaaddaan si looga wada-hadlo khilaafkii ka dhashay doorashadii Golaha degaanka ee dabayaaqadii sannadkii hore dalka ka dhacday, iyada oo muran beelaysan ka dhashay natiijadiika ka soo baxday doorashadii degmada Saylac.

Wasiirkii hore ee wasaaradda Ciyaaraha xukuumadda Kulmiye, waxa uu ugu horreyn xukuumadda u jeediyey baaq ku aaddan shaqaaqada ka aloosan degmada Xariirad, waxaanu yidhi, “Waxaan Xukuumada ugu baqayaa inay doorkeeda ka ciyaarto waxaas dhacay ee maanta fool-xun inaanay dib u dhicin, nabad-gayadana wax laga qabto, Xukuumadda waxa laga doonayaa inay la timaado dedaalkeedii, markaa xukuumadda kama arkayo firfircooni ee waxa looga fadhiyaa inay la timaado firfircooni dheeraada oo waxaas lagu bogsiiyo.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi, “Immika waxa  halkan saaka (shalay subax), iigu wada yimi dhamaan Ciyaartoygii Reer Awdal iyo kuwii Reer Salal oo wada socda oo Bas watay, waxaanay isku hayeen idin ma raacayno oo waatan wax la dilay ee anagu xaggan ayaanu ka wareegaynaa ee idikuna dhinacaas ka wareega. Durbadiiba nabad-galyadii ayay samaysay oo waan u sheegay Wasiir ku-xigeenkii amniga oo aan la hadlay isaga iyo Cabdillaahi Iimaan inuu inamada u yimaado oo ay gaadhsiiyaan halkii ay ka yimadeen wuuna naga caqbalay.”

Cabdi Faahiye waxa kale oo uu sheegay inuu qab soomi layahay shir ay doonayaan inuu dhex-maro Xukuumada iyo Madax-dhaqmeedka degaanka Salel oo la doonaayey in lagu so oaf-jaro murankiii ka dhashay Doorashadii Golaha Degaanka, gaar ahaan degmada Saylac ee 28/11/ 2013 dalka ka qabsoontay.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories